Juventus Oo Ku Soo Biirtay Dadaalada Loogu Jiro Gacan Ku Dhigista David Villa. | Laacib.net
Home » Horyaalada » Italy » Juventus Oo Ku Soo Biirtay Dadaalada Loogu Jiro Gacan Ku Dhigista David Villa.

Juventus Oo Ku Soo Biirtay Dadaalada Loogu Jiro Gacan Ku Dhigista David Villa.

Waxaa Qoray: Osman Fantastik
Twitter: Taariikh: 16-02-13 2:20 PM

villa

Kooxda Juventus ayaa lagu waramayaa in ay dadaal u galayaan sidii xagaaga dambe kooxda ugu soo biirin lahaayeen weeraryahanka Barcelona David Villa kaasi oo u muuqda in uusan baaqi ku sii ahaaneyn Barcelona.

Juve ayaa la tibaaxayaa in ay laacibkaasi ku doonayaan aduun lacageed oo gaaraya 15-milyan oo euro , wax ayna tani soo baxeysaa xilli Juve ay horay ula hishiisay Fernando Llorente kaasi oo xagaaga dambe tagaya kooxdaas Juve.

Villa ayaa kooxo badan lala xariirinayaa maadaama xisaabaadka Vilanova si wacan ugu jirin , iyadoo wararka qaar sheegayaan in Arsenal tahay kooxda ugu dhaw in ay la wareegaan 31-sano jirkaas reer Spain .

Barcelona ayaa todobaadkii hore xadiday qiimaha uu ku bixi karo David Villa kaasi oo gaaraya 20-milyan oo euro , waxaana muuqata in Juve ay dagaal u galeyso laacibkaasi aan ku qanacsaneyn kooxda Barcelona.

Osman Fantastik

Follow Me:
Facebook

5 Responses to Juventus Oo Ku Soo Biirtay Dadaalada Loogu Jiro Gacan Ku Dhigista David Villa.

  1. wenger Reply

    17-February-2013 at 4:00 am

    juve wey kadartay juve aan tala kusiiyo man city ayaa kujabtay laacibiinta bada ee iskadaa vila anagaa rabnee kaagana xaq lehee kkkkk

  2. Caaqil114 Reply

    16-February-2013 at 6:32 pm

    kkkkkkk juve markaan weeyka dartay caadi maahan laacibiin badan ayey keensatay.. qaarna weey soo wadaa balhalkee lageeyn doonaa. villa koxdii heshaa ayaa nasiib leh, barca ineeysan fasaxin ayaan qabaa xidigaan qibradda leh. viva barca

  3. amiir Reply

    16-February-2013 at 3:39 pm

    welcome to juve the best player david villa

  4. c.x.h Reply

    16-February-2013 at 3:21 pm

    welcom to juve waan kugu so dhaweneyna hadii aa nahay tagero juve lkn anag ahan waxaan jeclaan lahaa SANCHEZ ama ZUAREZ midkoo in juve la keeno

  5. Xavi hernandez Reply

    16-February-2013 at 3:13 pm

    David villa waa nin laacib ah oo teamka fc.barcelona uciyaara in mudo ah na injir buu galey booski tiimka uukaga ciyaari jireyna wuuka waaye markuu soo kacey marka timam kale oo line up uu haaya haduu helaayo haiska tago kumana qanacsano kooxda barcelona inuu sii joogo hada madamay binji ku dileen haisaga tago tiimka aan dhihi lahaa

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>