WAREYSI: Mo Farah Oo Ka Hadlay Arsene Wenger, Kulanka Bayern Munich, Iyo Inuu Ku Ciyaari Doono Emirates. | Laacib.net
Home » Horyaalada » England » WAREYSI: Mo Farah Oo Ka Hadlay Arsene Wenger, Kulanka Bayern Munich, Iyo Inuu Ku Ciyaari Doono Emirates.

WAREYSI: Mo Farah Oo Ka Hadlay Arsene Wenger, Kulanka Bayern Munich, Iyo Inuu Ku Ciyaari Doono Emirates.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 18-02-13 6:57 PM

wenger-farah

Orodyahanaka labada bilood ee Olimbikada ku guuleystay Mo Farah asalkiisana Soomaaliga yahay ayaa ka mid ah taageerayaasha ugu caasan ee kooxda Arsenal, waxaana uu maanta wareysi dheer siiyay Eurosport isagoo kaga hadlayay arimo badan oo Arsenal la xiriira.

Laacib.net idiin soo tarjunay wareysiigii uu Mo Farah siiyay Eurosport oo u dhacay sida tan:

Maxaad u noqotay taageere Arsenal?

Markii aan da’ yaraa waxaa jeclaa kubada cagta, waqtiga intiisa badan waa daawan jiray, Waxaan ku ciyaari jiray garoomada yaryar sida wiilasha dhan ay sameeyaan, waxaana ku riyoon jiray inaan maalin uun xirfadle ku noqdo. Waan u ciyaaray koox xaafadeyda ka dhisan, laakiin waxaan markii danbe ogaaday inaan orodka ku fiicanahay. Xilligii Arsenal ay isoo jiidatay waxa ay aheyd finalkii FA Cup ee 1993dii. Arsenal ayaana 2-1 kaga badisay Sheffield Wednesday ciyaar ku celis aheyd, Ian Wright ayaana labada kulanba shabaqa soo taabtay.

Ilaa iyo intee ayaad isku dhowdihiin kooxda iyo ciyaartoyda?

Madaama aan hada ku noolahay Mareykanka sidii aan jeclaa uguma dhawi. Sidaasi darteed ma ahi qof leh tiketka xilli ciyaareedka oo dhan. Ka dib ciyaarihii Olimbikada waxaan daawaday kulamo qaar oo kooxda ayaan marti u ahaa, waxaana galay gudaha garoonka. Waxaan la kulmay ciyaartoy badan qaar kalena waxaana ku xiriirnaa fariinta qoraalka oo nasiib wanaag isaga rajeynaa.

Akoonkaaga Twitter waxaa soo dhigtay sawir tababaraha Arsenal Arsene Wenger uu kor u qaadayo gabadhaada Caa’isha, mid ka mid ah mataanadaada. Sidee taas ku dhacday?

Taas waa maalintii la igu casuumay ciyaarta, si fiican ayaana la iila dhaqmay. Waxaan ahaa sida wiil yar. Arsene waxaan ku arkay tunnel-ka, horena waan u kulanay sidaasi darteed waxaan bilownay inaan sheekeysano. Markaan kama aysan dheereyn markii ay mataanaheyga ii dhasheen, sidaasi darteed waxaan doonayay inaan sawir isaga iyo gabdhaheyga ah helo.

Tababaraha Manchester United Sir Alex Ferguson waxa uu u balanqaaday Usian Bolt inuu ciyaar baashaal ah ku ciyaari karo Old Trafford sannadkan. Adiga taas ma ka codsatay Wenger inaad ku ciyaarto Emirates?

Hadda ka hor kooxda tababar waan la qaatay, wuuna i arkay anigoo ciyaaraya. Hadii fursad sidaasi oo kale ay soo baxdo si dhab ah ayaana uga fiirsan doonaa.

Waa maxay fekerkaaga la xiriira xiddiga Jarmalka Lukas Podolski?

Waxaan qabaa in waqti yar ay ku qaadaneyso inuu saldhigto. Kubada Inagriiska waa ka duwan tahay tan laga ciyaaro meel kale, waa ka dhaqsi badan tahay. Waxaan arkaa inuu horumar u sameyn doono sida Dennis Bergkamp uu u la qabsaday Arsenal. Sidaasi darteed waxaan arki doonaa ciyaartiisa ugu fiican xilli ciyaareedka soo socda, waxaana uu inoo noqon doonaa ciyaaryahan weyn.

