Oscar Oo Guul Ku Hogaamiyay Chelsea, Napoli Oo La Garaacay, Iyo Ajax Iyo Levante Oo Guulo Waa Weyn Gaaray. | Laacib.net
Home » Horyaalada » England » Oscar Oo Guul Ku Hogaamiyay Chelsea, Napoli Oo La Garaacay, Iyo Ajax Iyo Levante Oo Guulo Waa Weyn Gaaray.

Oscar Oo Guul Ku Hogaamiyay Chelsea, Napoli Oo La Garaacay, Iyo Ajax Iyo Levante Oo Guulo Waa Weyn Gaaray.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 14-02-13 10:53 PM

article-2278164-1795C83D000005DC-32_634x469

Gool soo daahay oo uu Chelsea u dhaliyay ciyaaryahan Oscar ayaa ku hogaamiyay inay guul muhim ah ka gaaraan kooxda Sparta Prague oo marti ay u ahaayeen iyagoo kaga badiyay 1-0 lugta hore ee wareega 32da ee Europa League.

Ciyaarta oo ku bilaabatay si qabow islamarkaana fursado badan aysan iska helin labada kooxood ayaa waxaa lagu kala maray qeybtii hore barbaro goolal la’aan ah.

Qeybtii labaad ayaa iyadana ku bilaabatay si la mid ah qeybtii hore, iyadoo labada kooxood ay awoodi waayeen inay shabaqa soo taabtaan, ilaa iyo daqiiqadii 82aad markaasoo Chelsea ay heshay goolka guusha.

Oscar ayaa kubada taabsho ah la ciyaaray Hazard ka hor inta uusan kubad ka hoos bixin Vaclik.

Waxaana kooxda heysata Champions League balse ku soo hartay wareega group-yada ay haatan faa’ido u heysataa inay u talaabto wareega 16ka madaama ay heleen guul iyo gool islamarkaana lugta labaad lagu soo booqan doono isbuuca soo socda Stamford Bridge.

Dhanka kooxda caanka ka ah qaarada Yurub ee Ajax ayaa iyadana guul muhim ah ku gaartay garoonkeena ka dib markii ay 2-0 kaga talaabsadeen kooxda Steaua Bucuresti.

Goolal ay qeybtii hore kala dhaliyeen Alderweireld iyo Rhijn ayayna kooxda reer Holland guusha ku raacday, kuwaasoo isha ku haya inay isbuuca danbe xaqiijistaan booskooda wareega 16ka ee Europa League.

Dhanka kale kooxda Napoli ayaa guuldarro lama filaan ay garoonkeeda ku soo gaartay kooxda Viktoria Plzen kuwaasoo hal lug sii gashtay wareega 16ka Europa League ka dib markii ay kaga badiyeen 3-0.

Darida, Rajtoral iyo Tec goolal ay kala dhaliyeen labadii qeyb ee ciyaarta ayayna kooxda Plzen guul caan ah kaga gaartay kooxda horyaalka Serie A ka dhisan ee Napoli.

Dhanka kale kooxda reer Spain ee Levante ayaa hal lug la sii gashay wareega 16ka ee Europa League ka dib markii ay 3-0 kaga takhalustay kooxda ka soo hartay Champions League ee Olympiakos, ciyaar xiiso laheyd oo ku dhexmartay Spain.

Levante ayaana ka faa’ideystay Olympiakos oo 10 ciyaaryahan ku ciyaareysa inta badan ciyaarta, waxaana goolasha u furay Rios, ka hor inta uusan Obefimi Martins rigoore ka qasaarin.

Barkero ayaana u labeeyay ka hor inta uusan Martins gool caadi ah u dhalin kooxda Levante oo guul muhim ah gaartay lugta hore ee wareega 32da Europa League.

Dhinaca kale kooxda Benfica ayaa guul 1-0 ah ka gaartay kooxda Bayer Leverkusen oo marti loo ahaa, taasoo muhim u ah u soo bixitaankooda wareega 16ka ee Europa League.

Kooxda reer Portugal ayaana guushaan muhimka ah waxaa ku hogaamiyay gool uu u dhaliyay Cardozo qeybtii labaad ee ciyaarta.

Kulamada lugta labaad ee wareega 32da waxaa la ciyaari doonaa isbuuca soo socda 21ka Febraayo.

Anji Makhachkala 3 – 1 Hannover
Zenit St. Petersburg 2 – 0 Liverpool
Ajax Amsterdam 2 – 0 Steaua Bucuresti
BATE Borisov 0 – 0 Fenerbahce
Bayer Leverkusen 0 – 1 Benfica
Dynamo Kyiv 1 – 1 Bordeaux
Levante 3 – 0 Olympiakos Piraeus
Napoli 0 – 3 Viktoria Plzen
Sparta Prague 0 – 1 Chelsea

21 Responses to Oscar Oo Guul Ku Hogaamiyay Chelsea, Napoli Oo La Garaacay, Iyo Ajax Iyo Levante Oo Guulo Waa Weyn Gaaray.

