Home » Horyaalada » England » Man City Oo Lagu Waramayo Inay Ku Horeeyaan Saxiixa Xiddiga Diirada U Saaran Chelsea Marouane Fellaini

Man City Oo Lagu Waramayo Inay Ku Horeeyaan Saxiixa Xiddiga Diirada U Saaran Chelsea Marouane Fellaini

Waxaa Qoray:

Taariikh: 17-February-2013

Everton v Aston Villa - Premier League

Wargeyska Sunday People ayaa shaaca ka qaadaya in Man City ay hogaanka u hayaan tartanka loogu jiro soo xero gilinta xidiga qadka dhexe ee kooxda Everton Marouane Fellaini  kaasi oo kooxo dhowr ah ay isku haystaan .

Sida wargeyskaan uu tilmaamay City ayaa soo bandhigtay qiimo gaaraya 30 milyan oo euro iyadoo sidoo kale labo ciyaar yahan oo uu ku jiro Gael Clichy ay ku dhameenayaan hishiiska laacibkaas Fellaini .

Waxaa xusid mudan in City xilli ciyaareedkaan ka sheeganayaan qadka dhexe oo aysan ku guuleysan xakameyntiisa sidii xagaagii hore, waxa ayna u arkaan Yaya Toure iyo Marouane Fellaini   yihiin kuwo xalin kara  qadkaas.

Xidigaan asal ahaanta ka soo jeeda dalka Morocco ayaa waxaa dadaal ugu jira iyana kooxda Chelsea xilli macalinka Everton David Moyes ku celcelinayo in marnaba si sahal ah aysan ku fasaxeyn laacibkaasi .

Fellaini ayaana dhawaan u sheegay jariirada The Sun in Chelsea ay ka soo dalbato kooxdiisa Everton hadii ay doonayaan.