Taageere kale oo caana oo Arsenal ah Spike Lee oo aflaamta sameeya, ayaa dhawaan dhaleeceeyay Gunners isagoo yiri: “Waa inay lacag qarashgareeyaan islamarkaana ciyaartoy helaan.” Sidee ku sharaxi kartaa dhibaatada ay ku jiro Arsenal. Waa 7 sanno iyo bar koob la’aan ah.

Dhamaanteen waan jecel nahay inaan koob ku guuleysano sannad kasta laakiin taas ma dhici karto. Waxaa ina soo dhaaftay 7 sanno oo koob la’aan ah, laakiin kooxo qaar 70 sanno ayaa soo dhaaftay. Taageere ahaan waa inaad garab istaagtaa kooxda islarmarkaana aad rajeysaa in wax walba ay hagaagayaan. Waxaan dhawaan heshiis ka saxiixanay ciyaartoy da’ yar hadii ay dhamaantood horumar sameeyaan, koox fiican ayaa soo baxeysa.

Waa Maxay fekerkaaga la xiriira Bayern Munich? Ma jiraa ciyaaryahano Bayern oo aad xiiseyso?

Dad badan oo England jooga kama war qabaan sida ay u weyn tahay Bayern Munich. Waxaan maqlay warar sheegaya in milyan taageerayaal ah ay Munich joogeen finalkii sannadkii hore…. taasna waa taageerayaal badan! Kooxdooda waxaa ka buuxa ciyaaryahano waa weyn, laakiin waxaan isha ku heyn doonaa Franck Ribery iyo gaar ahaan Arjen Robben. Robben hore ayuu dhibaatooyin inoogu abuuray, waxaana u baahanahay inaan orodkiisa yareyno. Arsenal maalinta ay u saaran tahay waxa ay garaaci kartaa koox kasta, laakiin waxaan u baahanahay inaan niyad wanaag muujino oo si wacan ku bilaabano. Inta badan dhawaanahan waxaan si fiican u ciyaarnaa marka hal gool ama labo la inagula leeyahay.

Waa maxay saadaashaada ciyaarta Bayern Munich?

Sadaasheyda waxa ay noqoneysaa 2-1 oo Arsenal ay ku badineyso ciyaarta Emirates, ka dib 1-1 kulanka martida aan nahay, sidaasi darteed wadar ahaan Arsenal ayaa ku soo bixi doona 3-2. Theo Walcott ayaa gool Munich ku dhalin doona oo na soo saari doona.

49 Responses to WAREYSI: Mo Farah Oo Ka Hadlay Arsene Wenger, Kulanka Bayern Munich, Iyo Inuu Ku Ciyaari Doono Emirates.

  1. masuud Reply

    19-February-2013 at 4:07 pm

    ik wil dat mo farah mee doet met voetbal

  2. khadar iYo caraale Reply

    19-February-2013 at 2:52 pm

    caqliga ma geleso in arsenal ay badiso ma koox ayey is moodeysaa waar chelsea ayaa ku dhaami lahayd sadaashayduwa Arsenal 2-0 Bayern

  3. Muuse jawle Reply

    19-February-2013 at 10:48 am

    Sxbyaal aniga fikirkayga masahlana bayern lkn aniga ahaan 2 _1 aya arsenal kubadinaysa fly emirates arena waxaan kugalaynaa 1_1 saasaana kusoo baxayna

  4. maxamadxasan maxamad Reply

    19-February-2013 at 9:47 am

    Sxb fakarkaygu waxaan leeyahay kooxda arsenal ayaa badindoota 2.1

  5. ziizee cadde Reply

    19-February-2013 at 8:48 am

    waxaan qabaa in ay arsenal badin doonto kulanka hore kan xigana a bar bro gali doonto i.A arsenaal guuuuuuuuuuuulllllll for ever

  6. Uuntaaye arsenal Reply

    19-February-2013 at 8:08 am

    Asc bahda sportiga smlyd MO thnks alot SXB WA TAGERAHA DACADA AH SIDAS AYU U HADLA WA INAD DULQAD IYO SAMIR UYELATA team kaga ama koxdada cwane gul ayan rajeynena VIVA ARSENAL HOS MAN UNTD

  7. M....... Salaad Reply

    19-February-2013 at 7:36 am

    Chelsea ka soo tuuga dafac idinka celiyo f rabbery iy Roben sida cole iyo ivalavige

  8. Daadir osman Reply

    19-February-2013 at 6:28 am

    Wan idin slmy dhaman inta jcl sportga garahan tagerayasha arsenal sida mo farah wan badin doona in sha allah guul welcot & wilsher casola arteta by.. ..

