
Xiddiga reer Brazil Coutinho ayaa akoonkiisa goolasha u furtay Liverpool xilli ay ku ciil baxeen Swansea City oo marti ugu aheyd Anfield iyadoo ku garaacay 5-0 ciyaar ka tirsaneyd horyaalka Premier League.
Liverpool oo guuldarro isku xigxiga ay soo gaartay dhawaan ayaana ciyaarta ku bilaabatay si carcar ah, waxaana ay durabdiiba abuureen fursado dhowr ah, ilaa iyo daqiiqadii 34aad markaasoo ay hogaanka ciyaarta u qabteen ka dib markii rigoore lagu galay Luis Suarez.
Kabtan Steven Gerrard ayaana u soo istaagay rigoorada kaasoo dhanka xagasha hoose ee dhanka midig ka geliyay kubada shabaqa inkastoo goolhayaha uu ka raacday, waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 1-0 oo hogaanka ay ku heysay kooxda Reds.
16 ilbiriqsi markii ay socotay qeybtii labaad Liverpool ayaa hogaanka dheereysatay, Suarez ayaana kubad u dhigay xiddiga cusub Coutinho, kaasoo isna kubada la galay golka ka hor inta uusan si qatar ah uga dhalin goolhaye Vorm.
Coutinho oo uu kulankaan u ahaa kiisii ugu horeysay ee uu ku soo bilowdo tan iyo markii uu bishii hore Liverpool kaga soo biiray kooxda Inter Milan ayaana durabadiiba akoonkiisa goolasha u furay kooxda Merseyside.
Daqiiqado ka dib Coutinho ayaa u dhawaaday inuu helo goolkiisii labaad ka dib markii uu kubad ka helay Suarez laakiin kubada oo uu si farsamo leh cirib ugu wareejiyay ayaa hareermartay goolka.
Liverpool ayaana daqiiqadii 50aad heshay goolka seddexaad, kaasoo ku dhashay kubad qatar ah oo indhoqabad leh islamarkaana ku timid isku dhiibdhiib qurux badan. Suarez ayaa kubad baasay Enrique kaasoo isna cirib ugu dhiibay Sturridge. Sturridge ayaa kubada koontaroolay ka dib dib ugu celiyay Enrique kaasoo isna shabaqa ku taabtay.
Lix daqiiqo ka dib Liverpool ayaa ciyaarta hurdo u dirtay markii Luis Suarez uu u dhaliyay goolkii afaraad isagoo caawinaad ka helay Downing islamarkaana kubada la maray daafacyada Swansea ka hor inta uusan shabaqa deris la noqon
Daqiiqadii 63aad ayaa Liverpool waxa ay heshay fursad dahabi ah markii Sturridge kubad dheer loo soo qaaday, isagoo xabadka ku koontaroolay islamarkaan goolka u furnaa laakiin waxaa si fantastik ah kaga beeniyay goolhaye Vorm, kubadii soo noqotay ayaa waxaa albaabka hore ee xerada ganaaxa ku helay Suarez kaasoo isna goolka haweystay laakiin waxaa ka celiyay Bartley.
Liverpool ayaana goolasheeda aan ka daalin waxaana ay goolkii shanaad heshay daqiiqadii 71aad markii Routledge uu gacanta ku taabtay karoos uu soo dhigay Jose Enrique, iyadoo garsoore Howard Webb uu tilmaamay rigoore.
Steven Gerrard ayaana si deeqsinimo ah ugu dhiibay rigoorada Sturridge oo ciyaarta ka dhex muuqday kaasoo si quruxsan u dabamariyay goolhaye Vorm.
Liverpool ayaana shantii daqiiqo ee ciyaarta u danbeysay waxa ay ku ciyaarayeen 10 ciyaaryahan iyadoo Fabio Borini oo bedel ku soo galay uu dhaawac ka soo gaaray garabka, taasoo sababtay inuu garoonka ka baxo.
