
Kooxda Zenit ayaa talaabo muhim ah u qaaday wareega 16ka ee Europa League ka dib ay 2-0 kaga badisay kooxda Liverpool ciyaar madadaalo laheyd oo marti loogu ahaa kooxda Ruushka aheydna lugta hore ee wareega 32da Europa League.
Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si dardar ah, iyadoo fursadii ugu horeysay ee heshay kooxda Ruushka daqiiqadii 2aad, Kerzakhov ayaa ka faa’ideystay daafac hurday oo Liverpool ah isagoo kubad qatar ah shabaqa la haweystay laakiin waxaa si fantastik ah kaga badbaadiyay Pepe Reina.
Daqiiqad ka dib fursad dahabi ah ayaa soo martay Suarez markii baas uu ka helay Johnson laakiin dadaalkiisii waxa ay hareer martay goolka, iyadoo ciyaarta ay ku bilaabatay si cajiib ah.
Daqiiqadii 5aad mar kale ayaa si fantastik ah uu kubad u badbaadiyay goolhaye Reina markii Hulk uu kubad joog hoose shabaqa la haweystay, taasoo dhalisay in Reina uu ku xanaaqo daafaciisa oo u muuqday kuwa liita.
Suarez ayaana u soo dhawaaday mar kale inuu hogaanka u dhiibo Liverpool daqiiqadii 15aad ka dib markii uu hadiyad ka helay Lombaerts isagoo goolka u furan, waxaana uu xiddiga reer Uruguay kubada la maray goolhayaha laakiin xaalada garoonka oo xun darteed kubada ayaa ka fogaatay taasoo keentay in laga difaacdo.
Daqiiqadii 28aad ayaa Liverpool mar kale laga naxsaday iyadoo Reina uu kubad si wacan uga bixin waayay Hulk ay ku dhacday birta islamarkaana ku sii dhacday xariiqda goosha, iyadoo ugu danbeyn kubada iska bixiyay markii ay isku soo laablaabatay.
Qeybtii hore oo shan daqiiqo dhiman ayaana Suarez uu kooxdiisa ka qasaariyay kubad ku taabasho kaliya u baahneyd, isagoo doortay inuu cirib ku dhaliyo halkii uu kubada shabaqa ku hubsan lahaa, taasoo uu qasaariyay.
Ciyaar madadaalo laheyd islamarkaana fursado badan la isweydaarsaday ka dib waxa ay labada kooxood ku kala nasteen barbaro goolal la’aan ah.
Afar daqiiqo markii ay socotay qeybtii labaad Johnson ayaa ku dhawaaday inuu shabaqa soo taabto, isagoo kubada ka soo qaatay dhinaca kooxdiisa islamarkaana la soo maray afar ciyaaryahan laakiin dhameystirkiisii ayaa waxa ay ku dhacday goolhayaha iyadoo kubada ay kooner u baxday.
Zenit ayaana hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 69aad, markii darbo fantastik ah uu dhanka kore ee bidix shabaqa ka geliyay weeraryahanka reer Brazil Hulk, kaasoo fursad aanan siinin xitaa goolhaye Pepe Reina.
Seddex daqiiqo ka dib Zenit ayaa heshay goolkoodii labaad, ka dib markii Anyukov uu karoos uu keenay ay labo u kala dhigtay daafaca Liverpool, Sktrtel ayaana ka guuldareystay inuu wajaho waxaana kubada helay Kerzhakov oo dabamariyay goolhaye Reina.
Liverool ayaana isku dayday inay ciyaarta ku soo laabato iyadoo Suarez uu ku dhawaaday inuu dhaliyo laad xor ah balse goolhayaha uu ka beeniyay.
Waxaana ay ciyaarta ku soo dhamaatay 2-0 oo ay ku badisay kooxda Zenit, iyadoo lugta labaad ee wareegaan ay kooxda Ruushka booqan doonto Anfield isbuuca soo socda, waxaana Liverpool hortaala shaqo culus hadii ay doonayaan inay u gudbaan wareega 16ka.
