Inter Milan Oo Badisay, Atletico Madrid Oo Gurigeeda Lagu Garaacay, Halka Tottenham Ay Tuntay Lyon. | Laacib.net
Home » Horyaalada » England » Inter Milan Oo Badisay, Atletico Madrid Oo Gurigeeda Lagu Garaacay, Halka Tottenham Ay Tuntay Lyon.

Inter Milan Oo Badisay, Atletico Madrid Oo Gurigeeda Lagu Garaacay, Halka Tottenham Ay Tuntay Lyon.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Taariikh: 15-02-13 6:56 AM

954624-15691384-640-360

Kooxda difaacaneysa koobka Europa League ee Atletico Madrid ayaa halis ugu jirta inay ku harto wareegaan 32da ka dib markii gurigeeda ay ku soo gaartay guuldarro 2-0 ah oo ay kala kulmeen kooxda Rubin Kazan ee dalka Ruushka.

Karadeniz ayaana hogaanka u dhiibay kooxda Rubin Kazan daqiiqadii 6aad, iyadoo kooxda Ruushka casaan laga qaatay wax yar ka hor xilligii nashada, laakiin Atletico Madrid ayaa ku guuldareystay inay ka faa’ideysato taasoo keentay in daqiiqadii 90aad ay goolka labaad ay helaan Rubin Kazan oo uu u dhaliyay Orbaiz.

Atletico Madrid ayaana waxaa sugaya inay korto buur dheer isbuuca soo socda marka ay booqaneyso Rubin Kazan, waxaana ay u baahan yihiin wax ka badan labo gool oo nadiif ah si ay tartankaan ugu sii jiraan.

Dhanka kale gool soo daahay oo dhaliyay Gareth Bale ayaa ka saaciday kooxda Tottenham inay 2-1 kaga badiyaan kooxda Lyon oo marti ugu aheyd White Hart Lane lugta hore ee wareega 32da ee Europa League.

Bale ayaa ciyaarta ku furay laad xor oo uu meel dheer ka soo tuuray wax yar ka hor xilligii nasashada, waxaana uu ahaa goolkiisii 16aad ee xilli ciyaareedka tartamada oo dhan.

Lyon ayaa barbareysay ciyaarta oo 10 daqiiqo socota qeybtii hore markii da’ yarka daafaca garab Samuel Umtiti uu kubad qurxoon u dhaliyay kooxda Faransiiska.

Laakiin ka dib markii qalad loo dhigay Tottenham dhamaadkii ciyaarta, Bale ayaa laad xor ah oo uu tuuray waxa ay ku dhacday baarada ka hor inta aysan dabamarin goolhaye Remy Vercoutre.

Tottenham ayaana boqon doonta lugta labaad kooxda Lyon oo inkastoo laga soo badiyay soo heshay gool marti ah.

Dhanka kale ciyaaryahan Palacio ayaa hal lug u geliyay kooxda Inter wareega 16ka Europa League ka dib markii ay 2-0 kaga badiyeen CFR Cluj oo marti ku aheyd San Siro inkastoo guushaas ay hareysay dhaawac halis ah oo soo gaaray Diego Milito.

Palacio ayaa labada gool kala dhaliyay labadii qeyb ee ciyaarta, taasoo Inter u sahashay inay ku horeyso tartanka loogu soo baxayo wareega 16ka ee Europa League inkastoo isbuuca soo socda ay booqan doonto Cluj.

Kooxda Newcastle United ayaa iyadana barbaro goolal la’aan ah kala kulantay kooxda Metalist Kharkiv oo marti ku aheyd St James Park, inkastoo Newcaste laga diiday labo gool oo uu u dhaliyay Cisse oo looga diiday offside bale ku celiskii la daawaday labada goolba aysan aheyn Offside.

Kooxaha Jarmalka iyo Italy ee Lazio iyo Monchengladbach ayaa iyagana isku garab dhacay ka dib markii ay isku qabteen barbaro 3-3 ah, iyadoo ciyaarta lugta hore ay ka dhacday Jarmalka.

Lazio ayaa casaan qaadatay halka Monchengladbach ay rigoore iska qasaarisay ciyaar xiiso badan oo labada kooxood dhexmartay.

12 Responses to Inter Milan Oo Badisay, Atletico Madrid Oo Gurigeeda Lagu Garaacay, Halka Tottenham Ay Tuntay Lyon.

  1. abdi kani Reply

    15-February-2013 at 4:52 pm

    hahahahaha waan ku faraxsanahay ina athlantico cup laga reebo

  2. maxamed karone Reply

    15-February-2013 at 4:39 pm

    waa ciyaar raha ugu xiisaha badan chanpionka real vs man iyo arsenal vs bayr

  3. maxamed karone Reply

    15-February-2013 at 4:34 pm

    waxaan aamin sanahay anay kabadinayso real man unt arsenala ka guulaysanayso bayr

  4. najib Reply

    15-February-2013 at 1:31 pm

    waxan ahay tageso unitid waxana hubah in madrid laga qado gusha wayo is kuma qalman unitid iyo real tasineh wa fakirkeyga

  5. ARGENTINA fc_manchester city fc Reply

    15-February-2013 at 12:15 pm

    bale waa laacib jira runti tottenham ana hubo wey uso baxaysa championka
    1.manchester city
    2.manchester united
    3.chelsea
    4.tottenham
    viva aguero tevez kampany milner d.silva

  6. mustafe ahmed Reply

    15-February-2013 at 11:42 am

    wxn aaminsanahey in united ay madrid garaaci doonto

  7. Young Hazard. Reply

    15-February-2013 at 11:05 am

    Gareth bale waa laacib qofki ronaldo habkisa u dhaqmana horumar wu gara

  8. Bushaale Reply

    15-February-2013 at 9:35 am

    Kaxahan kawada ciyaaro koobkan waa kooxa shartoda wada wadato halkaan kama soconeeso waxaan ahay chealse waxan ahay livarbool iyo waxan kuso guulesty horyaalada wadanka majirto koox koox kaxoogbadan mid walbo nasiibkeeda ayeey leedahay atletico madriid nasiib wacan ayan idiin rajenaa

  9. Mr cbdi rxman siyame Reply

    15-February-2013 at 8:26 am

    I suport cisse and i like him more couz he is a muslimi

  10. Axmad walad c/lla Reply

    15-February-2013 at 7:34 am

    Wanku farax sanahay guusha intar fifa chelsea mata oscar luiz

  11. Cabdi Qaadir maxamud Reply

    15-February-2013 at 7:27 am

    Aad ayaan ugu farxay ciyaarta

  12. Cabdiqaadir maxamud Reply

    15-February-2013 at 7:13 am

    Waa ciyaar xiisale aad na loo sugaayey

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>