  9. Ramzi hassan Reply

    19-February-2013 at 2:24 am

    mo farah meeshaan urad ma ahn kubad farsameesan ayaa laga cayaraa Deutschland eee arsenal oo 8 sano koob arkin iyo bayr munich sand walbo ida iska leh horyalkeeda iyo chanpionka finalaha laga celsho isku awood ma ahn eeeeeeeeeee 7 yaa lo dhibin arsenal sxb waan ku jeclnahay wiil somaliyeed aa tahy lks urad hadee tahay waan ku tageeri laheen

  10. Arsenal Reply

    19-February-2013 at 2:19 am

    Moh farax waxad iga farxisay waxan islahay iska sexo madax xanoon hafirsani lkn waxan firsana guuuug o ka danbeyo moh oo u dhashata somali viiiv somali viiiiv mooh viiiiv arsenal viiiiv waberi

  11. Cabdiraxiin (cp) Reply

    19-February-2013 at 2:16 am

    Waa shaqsi qaaliya maxamed faarax wana fikirkisa wuxu kahadlay iyo jeceylkisa ani matagero arsenal lakin oradyahanka warkiisa wa qaali dhalintana qabyalada hadayan mahadsanidiin tagerayasha man utd melkasto jogtan.

  12. Diini Reply

    19-February-2013 at 1:34 am

    Arsenaal 1.2 munich,,,,,,, thuis munich 3.0 arsenaal

  13. xassan Reply

    19-February-2013 at 12:02 am

    laacib net waxaan usheegaynaa in qabyaalada laga daayo ciyaaraha ninka saartay red devills waxa uu soo qoray uu riyoonayaa wiilka iidoor markaa wax yaalahaas ayayna fasixina oo ha iigaan waxay dadka taageerayaashu soo qorayaana mahadsanidiina

  14. calaama Reply

    18-February-2013 at 9:45 pm

    Axsan tagere lkn waxan dhihi lahaa arsinal waa lugoysmo ilaa odayga katagayo

  15. red devills Reply

    18-February-2013 at 9:45 pm

    k.k.k.k. wiilka idoor waa riyoonayaa ahahahah

    viva manufc

  16. ilove arsenal Reply

    18-February-2013 at 9:36 pm

    asc waxan aad usalamaya bahda sportiga laacib

    waxan ahay qof tageera kooxda arsenal fc waxan aad ujeclahay arsenal

    waxan rajeynaya in ay arsenal kabadiso bayer munich insha alah

    mar hadii aad tahay tageere waa in aad kooxdada u hamisa guul marwalba

    kooxda baahida koob la aan ee soo jiitameysay san filayo weykabaxeysa

    sanadkaan waxena qadeysa chanpions leaga viva arsenal jack wilsher podolis gazola wolcot rosiskey arteta isha alah wan ku guleysaneynaa chanpion leag

  17. emeche Reply

    18-February-2013 at 9:20 pm

    axsan taagere iga dheh waa taagere macquul ah mo farah

  18. khadiirtaa luba luba luuba Reply

    18-February-2013 at 9:02 pm

    mujee haadha tay sali mo farah SALI SALI SALI

  19. abdirazack Reply

    18-February-2013 at 8:42 pm

    arsenaal dadka indhahooda ayay ku arkidooonaaaan markiii beryen dhulka lagu jiiiido viva wilshere ayaaana ka adeeeegaya barcelona ayaaa emirate kubadinway
    say marka munich way riyooonaysaaaaaaaaa

  20. yaasiin Reply

    18-February-2013 at 8:38 pm

    thnks mo faraah waa nin kubada wax ka yaqaana sida macquulka ee aad u saadalisay arsenal guul baan u rajeenaynaa anigoo waliba jarmalka ku nool oo mucaarid ku ah bayer