Dhanka kale kooxda Anzhi Makhachkala ayaa waxa ay 3-1 kaga talaabsatay kooxda Hannover, iyadoo Samuel Eto’o uu u dhaliyay mid ka mid ah goolasha halka rigoore uu qasaariyay sidoo kale kooxdiisa.
Akashey
21-February-2013 at 7:38 am
arsenal waa kooxa adag laakiin macalinka kooxda ay xun taan kale
oscar yare
15-February-2013 at 3:13 pm
waxaa dhihi sidan xal ma ahan sidaan iska bedele west brom ayaa idin soo tuntay zenitna way idinku dartay ceeb badanaa kkkk guul taageerasha chelsea
Nuuradiin
15-February-2013 at 8:32 am
Waligeed liverpool anfield ayaa ay kusoo bixi jirtay
xudeyfa syl
15-February-2013 at 8:20 am
Dhb maleh anfield ayn shaqo adag ku qabaneynaa inkst xly nala garcy insha allah wan so labneynaa viva reds
Caaqil114
15-February-2013 at 4:50 am
aniga waxaan oran lahaa suarez ayaa kabdaiyay kooxda iyo cimilada aan wanaagsaneen, ileeyn ruushka waataqaanaa wadamada ugu qaboow ayuu ku jiraa yurub. anflied ayaa looga aarayaa dadaal dheer ayaa sugaayo liver. viva liverpool..
red devills
15-February-2013 at 1:26 am
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
viva manufc
C.takow.7 from liver bool
15-February-2013 at 1:26 am
As xab ta qima ha iyo qada rin ta mudan halaga rali ahado gul darada an kala kulan nay kox da xun e zent macna mala ha kulan ka dam be ayan ku lena hay e anfelnd taba bara ha wa in la tura iyo bor ta ha rina lawada wexe qa sa ri yen gowal ka lagumaga cawo liverbool waxan jec kox da zent in te caya yen dad ka dado in latumo viva l.f.c. And gab tan stvn gerrard viva wali ga wax qawo wala gu gu ogay ina tun to koxa ha dajis ka rawo e man uned iyo cty arsinal iyo chelsea qor ta ka gow zent viva gerrard8
malaay
15-February-2013 at 12:29 am
wali rajo ayaan leenahay ee yaala nijabin ayaa idin leeyahay anfiil ayaa nooharsan saaxibayaal ciyaar waa galin danbe ayee soomaali ku maah maahday ogaada guul ayaan u rajeeyhaa liverpool iyo taageeraheeda
Fitaaxlfc4life
15-February-2013 at 12:05 am
Xusni sxp wlh beeeeeeeeeeNta ma ahan wu ismahdiyay suarez xawayaaaaaaaaNka ilkaha dheeer mesha waxa u u joooogo waa xamaali xamalina shaqadiiiisa waa inoo guTaaaa hadii tababare canaaaaanaya joooogi lahaa wax badan ayaaa laga fa’idi lahaa even xitaa dalgish wu u dhoob dhoobi jiray suarez coach mancini cml ah la dharabaa oo guriga hooyada aaad dhahay kii oo fahmi waayo eeg xitaaa duqa kaaankarada waxaan kawada sir alex kii oo fahmi waayo bench ama keed ayu laqsiina dhibka waaa xaga tababaraha awoooodiisa inoo yaso maaahan seeftiisa waa iney banaaaanka tala sooooooorry hadaan ku fakaday waxaa iga careysiiisay hal nin kaliya loo dhoob dhoobo hadana kibra waa ibni aadan xaaalkooda txxxxxx asxapta loverpoooooool team
Ahmed
14-February-2013 at 11:50 pm
Sxbyal aniga wxn dhihi lahaaa goolkeeper laga badal0 liverpool, hadii raina laga badal0 liverpool championt wey u s0 bixi sxbyal habeen wagasan dhamaan rer liverpool
m.deeq viva oscar
14-February-2013 at 11:45 pm
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk-kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk aabow kan yar iga celi e kan weyn ana iska celina.viva chelsea
