
Gooldhaliyaha kooxda Inter Milan Diego Milito ayay u badan tahay inuu garoomada ka maqnaan doono inta ka dhiman xilli ciyaareedkan ka dib markii dhaawac halis ah uu ka soo gaaray jilibka kulankii ay 2-0 kaga badiyeen CFR Cluj ee Europa League.
Ciyaaryahanka reer Argentina oo dhaliyay labadii gool ee finalka ee markii Inter ay ku guuleysaneysay Champions League sannadii 2010, ayaa dhawaan ka soo laabtay dhaawac, waxaana ka qubaneysay ilmo markii laga saarayay garoonka San Siro ka dib lix daqiiqo oo ay ciyaarta socotay.
“Jab ayaa ka soo gaaray jilibka waa dhaawac ku cusub Diego, dhaawaciisa haatan wax xiriir ah lama lahan dhaawacyadiisii hore” ayuu tababare Andrea Stramaccioni u sheegay saxaafada ka dib ciyaarta.
“Waan u murugooneynaa Diego shaqsi ahaa iyo ciyaaryahan ahaanba. Waxaan u baahanahay inaan aragno xilliga uu qaliin mari doono.”
Ciyaaryahanka ay isku wadanka yihiin Rodrigo Palacio oo bedelay Milito ayaana Inter u dhaliyay labadii gool ee ay ku badiyeen.
Inter ayaa kaalinta 4aad kaga jirta horyaalka Serie A, waxaana ay wajihi doonaan seddex bilood oo horyaalka ka dhiman oo uu ka maqan yahay gooldhaliyahooda rasmiga ah.
Yuu v.persea
18-February-2013 at 6:39 am
Fikerkeyge waxay ilataxay wareega 8 facupka in aybadiso chelsea
Xavi hernandez
16-February-2013 at 3:21 pm
Diego milito waa nin laacib ah wana nin ay inter udar san donto aniga ma ihi taageero inter balse diego milito wanka xumahey dhawaca soo gaareey
dini
15-February-2013 at 1:43 pm
Diego waa ciyaaryahan aad ey iga baqdaaan dhaman difacyad iyo goolhash aa dhan waxaan ka xumahay in uu ka maqnaado kulanka isbuuca danbe ee ac malin aan la ciyaaridoono
dini
15-February-2013 at 1:38 pm
Sorry Diego waan ka xunhay hadii aeyi nahay reer inter
abdi hakiim
15-February-2013 at 9:34 am
beeelo waaye
Bushaale
15-February-2013 at 9:24 am
Waa xidig laga tabi doono wadanka taliyaaniga iyo iyo qaarada yuruboo dhan iyo wadankiisa hooyo waxaana saa,id utabi doono xidagaha ee isku wanka yihiin haba kawada ciyaraan aduukoo dhane gar ahaan messi srgue aguare iyo xidigo badan oo aan qoraal luguso goobi karin lkin nasiib wacan ayan kurajenaa iyo so laabasho dhaw digo milito sxb