Cristiano Ronaldo: Kulanka Lugta 2aad Ee Man Utd Waa Kulan Furan, Waana U Gudbi Karnaa Wareega 8da. | Laacib.net
Home » Champions League » Cristiano Ronaldo: Kulanka Lugta 2aad Ee Man Utd Waa Kulan Furan, Waana U Gudbi Karnaa Wareega 8da.

Cristiano Ronaldo: Kulanka Lugta 2aad Ee Man Utd Waa Kulan Furan, Waana U Gudbi Karnaa Wareega 8da.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 15-02-13 1:02 PM

255286hp2

Cristiano Ronaldo ayaa aaminsan in Real Madrid ay weli heysato fursad kasta oo ay ugu soo bixi karto wareega 8da Champions League inkastoo barbaro 1-1 ah ay kala kulmeen Manchester United kulankii ka dhacay Bernabeu.

Kooxda ka dhisan La Liga ayaa gool looga hormaray daqiiqadii 20aad ka dib markii uu kubad madax aheyd ka dhaliyay Danny Welbeck, laakiin Ronaldo ayaa gool fantastik ah oo uu madaxa ku dhaliyay ku barbareeyay.

Los Blancos ayaana heli kartay goolka guusha hadii uusan ahaan laheyn xiddiga garoonka David De Gea oo Madrid ka beeniyay fursado badan.

Ronaldo ayaana u suxufiyiinta u sheegay: “Waxaan abuurnay fursado laakiin ma aanan dhameystirin, kulanka lugta labaad wax walba waa ay furan yihiin. Waa inaan goolal halkaas ku dhalinaa oo aan u gudubnaa wareega xiga, wax sidaasi u weyn ma ahan.

“Ma ahan inaan qorshaha bedelno sababtoo ah waxaan mar walba aheyn kuwa wax bilaaba, waxaana isku dayi doonaa inaan ku badino Old Trafford.”

28 jirkaan ayaa sidoo kale ka hadlay goolkiisii barbaraha isagoo si aad ah uga dul kacay Patrice Evra ka hor inta uusan madaxa kubad ku daba marin De Gea.

“Ma aanan arkin ku celiska goolka, laakiin waan arki doonaa” ayuu yiri.

“Waxa ay ii sheegeen inay aheyd gool qurux badan.

“Barbaraha 1-1 ma ahan natiijo qatar ah laakiin waa natiijo iska fiican. Waxa ay aheyd ciyaar fiican. United waa koox daafac ahaan fiican, waxaana ay inoo abuureen dhibaatooyin yar yar, laakiin waxaan aaminsanahay in Real ay u ciyaartay si ka fiican, waxaana u qalanay inaan dhalino hal ama labo gool kale.”

34 Responses to Cristiano Ronaldo: Kulanka Lugta 2aad Ee Man Utd Waa Kulan Furan, Waana U Gudbi Karnaa Wareega 8da.

  1. khadar hassan osman Reply

    16-February-2013 at 8:24 pm

    waxaan aamin sanahay inay riyal badinayso waa laga ciyaar fiicanyey man dhinackasta

    • ismaciluk Reply

      17-February-2013 at 2:17 pm

      weey iska cadahay in laga badin doono real fursad kale umeey harin ban oran laha aniga ahaanteyda, United waa koox adag rutii an ladhayal san karin

  2. Abdikariim Reply

    16-February-2013 at 11:45 am

    Kk real gurigeed ayey waxa noga qadiweysey old tarafod maxey noga qadi real hagalbato real sanadkan sanadkeeda ma ahan

  3. mustafe kilasd Reply

    16-February-2013 at 10:40 am

    Ronlado ayaa jooga wuu kabadin

  4. mustafe kilasd Reply

    16-February-2013 at 10:37 am

    Wwww old tarafel waalagagabadin mn united ronlado wuu kabadin ciyalka

  5. luis nani Reply

    16-February-2013 at 9:02 am

    asc aqyaarey waa idin salaamay aniga waxa aan ra,yiga la qabaa walalkey asad waa runtiita sir macalin jira ma aha aniga marka aan iska hadlo waxa aan taageeraa man united bes sir meesha ciyaal muu la ciyaarayaa wuxuu rabo uu soo saftaa arbacadii di maria maa man united weerar ku soo qadi lahaa haduu joogo libaaxa man united nani oo asiga iyo aabihiis ka laacibsan marka waxa aan qabaa man united in laga badin doono runtii sir shax mesha kuma haayo wlhi aniga habeenkii hadii aan macalin ka ahaan lahaa real madrid bar bar dhac igama hesheen waayo waxii wax tari lahaa maba keenin ninkii soo waday 2010 ilaa iyo hada uu ku jisaaray bes wlhi sir macalin waye in aan la iga maqleen

