Kabtan John Terry Iyo Tababare Rafa Benitez Oo Beeniyay In Qilaaf Uu Soo Kala Dhexgalay. | Laacib.net
Home » Horyaalada » England » Kabtan John Terry Iyo Tababare Rafa Benitez Oo Beeniyay In Qilaaf Uu Soo Kala Dhexgalay.

Kabtan John Terry Iyo Tababare Rafa Benitez Oo Beeniyay In Qilaaf Uu Soo Kala Dhexgalay.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Taariikh: 17-02-13 6:39 PM

250048hp2

Kabtanka kooxda Chelsea John Terry iyo tababaraha ku meel gaarka ah Rafa Benitez ayaa beeniyay wararka xanta ah ee sheegayay inay isku dhaceen.

Tababaraha Blues ayaa u sheegay suxufiyiinta khamiistii in booska daafaca dhexe uusan aheyn mid hubaal u ah, laakiin warar maanta soo baxayay ayaa soo jeedinayay in labada nin uu qilaaf soo kala dhexgalay.

“Gabi ahaanba waa war qashin ah” ayuu Terry u sheegay ITV ka dib kulankii ay 4-0 kaga badiyeen Bentford.

“Waxaa jiray maanta warar ku qornaa jaraa’idyada, laakiin gabi ahaanba waa wariye caajisay waxa uu soo qoray. Tababaraha waa uu i yaqaanaa iyo inaan doonayo inaan ciyaaro laakiin waxaan maqnaa seddex ama afar bilood laakiin Ivanovic iyo Cahill ayaa shaqo fiican qabanayay, sidaasi darteed waxaa jira tartan badan, waana u dagaalami doonaa booska.

“Ma jirto wax cabasho ah oo dhankeyga ka timid.”

Benitez ayaana taageeray hadalka kabtankiisa isagoo yiri: “Xaqiiqdii waan la yaabay sababtoo ah ma aanan aqrinin jaraa’idyada waa la ii sheegay.

“Waa war qashin ah, sida iska cad waad arki kartaa inuu garoonka ku jiray, waxaana uu la shaqeynayay kooxda inteeda kale. Waa wax ay tahay go’aansato, laakiin waa iska okay.”

5 Responses to Kabtan John Terry Iyo Tababare Rafa Benitez Oo Beeniyay In Qilaaf Uu Soo Kala Dhexgalay.

  1. maxamad hassan Reply

    18-February-2013 at 10:20 am

    Terry maxa benta logashegaya wa layab waaxan umalenayaa wa saxafi kasojeda man untd akhyaareey

  2. chelsea Tv and barce Tv Reply

    18-February-2013 at 8:15 am

    wariye caajisay kulaha tery
    tery warkas ka bax benitez meel naga saar

  3. shaakir yare Reply

    17-February-2013 at 8:41 pm

    kaabtan dunida uguqabirsan aad baan utagersanaayviva john tfery

  4. super F.LAMPARD Reply

    17-February-2013 at 7:51 pm

    waa lagu yaqaanaa mararka qaar in warbaahinta ay abuuraan

  5. Najiib mahamed Reply

    17-February-2013 at 6:48 pm

    Kabtan jon terry waa kabtan fcn lagama yaabo hdlkaas in uu dhahay

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>