  21. cabdirisaaq Reply

    18-February-2013 at 8:22 pm

    waa ruun tasii wanay is ka caday cida ay gushu racaysoo iyo takalaba way nu arkii lakiin moh fareh waa tagere faacaan rajanuu nagaliiyay wanu ku mahad san yay sida sii leeg ayaanuu uga badiin doona insha allah

  22. bayern Reply

    18-February-2013 at 8:17 pm

    Mo farax niyadada ba ka hadashay lkn ma adan fiirin quwada ay ledahay bayern munch runtii waa riyoonaysaa mida kalena waan gu rajaynaya guul meel kale ka raadso lkn ha ka soo raadin garoonka bayern munch

  23. Yaasiin wise Reply

    18-February-2013 at 8:13 pm

    Moha Libaax waaye Wlhi noolow Saadaashaadana sida aad u sheegtay ayay noqonaysaa insha Allah Vivi Moha Faarax

  24. zaki Reply

    18-February-2013 at 8:13 pm

    dj arsenaal waxad ku shegtay naadi wey lkn ma ogid miyaa iney bayerne munich eey heesato 4championis ligue labada koox ya quwad badan marka iska hadal ayaad u hadashan tageeraha arsenal 3+0 hadii gurigiina laisinku xasuuqo xitaa nasiib yaad leedihiin iska aamusa waxaad ogtihiin malehee waan garaaceena kulaha munich hayeey robben and rebarey

  25. Y w n Reply

    18-February-2013 at 8:12 pm

    Bayen 3 arsenal 0 tacsiya kale

  26. Tutale2002 Reply

    18-February-2013 at 8:11 pm

    Waxan ahay ciyariyan da yar joga xariyah qaxotiga dadab gar ahan hagardhera waxan tagera arsenal mo farah inu orday in ka badan inan ordi karan rajeyna waxan codsana in madaxda olanbigada somaliyed la ila xaririya teda kala arsenal wa badini arsenal1-0munich gurud ayana ka dhalina golka lacib igu xaririya madaxda somaliyed e sporte

  27. Axmed daahir Reply

    18-February-2013 at 8:10 pm

    Asc aniga run ahaanti ninkan wuxu kahadlay jacelka u uqabo arsenal lakiin waxan leyahay arsenal mahan midi layaqanay maxa yelay wa suuq ciyar toyda lagu kalagato marka hada walaga rebaaya koobka horyalada yurub runti aniga waxan arsenal kawanagsan liverpool liverpool wanadi heysada ciyartoy wanagsan hadana leh xirfad iyo tayo runti hada sanadkan wexey so aadeysa koobka horyalada yurub dhinaca kale dadka tagera arsenal waxan leeyahay arsenal haloduceyo mahan tiilayaqanay viva liverpool viva barcelona viva juventuus

  28. zz Reply

    18-February-2013 at 7:59 pm

    mo farah waxuu sheegay waxa runta ah waana taagere waaya arag ah waana uu ogyahay inaan hada kahor garacnay kana rebnay cl munich mantay waalaga yaaba inaan xoogaa liito saasay tahay waxa i caawinaya magaceega the gunners ka cabsada ciyalka jarmalkaa ee bootada ku waashay malmahan waa inoo emarats hadan caana idinka lisi weenin

  29. jack Reply

    18-February-2013 at 7:58 pm

    good idea maxamed farax mida kale kubadu waa guul iyo guul daro hadaanahay dageerasha arsenal guul aan rejey naynaa waa run arsenal habeenka ay u saarantahay koox kasta way garaaci kartaa lkn waxaan rejeynaynaa inaan soo baxi doona viiva jack 10

  30. Bandoow xavi Reply

    18-February-2013 at 7:54 pm

    Viva Gunners Mo Farah Sadaal Macquul Ah aya Bixisay

  31. ismaaciil dufle Reply

    18-February-2013 at 7:52 pm

    mo farax waa nin soomaali ah hadalkiisa macaan ayaan jeclahay lkn waa inuu diinta ku adkaadaa kuna dadaalaa salaadda salaadda waa xiriirka alle lagu xiriiro.