  6. b.nero aahaa Reply

    16-February-2013 at 8:10 am

    cr7 hadalkis waa la qadankaro wayo wuxuu ku kal soon yahay naadigisa marka waxan leyahay man utd ha iska qustan

  7. Darwiish Reply

    15-February-2013 at 11:31 pm

    Waaw CR7 waan hubnaa inaad wacdaro ka dhigto Old traford, ciyaarna united meesha kuma hayso daafac ay wada galaan mooyee, specialna khidadii ciyaartii hore maahee khidad kale ayuu garoonkooda la imaan doonaa viva Real-madrid 3 Man-united 1. Aggr..4..2

  8. Cade Reply

    15-February-2013 at 10:31 pm

    Madhaceyso ina madrid noga badiso old trafoord iyado gurigeda wax noga qaadiweysay marka waxan dhihilahay madrid ha iska quusden

  9. HAPPIOS Reply

    15-February-2013 at 9:43 pm

    Runtii waxan ahay taageere Chelsea waxana aamin sanahay in ay Real cagta marin doonto man united waxan daawaday qaybta 2aad ciyaarta.Real waxa ay man ku ciyaarsineysay haaf garon waxayna galeen difaac halka laga donayay in ay weerarto.Real waxa ay heshay fursado dahabi ah waxa ka beeniyay Degea waxan rumeysanahay in Real badin doonto 3 vs 1

  10. Axmed Reply

    15-February-2013 at 9:03 pm

    Ja

  11. LAMIIZ Reply

    15-February-2013 at 8:35 pm

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  12. Mascuud osil Reply

    15-February-2013 at 7:41 pm

    Waxan huba inan real ay xasuuq badan u gaysanayso man utd wayo waxa fursada aburayey badan wa real rajo fcn wa u hartay o mcn wayo away goal wad iska garanaysa qima u leyahay mida kale ronaldooo wa nin xili kasta donaya inu difaco sumcada boqorada spain wana balayar ad u kubad mcn una firso kulamada kasta o adag ay ciyarayso madrid wa kan ka fujiya

  13. Weyne roney Reply

    15-February-2013 at 7:22 pm

    Waa wax kale ciyaartaa aniga wax aan ka dhaho ma aqaan mida kale labada kooxba wan jeclahay viva real ….man ulted

  14. Abdi rvp yare Reply

    15-February-2013 at 7:21 pm

    lagamayabo inay real kubadiso old trafford for ever

  15. Asad Diamond Reply

    15-February-2013 at 6:58 pm

    kkkkkkkkk waxan hubaaa oo walahi ah inay real badin doonto waayo odaygan tababaraha ah ee sir Alex siduu doono ayu u so galaya garoonka shaxdana siduu doono ayu ka yeelayaa goorankii real marki la jogay mxuu ciyartoyadii fiicna usoo galin wayey wa ku tala gal ayu wax walba usamaynaya lkn anigu waxan ahay Man Utd hadana waan iska quustay wlhi iga qoro tas asxabey hadii laga badin waayo MAN UTD aniga waaye…

  16. Mustafe Reply

    15-February-2013 at 5:39 pm

    Nin kii garoonka lahaa ayaa jooga c ronaldo7 reer man isdajiya waanu idin cuni doona in sha allah

  17. joon Reply

    15-February-2013 at 5:15 pm

    viva united 4 ever real waaaaaaaaaaaaan duban doooooooona insha allah
    kulankaas gooooooool hanaga celiyaaaaaaaan heeeeeeeeee aniga ahan inkasto spain an real ka taagero balse hada waxaan zaa’id u jeclahay the red devils

  18. Jimcaale cr7 Reply

    15-February-2013 at 4:56 pm

    Ronaldoooooo ayaa ino joga ha cabsanina nin mujahida oo ay diinto qudha kama qantahay ayan haysana (ne per pas cristiano en va gagnier)