  1. dr.deeqlow Reply

    16-February-2013 at 9:30 am

    oscar wiilka mustaqlabka blues oscar mata hazard lampard luis remares iyo ba haday wada ciyaaranaa aniga chelsea kansooni buuxda ayaakaqawaa cid koob dhan iga hor istaagi karto majirto ilove chelsea for ever

  2. cabdulaahishaam Reply

    15-February-2013 at 1:53 pm

    viva chelsea cid kaxigto malaha koobkaan

  3. Ducaale ikhyaar Reply

    15-February-2013 at 11:55 am

    Aniga waxaan rabaa inaan final is aragno ajax kadibne ku dhigo saan ku dhigey bayern munich viva blues power oscar mata hazar torres and lampard

  4. Saad abdosh hassen Reply

    15-February-2013 at 11:49 am

    Kkk sxb war umaheysin inay chelsea qadeso cup kaan waxan iskale chelsea viva torres .oscar and all of chelsea forver torres

    • cabdurahman Reply

      15-February-2013 at 1:20 pm

      cupkan anaga iska leh viva chelsea hazard & mata for ever

  5. dinni chelsea Reply

    15-February-2013 at 11:00 am

    chalsea xalay nasiib ayay kubadisa waayo bilaa moral ayay kuciyaraysay waxana sobobay tobabaraha chelsea oon champion ka dabadii dufac kuyaacin ayaa xalay kuyacaysay dufaca dia mata tobabare ha celsea baray attack

  6. Cumar sharif Reply

    15-February-2013 at 9:15 am

    Viva CHELSEA we have power

  7. c.qaadir Galeer Reply

    15-February-2013 at 8:19 am

    fc rugby sanadkan cup maqadeysan qeylada naga daya viva man united

  8. Lii Reply

    15-February-2013 at 2:58 am

    ciyaarta caawa wey daganed lakiin ciyasarta aanku cayaareyno stamford bridge waad arki doontaan waxa kadhaca viva chelseafc oscar is best.

  9. Foza AJAX,Amsterdam Reply

    15-February-2013 at 1:31 am

    VIVA AFC AJAX ….dadka raba inay daawadaan kubada dhabta ah ee la ciyaaro waxan odhan lahaa AJAX daawo waayo abslutly waxay ciyaaraan kubadii runta ahayd ….cupkana ajax baa iska le oo Final kana gurigeeda Amsterdam arena lagu ciyaari doono ..Clsea soo baxa dhe beerkaa laydinka sii garaaci doonaa idinkana …4ever ajax

  10. amiirahmed Reply

    15-February-2013 at 1:21 am

    asc asxbta reer chelsea kaliya cayaaryahanadee nadada yar waxaakamid ah midlamid ah oscar ookale ladhaho.marco marin hafudeydsaninaka liyawaxa uulayahay inuu helo boosama wakhtikuf ilan runtiiwaa messiyar lasocda by.farxadkuwa ara dhamaantiin asxbta reer chelsea

  11. amiirahmed Reply

    15-February-2013 at 1:13 am

    asc asxbta kkkkk runtiicaawa weynagutaagneyd hadaan nahay reer chelsea oscar waa cayaaryahan wanaagsan laakin asxb tores ayaana gaxune maxaankusamey naa maceydhinaa madey naa by.jaw

  12. hanad yare Reply

    15-February-2013 at 1:08 am

    osocor waxa xidig wen chelsea wey u qalantay gushas

  13. abdifatah.suftu Reply

    14-February-2013 at 11:45 pm

    Kkkk oscar wad mahadsantahay waa lacib da yar run ahantii iska nolow waliga hazard oscar luiz mata lampard torres viva chealsea

  14. m.deeq viva oscar Reply

    14-February-2013 at 11:35 pm

    oscar mahadsanid madama aad nagafujisay chelsea guuuul 4 ever

  15. Ynu wil never w alone Reply

    14-February-2013 at 11:25 pm

    Wali ya isgaray bod bodka naga dhafa rer rugby

  16. Young Hazard. Reply

    14-February-2013 at 11:14 pm

    Kkkkkkkkkk xaaaaaaaaax guuuuul we are great chelsea no one cn stop us
    hazard=best
    oscar=best

  17. Super king shaam Reply

    14-February-2013 at 11:09 pm

    K.k. Kopabka yurup mideysan qaadin wa kan weyna qade ya celinaa

  18. Maxamed El hidaya Reply

    14-February-2013 at 11:08 pm

    Wan idin wada salmaya dhaman somali maxmed mila wlbo aada dunida ka jogtan ka dib guushi cwa waxi tahaya gula lama filan ah lkn wilka D.D.YARA e oscar kan chelsea aya lahi hawen wngsn all of u

  19. Daa'uud qorey Reply

    14-February-2013 at 11:01 pm

    Chelsea guuuuuuuuul oscar guuuuuuuuuuuul

  20. messi Reply

    14-February-2013 at 11:01 pm

    asc laacib.net chalsea guul

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>