Liverpool oo ciyaar qatar ah ku garaacday Swansea City 5-0 ayaana waxa ay guushaan ka saacideysaa inay soo gasho kaalinta 7aad iyagoo leh 39 dhibcood, waxaana ay booskaas kala baxeen kooxda ay maanta ka badiyeen ee Swansea.
C.takow.7 from liver bool
18-February-2013 at 12:05 pm
Viva san u shegay wey ku gule satay wali ga gu leso wad qadesa wax kas to kulan ka so soc waxa la garawa zent ina ku tumato viva mr stvn gerrard suares iyo asxab ta kale by ym cmb$
Aateey
18-February-2013 at 11:40 am
Wan idin salamay dhamman bahda laacib.net iyo taageerayaasha Reds iyo inta jecel naadiga reds waxan rajeynaya in mar waliba line up ka quruxda badan oo ay ku ciyaaren wan u hanbalyeynayaa naadigeyga reds iyo taageerayaasha oo geesiyiinta ah waxan idin leeyahay weligina ku noolaada farxad sida iyo nabad galyo iyo guul is daba joog ah insha allah by
Axmed nuur xasan
18-February-2013 at 10:36 am
Waan idin salamay dhaman tageraha liverpool xalay waxan samaynay waxay ahayen wax lagu farxo nadiga waxa wada sanadkan istureg
Caaqil Cade
18-February-2013 at 9:23 am
xudeyfa syl iyo alcadaala waan idinka qaaday salaanta mid la mid ah ayaan hawada idiin soo marinayaa, intaa salaanteen waan salaamayaa sidoo kale. liver line up qurux badan ayey kusoo gashay ineey sidaan kusii wadaan ayaan jeclahay si guulo waaweeyn loo gaaro suarez sturridge cotinho iyo downing, afarta xidig oo halmar lawada safaa gerrard iyo lucas ay dhexda maamulaan, markaas waa xoox wada weerar ah. you will never walk alone..
Bakar british
18-February-2013 at 8:46 am
Asc dhaman aqyarta
asxabe liverpool yala yaresanina mxa yele wd argten wxe xali dhigese mrka hdi ad aragtan suarez countinho sturruge oo afka u dhelayn liverpol ka cabsada iyo wali dowwning is the best team liverpool vive hdi an nahne tagerysha reds,wna xunnahene dhaweci so gare borini insha allah wxad argedonten wxa layaab ah
Muscab
18-February-2013 at 7:44 am
Sidaan maku sii socon karnaa he? I hope zenit inaan garaacno kadib aan u so jeesano 11 ka kulan e EPL ka haray.
Cabdulaahi cali
18-February-2013 at 7:26 am
Asc dhamaan bahda laacib.net liverpool oo ku soo gasho farmashinkaan waxaan u maleymaa in aan lacelin karin reina jonson garajar agar en repue lucas gerarrd dhowng suarez sturege coutinho viva reds
Ismaacil isxaq
18-February-2013 at 7:15 am
Aad ayan ugu faraxsanahay guusha livarpol waxana rajeynayaa in ay sidan ku sii socoto waadna mahadsantihin bahda laacib
qabsan
18-February-2013 at 7:01 am
Shan ku badi shan jeerna halagaa badiyo waa dhaqanka liverpool ee sanad yadaan danbe…… . We Nevar wk alone …
Duubi
18-February-2013 at 1:00 am
Asc dhaman tagerayasha faca weyn ee REDS hadan fikirkeyga ugudo galo caawa sidaan u ciyaarnay hadaan game walbo u ciyaarna waxaa ii cad inaan 4aad soo tiigsan doono suarezne waxan jeclan lahan inoow dhamesto ciyaarta stturedge ne waxan leyahay wa in uu is dijiyaa fabio borani ne cafimad dag dag ah ayan u rajeynaya viva suarez and e.gerrard
Fitaaxlfc4life
17-February-2013 at 11:13 pm
