
Xiriirka kubada cagta Yurub UEFA ayaa xaqiijisay in hadii Swansea ay xaqiijisato booskeeda Europa League oo ay Capital One Cup ku guuleysato inay matali doonto England oo aysan matali doonin wadanka ay ka dhisan yihiin ee Wales.
UEFA ayaa shaacisay ka hor kulanka finalka Capital One Cup ee ay Swansea la ciyaareyso axada soo socota Bradford inay matali doonaan England halkii ay ka matali lahaayeen Wales hadii ay ka guuleystaan Bradford City oo ay u soo baxaan Europa League.
Swansea ayaa wajihi doonta kooxda heerka afaraadka iyagoo fursad u heysto inay ku soo laabtaan tartamada Yurub tan iyo 1991kii, iyadoo finalkaan uu xitaa u yahay koodii ugu horeeyay muddo 100 sanadood ka badan, laakiin waxa ay ku tartami doonaan calanka England halkii ay ku tartami lahaayeen calanka halka ay ka dhisan yihiin ee Wales.
Afhayeen u hadlay UEFA ayaa yiri: “FA-ga ayay ku xiran tahay hadii Swansea ay qaadaneyso booska Europa League halkii koox Ingariis ah ay ka qaadan laheyd. Hadii FA-ga ay siiyaan Swansea waxa ay ku tartami doonaan magaca England.
“Swansea waxa ay ku soo bixi doontaa iyadoo wakiil ka ah England.”
Swansea ayaa ka soo talaabsatay Crawley, Middlesbrough, Barnsley, Liverpool iyo Chelsea sidaas ayayna ku soo gaartay finalka, halka Bradford ay soo qaarjisay kooxaha Premier League Arsenal, Aston Villa iyo Wigan.
Caaqil Cade
17-February-2013 at 8:43 pm
waa labo koox oo halis ah laakiin swnasea galabtaa laga aarsaday liverpool ayaa xasuuqday
Bushaale
17-February-2013 at 4:54 pm
Muhiid ayeey utahay wadanka ingiriiska in swensea kudheesho magaca ingalnd dhinaca kale swensea waxaa waaye koox hormar sameneeso wat arki doontan waxan xasuustaa man cty 5an sano kahor kalmaha eey hada swensea kujirto ayeey kujiri jirty maantane waxeey kamit tahay kooxaha sfafka hore kujiro swensea maxaa sanadaha soo socdo udiidayo bosaskaan wa maya awodaas weey leedahay viv swensea
a/shakur
17-February-2013 at 4:30 pm
habarteeeed haday rabto hamatasho kkkkkkkkkkkkkkk maxaaaaa iga gidhiiiiisa
Fitaaxlfc4life
17-February-2013 at 3:08 pm
Kkkkkkkkkk horyaalka england ayey ka cayaaaaaarta waa waajib magaca england ayey ku cayaaaaaare hhhhhhhh wale waa latagay
Nasri Barcelona
17-February-2013 at 2:54 pm
@Farah
Gumeysi ma aha ee waa dooqa Kooxda iyo Uefa.
Axmed zaki
17-February-2013 at 2:27 pm
Soomali hadaynu nahay maxaa inaga galay england
Farah
17-February-2013 at 2:27 pm
Tasi wa gumeysi ayan dhihi kara egland magac raadis badanaa
hhhhh
17-February-2013 at 2:13 pm
Swans city