  19. fuaad Reply

    15-February-2013 at 4:03 pm

    aad iyo aad baan uhubaa inay real wareega 8ugudbayso

  20. xuseencaroone Reply

    15-February-2013 at 4:01 pm

    viva unted waana so baxday

  21. nuur garcia Reply

    15-February-2013 at 3:54 pm

    Kulankas real ine badineso wey iskacadahay

  22. ibraahim zaki Reply

    15-February-2013 at 3:29 pm

    reaL waan in aan tuno sawab too eh real gurigeeda ayaan bareejo lagal nay umadaaheeno old tarfford haday imadaaheeno

  23. R ka maanta (gadhay). Reply

    15-February-2013 at 2:07 pm

    cr7 si wanaagsan ayuu u hadlay women utd waa lagu xasuuqi doonaa old taraford

  24. sadiqos Reply

    15-February-2013 at 2:04 pm

    cristiano ronaldo wu hdly lakn ani waxan ahay tager labada nadi kubatoda aad u xisoyo o jecel gulahoga lakn lugta labad waxey ila tahay in ey badineyso man unetid wayo real waxey mage donta in ey ku car caran unetid fursad ey golal badan ku helan aya ka so baxe meshas viva ronaldo and roney kagawa and ozil

  25. Caaqil114 Reply

    15-February-2013 at 1:56 pm

    kulankaas labada kooxba fursadbeey heestaan, waxaana aad usii fursad fiican manutd oo banaanka barbardhac kusoo gashay goolna soo dhalisay, lakiin weli macadda warka waala isku dhegen yahay, manutd fursad beey heeytaanee yeesan iska qasaarin kulanka labaad. viva barcelona..

  26. super F.LAMPARD Reply

    15-February-2013 at 1:36 pm

    Haa . Hadalka ronaldo wa runtiis, waayo real waxay garoonka ku so gashay ayadoo ilaalsaneysa shabaqeeda, sorry wa u ka dhashay, lakiin ogaada taatikada lagu soo galo garoonka way ka duwantahay midka horyaalada,68% hada waxa rajo leh real, man.utd fursadii ay ku haysatay barnabu way lumisay ,marka waxaan huba in united looga badinaayo garookeeda gool dheeri, midaas iga qora dadka xiiseyo booqashada bogan laacib.net o aad umahadsan shaqaalo & maamul sida u mar waliba u utabiyo warar sportiga

  27. Saacid Reply

    15-February-2013 at 1:26 pm

    Ronaldo siwanagsn ayuu uhadlay lkn umaleynmayo in ay kasobixi karan Man U waxanan filayaa in kulankaas guusha raaci donto Man U

  28. gacal nani Reply

    15-February-2013 at 1:25 pm

    Ronaldo waa laacib lkn ilama ahan wuxuu garoonkiisa ku qaadi waayay ald tarfort inuu ku qaadayo waxaana filayaa cayaartaas oo aad u xamaasad badan inee ku dhamaandoonto united3 Real 1

  29. Hamze Reply

    15-February-2013 at 1:24 pm

    Ha ha ha ronaldo u are the magic of man u who have amster in real madrid sxb waad tusteen awoodiina man u lkn old waa garoonkaagii wanaad taqaanaa sida loogu dhaliyo viva madrid

  30. garisaa yare Reply

    15-February-2013 at 1:20 pm

    c r waalaacib waa nin khatar ah laakiin dufaan iyo dabaylo kastaa oo xoogle wa adagtahay ineey jabiyaan darbiga man united marka c 7 ha is dajiyo

  31. Asadinho farah Gaucho Reply

    15-February-2013 at 1:16 pm

    sax hal goal oo nasiib ah eey heleen Man.u kadib difaaac ayeey iskuwada aruuriyeeen lkn Old traford markii latago uu war yaaalaa , intaa isdheheeysiin CR7 aaan ku dhageeynaa Dì maria iyo 0zil lee yeeey idinka faa ideeeysan

    Haaala♥
    Madrid♥
    4ever♥

  32. DAADA Reply

    15-February-2013 at 1:13 pm

    Waxaas adiga ayaa jecel Man united waxay awood u leedahay inay dhulka idinku jiido Man united ayaa ku baahan usoo laabo Qashin

  33. burak Reply

    15-February-2013 at 1:13 pm

    Lagama yaabo meshaa 1pnt xitaa inaaad kala soo labato

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>