Salaaaaam asxapta mida kale maaaanta wax layaaab ah ayaan ku arkay naadiga oo ah 3 weerar oo wada ah rag kubada wada dhisaya waana suares & sturridge & coutinho waxaadba mooda in aaan ku wada helnay nasiiib sadaxdaan werar yahan mid walba kubada wuxu lasoo adaya goosha kooxda kale asagoo meela halis ahna ka dhiibaya ama ka toogana hadey wda cayaaran 3 kulan isku xiga waxaan umalenaya in laga qeeylin doooono waa cajiib sida oo u la dhaqaaqayo kubada coutinho we wish more to came from him wlh waaa brilliant game maanta let’s bring to this zenit game smiling smiling smiling a nice finish weekend hope more it excited Kkkkkkkkkkkkkkk YWNA
C.fitax-dh.mrb
17-February-2013 at 11:02 pm
Xaqiqdii san hadan u ciyarno inan 4ad galeno way iska muqata.viva redska
Capitano Abti Doon MacQulSomE
17-February-2013 at 10:30 pm
Xudeyfa N Al-Cadaala Waan Idinka Qaaday, Mid La Mida Brothers, Thanks In Badan (Y), Sln Kadib:
Maanta Qaab Ciyaareed Wngsn Ayaanu Soo Bandhignay, Waxaana Aad Ii Cajabiyey Xidiga Da’da Yar Ee Dhawaantan Aanu Inter Milan Ka Soo Qaadanay Ee Coutinho.
Waxyaabaha La Yaabka Lahaa Ee Maanta Arkay Ayaa Ahaa In Liverpool Ay Goolka Toogtay Qeybtii Hore Ee Ciyaarta 21 Jeer, Halka Cel Celis Guud Ahaan Ciyaartana Ay Goolka Toogteen 33 Jeer.
Hadii Aanu Sidaas Mar Walba U Ciyaarno Jadwalka Kala Horeynta Safka Hore Ayaanu Gali Karnaa, Gaar Ahaan Waa Inaanu Badino Kulamada Aanu Ku Ciyaareyno Garoonkeena Anfield.
MHDSNIDIIN.
YNWA.
abdi kadir cadde
17-February-2013 at 10:20 pm
Ciyaalkaan taageero liverpool hal mar hadey badiyaan sida eney cup qaadeen camal ayeey iskugu hambaliyeeynayaan websetka xitaa lagama aqrisankaro game kale soo fiiriya team yar ayaa dhulka kujiidaayo hal qof oo taageero liverpool kuma arkeysid meeshaaan viiiva big team in the england man united
abdi kadir cadde
17-February-2013 at 10:16 pm
Ciyaalkaan taageero liverpool halmar hadey badiyaan websetka lagama aqrisan karo sida eney cup qaadeen camal ayeey iskuugu hampaliyeynaayaan magaceyga sifiican ufiiriya game kale liverpool team yar ayaa kabadinaayo hal qof oo taageero liverpool kuma arkeysid meeshaan war naga aamusa viiiiiva big team in the england man united
butter cade
17-February-2013 at 10:12 pm
waw waxas kubad ka ah guuuuul
nasrullaaah
17-February-2013 at 10:04 pm
Woooooow waa guuuul aaan u qalanay waana sii wadi doonaaa inshllh kubadaan ku aqiinay ayay bilowday liverpool thnx all
Sahal abraham
17-February-2013 at 9:47 pm
Way badisay liverpoool lkn wa hadi ay siwadi donto
Abdifatah villa
17-February-2013 at 9:27 pm
Xudeyfa iyo al.cadaala wa idinka qaday sxbyaal salanta mid la,mid ah aya idin salamaya runti galabta waxba ka dhacay Anfield waxa rajenaya kulanka zenit inan sidan o kale u ciyaarno VIVA LIVERPOOL
Ahmed
17-February-2013 at 9:21 pm
Ascm dhamaan tagayrasha liverpool aaaad ayn ogu faraxsanahay guusha aan cawa garaney wxn jcelan lahaaa markast0 in aan sidan u ciyaran0 walib0 line-upka cawa an ku ciyaran am ku ciyarn0 lkn raina in laga saro linupka liverpool
Cade
17-February-2013 at 9:09 pm
Waw wan idin salamay rer reds midan laso kobi karin ninka cotinho wan kafilayey inan sidan so wado farsamo ayu la yaryahay wan dadalayna lakin sanadkan ciyar xaraga leh ayan so bandhignay gul rer reds