  32. Xaqaani@Man blue Reply

    18-February-2013 at 7:51 pm

    Kkkkk kkkkk run ahaantii maxamad faarax waa taageere wayn sifiicana wuu uhadlay laakiin dulqaado dhe tani waa arsenaloo guuldaradu madhibtee ogona halista munich leedahay sxb

  33. Arhman Reply

    18-February-2013 at 7:51 pm

    Arsenal wa koox ad u wnagsan isla markana ah kooxda ugu kubada fcn wadanka ingriska hadi ay dhcdo xata in ay naga bdiso bayern 1 ama 2 goal ayay nagaga bdin kartaa lkn la soco kubdi wa arsenal kox la tagera na wa isla guners keep ur mind gunners for ever

  34. Wiilo Reply

    18-February-2013 at 7:48 pm

    Marka hore waxan salamay tagerayasha sharafta leh otagera arsenal 2baad mohamed farah o ah walaalkey somaliyed hadana timkisa arsenal kadhibtay rayii wanagsan waxan u rajeya guul iyo cafimad arsenal viva guuul iyo farxad haben danbe isha alaah

  35. Naim0 ViVa ArSeNaL Reply

    18-February-2013 at 7:42 pm

    Sadaal Wanaagsan Mo.Sidaada Oo Kale Ayaan Guul Rajaynayaa

  36. intisaar messsi Reply

    18-February-2013 at 7:41 pm

    mo farah thnks alot wa kaa tageraha dacada ah hadi an ahay tagere arsenal and barca mo waxa u ku halday hadl macqul ah arsenal wxa joga ciyaryahno tayo leh dadka aminsan arsenal eberkeda wayena arsenal weli wey noshahay even wxa macqul ah in ay bayer ka badiso if allah says viiva barca and arsenal

  37. ahmed faati Reply

    18-February-2013 at 7:33 pm

    viva arsenal and mo farah

  38. sudaysi Reply

    18-February-2013 at 7:30 pm

    sxb waa runtaa wan badin doonaa thanks wan sugi la ahay gamka niyad baad na galisay waxaan xasuustaa

    dadkii kula tartarmayay
    gabigoodba dhaafyoo
    guusha waad sidaaye
    go go mo farah go go

  39. AC milan Reply

    18-February-2013 at 7:30 pm

    Ani arsinal mataageeri lkn mo farah caadi maahan waa taageeri dhab ah. Asaga ayaaba uqalma in laga dhigo tababare. Viva month farah »»»» nd FORZA MILAN

  40. Faysal Reply

    18-February-2013 at 7:27 pm

    Mahad sanid maxamed faarax saadaa shaadu way noqonayaa generis

  41. DJ Abtiyo Reply

    18-February-2013 at 7:24 pm

    Thanks maxamed faarax waan ku faraxsanahay inaad nala taagerto gunners koob hadu ilaahay ino qorin maqaadayno hadu ilaahay inoqoray waan qaadayna haben danbe dhamaan asxaabta ila taagerta gunners waxan u rajaynaya guul ah 3 iyo 1 viva mo faarax jack wilshere 10

  42. Najiib mcne Reply

    18-February-2013 at 7:24 pm

    K k k k k k k

  43. Deq van goaaal Reply

    18-February-2013 at 7:24 pm

    K.k.k.k.k.k. WU RIyonaya

  44. mohamud_milner 7 Reply

    18-February-2013 at 7:22 pm

    k.k.k.k.k.k cadi ma ahan mo farah lkn wa hadey is xoreyan anina kulankas waxan lajira gunners viva man city barcelona

  45. Asad kallaay Reply

    18-February-2013 at 7:19 pm

    Wa nin fikir fcn hadalkisana wa macquul wana arki dona insha Allaaaah

  46. masuul Reply

    18-February-2013 at 7:18 pm

    VIVA MO

  47. abdi kadir cadde Reply

    18-February-2013 at 7:16 pm

    Kkkkk walhi aniga arsenal mataageeri lkin taageerayaasha arsenal waa ey dhibanyihiin. Month farah niyadiisa ayuu kahadlay viiiva man united

  48. Mohammed Reply

    18-February-2013 at 7:14 pm

    Maa qaarwa ninka Bayern München ayaa ka gurigooda ku garaaca ku yee ama 10 gool lagu xasuuuqa
    Arsenal intaan nin hadaay qaabtan waay raayn doona

    Number 1 Ribery
    Number 2 Schwanisteger
    Number 3 Toni kross
    Number 4 Mario Gomez

  49. dj Reply

    18-February-2013 at 7:12 pm

    arsenaal waa naadi weeyn munichna waan ka badi doonaaaaaa
    waana ka sootaqalusi donaaa

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>