Akashey
21-February-2013 at 7:40 am
arsenal waa koox calaamka laga tagero maadaamaa ay haysaniina tababro fican
Ynu wil never w alone
14-February-2013 at 11:21 pm
Kox malgalin tedu waxay ubahantahay macalin khabir ah o sifican u yaqana habka wax lo xusho binatez wad ogtihin marku yimid alonso iyo luis garcia kuyt ayu calamaystay wana ogoydey sidey koxda u hogamiyen tababare alen 14m kaso bixyay ma tababara shit
Ynu wil never w alone
14-February-2013 at 11:12 pm
Kox malgalin tedu waxay ubahantahay macalin khabir ah o sifican u yaqana habka wax lo xusho binatez wad ogtihin marku yimid alonso iyo luis garcia kuyt ayu calamaystay wana ogoydey sidey koxda u hogamiyen tababare alen 14 m kaso bixiyay maxa laga mal galina hadan la eryin on mid khibrad leh lakenin ama rafa bntz laso celin xalku mahagagayo
muhaa mafiyo
14-February-2013 at 10:52 pm
Masaaaakin Loserpool :D iska so hara mesha wax kuma heesane kkkk
Xusni
14-February-2013 at 10:45 pm
Asc waa wax lalayaabo in liverpool ay ilawdo sida loo badiyo waxana ugu wacan ciyaartoyda qashinka ah ee wata maaliyada kooxda kan macalin koox wayn maaha ee waa macalin s b suarez na wuu ismahadiyey 5 game waxba uma qaban kooxda waxaa fican kulanka danbana in latumo si macalinkan nujubka ah loo eryo daglish baa kawacnaa kan makubad maantoo dhan lacelcelinayaa meel lagu gaadhaa aan wax natiijo ah lahayn
Fitaaxlfc4life
14-February-2013 at 10:42 pm
Cimilada ey nagu gaaaadeN anfield ugu shaqeeeeeena inkastoo hulk shabaqa laga celin karin hadana 4 ama 5 goal kayar kuma filnaaaan karta loverpoooooooooooooooooooooooooooool mida kale koooooxda lacag waaaa la galshay 3 daxdii saNo ugu danbeysaY wax hor mar ah looogu majeeedo maxaaaa ka qaldaN waaaaa su’aaaal ku socoto fans reds’ka ????
Khabir yere
14-February-2013 at 10:37 pm
Alonso macharano kuyt wa ladiray iyo alen hendersn okale maxay qabanay wa in lakena sidoda okale wold kls hadi kale champion iska dhafe mel lagarimayo
Cade
14-February-2013 at 10:30 pm
Mesha laguma hayo tababaraha qibradleh teda kale dafacna ma jogo waxan filaya sidan kuma socon karno wana in ciyaryahanado 26 yers o khibrad leh lakena sida city & unitd wad ujedan da yar kox gul radinaysa inay ku soconkarin tani wa wadadi dalgish okale
N.shein
14-February-2013 at 10:14 pm
Cawa waxa naga badshay suarez lkn dheb malahan waxan kusugena garoonkena
Arberto del riyo
14-February-2013 at 10:12 pm
Sxb waa runtaa macalin ma joogo mesha ciyartoy kuma yara liverpool wax qibrad uu leeyahay male ciyartodiisa kan fican iyo kan xun makala yaqaan baqtiga
Farah
14-February-2013 at 10:09 pm
Waxas wa qaladka dufaca liverpool dufac ma haystan waxas kurtod hala racdeyo wa oda yaal ay ka dhamatay shit
Najiib mcne
14-February-2013 at 10:05 pm
Misakin livepool viva arsenal
M.dack
14-February-2013 at 10:05 pm
Liverpool in ay badiso hadi la rabo mclinkan hala buriyo into kan jogo wax hagagayan malahan mrka iska bax aan dhihi lahaa waayo qibrad malahan liverpool ciyaar yahano kuma yaro way buxan lkn mcnlin qibrad leh ma haayo