Xusni
17-February-2013 at 9:06 pm
Ascdhaman bahda ciyaaraha yaa salaam! caawa waxbaa kadhacay anfeild road swancea waxanu kaladul dhacnay xanaaqii kobkii ay naga reebtay lakiin cunsuruyiin tii zenit baa war uyaalaa waxan jeclahay kulankaa insidii caawa aanu uciyaarno reds YNWA
amiir
17-February-2013 at 9:00 pm
waxaan la yaabanahay dadkan dhahayo liverpool shan ayey ku badisay oo yaaa ku dhahay shan kuma badin inta aadan qof eedeyn akhri qoralka laacib.net si sax ah ayuu u sheegay goolasha waad salamantihin dhamaan bahda sportiga jecel
Farah
17-February-2013 at 8:54 pm
Ani waxan sugaya sinit ineey tan iyo si kadaran ay u galan markas dhaman tagerayasha liverpool abaal marin ayan siinaya wa balan waxana qeeybsan doonana farxad tan kasii badan in sha allah
Saga
17-February-2013 at 8:51 pm
Kkkkkk reds waxnka xumahay inkastanan tgeerin reds hadana cawa ciyar wanag ayey sobadhigeen lkn maku wadaysana reds nagadaya malin farxada iyo malin madax xnun ah
Mustaf tufka
17-February-2013 at 8:51 pm
Reds waxay bilawdey ciyaarti laguyaqiney hadana kaalinta afaraad wax kahor istaagikaro malahan salan dhamaan taagyariyaasha guuuuuuul wacan
Hehehe
17-February-2013 at 8:50 pm
Hhhhhhhh. HALMAR AA BADISEN qeeeladina walaj0gi la nahay.
Sanad walp0.na sanad ka kale aa aden CL aa dhahdin. Bal aa arak n0 sanad ka kale hadi inaa adi d0ntaan
Sadiiq yare
17-February-2013 at 8:31 pm
Cuatinho macalin waye wana xidigi garonka viva liv’pool
al cadaala liverpool
17-February-2013 at 8:20 pm
fariin baan u dirayaa kooxa joogo baanlahadlayaa eey isku heestaa booska 4 afaraad kooxda hadleysana wey yaqaana haloo sheego in alaala inta isku daydo in liverpool ey kahor is taagaan wadadaan ayaa lamar siidoonaa
kacabso lfc vivi s.gerrard and l.suarez p.coutinho vivi
N.shein
17-February-2013 at 8:18 pm
Xufeyfa syl wey kaagudomen dhamaan tagereyasha redska asxbta salan qaali ah ayad mudantehen cwa guul weyn ayan garnay lkn waxa kaxumahay markasta san uma ciyarayan lkn waxan garena top 4 all salan sare
al cadaala liverpool
17-February-2013 at 8:14 pm
xudeyfa syl walal mid lamid ah kaqaado garooka anfild
Abu-hafsa
17-February-2013 at 8:13 pm
a.c Haiga qaldin waa 5-0 labo rigore oo storige laga diday aya ciil iga hayaaye
Caaqil114
17-February-2013 at 8:10 pm
asc dhamaan bahda laacib.net iyo asxaabta kale, ciyaarta hadda ayey dhamaatay laacib goormuu soo galshay, waxeey ka mid tahay waxyaabaha aanku jeclahay wargeeska laacib. fanks redska dhamaan hambalyo ayaan idin leeyahay. ciyaarta maanta liver sidii aanka filaayay ayey u dhacday ileeyn libaax xanaaqsan waataqaanaa wuxuu soo wado kulankii hore ayey fursad qasaariyeen waa guuldaradii wigan ee garoonka liver. laakiin maanta waala iska ilaabay taas, xitaa difaacyada baalasha goolka swansea ayaa laga celcelin waayay waa jonhson iyo enrique ragga kale maxaa ka filee.. sturiddge waa xidigga jira inuu isdajiyo kaliya ayaa ka maqan dhowr jeer ayuu fursad helay uuna qasaariyay, inkastoo rigoore uu dhaliyay, laakiin waxaan ku qoslaa ciyaartooyda ha lug beey ku baasaan isaga laakiin labada lug ayuu kuugu baasaa mararka qaar si farsameeysan.
cotinho haduu marwalba safto kooxda sifiican ayuu ulaciyaari karaa, maanta waxaad moodaa kulankiisii ugu horeeyay ee lagu soo bilaabay si fiican buu ulaciyaaray ciyaartooyda. suarezna inuu gool dhaliyo waan rabay si gool dhalinta uu ugu guuleesto. rajadeena weey fiican tahay kulan walba hadeey u ciyaaraan sida maanta oo kale ama final oo kale waa ay badin doonaan. line up qurux badan ayuu kusoo galay maanta macalinka. viva suarez and gerrard
qalinle
17-February-2013 at 8:09 pm
Bahda daadihisa laacib aad ayaad umahadsantahiin sida wacan ee aad inoogusoo gudbiseen lkn ciyaarta waxay ku idlaatay 5-0 waana sidaas liverpool aad ayey isku fahmeen hada waxayna soo bandhigeen ciyaar aad usaraysa oo aanay indhihu kadaalayn viva reds.
M.dack
17-February-2013 at 8:08 pm
Run ahanti waxaan ku riyaqay wlbo aan ku helmamay 2duul daro naga so garty ciytar cwd iyo wlbo sida aan ku ciyarnay saan le halagu socdo top4 waan imanayna in sha allah
BASAY AHMED
17-February-2013 at 8:07 pm
hala quusto qamisa laqustaye this what iam waiting continho mcalin
al cadaala liverpool
17-February-2013 at 8:07 pm
kkk waxaan salamaya dhamaan taageerayaasha liverpool asxaabta kala ah capitano abti doon caaqil cabdi fitah villa c.raxmaan ziizuu sln kadib runaahantii bd ayan u faraxsanahay guusha ey gaartay kooxdeyna waana guul bn u qalanay in aan gaarno kooxda waxey abuurtay fursado bdn misana aan lasoo koobi karin wana ku faraxsanahay waxan salamaya dhamaan taageerayaasha kooxda lfc waxbn i din leeyahay guul ayaan i diin rajeynaa vivi lfc barca and jventus
xudeyfa syl
17-February-2013 at 8:03 pm
Hhhh sln sare tageryasha faca weyn vila n shein al cadaala caaqil cade abti doon iyo dhaman rer reds xaqiqdi tani waxy dalill u tahy inay noshahy liverpool la yaqiny viva reds
Dulyar yare
17-February-2013 at 8:02 pm
Liverbool5-0sawanea waa sidas mahadsanidiin
Nasri Barcelona
17-February-2013 at 8:00 pm
Coutinho laacib iga dheh
Dulyar yare
17-February-2013 at 7:59 pm
Lacib wad mahadsantihii sida ad ciyaraha uga xaqabtirtii midakale ciyarta waxey kudhamatey liverbool5-0 waa sidas
korneelka
17-February-2013 at 7:57 pm
libaaxa leerta jiifa yaa isku daadaansada dhahay bakhtiga waa lagu yareeyay fifa marsaysid red