
Kooxda Paris Saint Germain ayaa talaabo muhim ah u qaaday wareega 8da ee Champions League ka dib markii ay lugtii hore ee wareega 16ka 2-1 ku dubteen kooxda Valencia oo marti loogu ahaa Mastella Stadium.
Kooxda hogaanka u heysa horyaalka Faransiiska ee PSG ayaana hogaanka ciyaarta qabatay daqiiqadii 10aad iyadoo Lavezzi uu kubad u dhiibtay Pastore islamarkaana ka soo ceshtay ka hor inta uusan dhex marin daafaca Los Che isagoo kubad awood leh dabamariyay goolhaye Guaita oo si daciif ah u qaabilay kubada.
Kooxda reer Spain ee Valencia ayaana kubada iska heysatay inta badan qeybtii hore laakiin kama aysan faa’ideysan kubad heysashadooda, PSG ayayna aheyd kooxdii hogaanka dheereysatay dhamaadkii qeybta hore.
Daqiiqadii 42aad ayaa Lucas Moura oo ciyaarta si aad ah uga dhex muuqday waxa uu si farsamo leh uga soo galay dhanka midig ee goolka ka hor inta uusan kubad u dhigay Pastore kaasoo isna shabaqa dhex dhigay.
Waxaana qeybtii hore ay labada kooxood ku kala nasteen 2-0 oo ay hogaanka ku heysay kooxda Paris Saint-Germain.
Inkastoo Valencia ay qeybta labaad ku soo gashay kubad heysasho kale, hadana PSG ayaa fursado dahabi heshay oo ka faa’ideysan weysay inay hogaanka sii dheereystaan, waxaana gool seddexaad oo ay dhaliyeen looga diiday offside daqiiqadii 72aad ee ciyaarta.
Valencia ayaana isku dayaysay inay ciyaarta ku soo laabato, iyagoo helay laad xor daqiiqadii 90aad Rami ayaana u soo istaagay oo u saxiixay kooxda Valencia islamarkaana ciyaarta ka dhigay 2-1.
PSG ayaase niyadjab xoog leh soo gaaray ka dib markii casaan uu ka qaatay xiddigooda Zlatan Ibrahimovic kaasoo dhamaadkii ciyaarta cagta uga istaagay Guardado. Waxaana uu seegi doonaa kulanka lugta labaad ee ka dhici doona Paris.
Caaqil114
13-February-2013 at 11:36 am
waxaan aaminsanahay ineey soo bixikaraan ibra la’aantiis hadeey dadaalaan.
harounkone
13-February-2013 at 10:22 am
madaama uu ibrahimovich ka fadhiyo lugta labad way ina daysay psg bye bye
Cabdirisaaq_miami
13-February-2013 at 9:50 am
Psg waakooxwayn.waynaqaadidoontaa.koobka
Zakaari
13-February-2013 at 8:58 am
Mgcu wa zakaari xalay PSG wey u qalantay weyna ka werar ficneyd koxdaas walo casaan la siyay xidaga koxda lkn lugta lbad ayey golal dheri ah ka dhalineysaa valencia .viva PSG
Zakaari
13-February-2013 at 8:54 am
Mgcu wa zakaari xalay PSG wey u qalantay weyna ka werar ficneyd koxdaas walo casaan la siyay xidaga koxda lkn lugta lbad ayey golal dheri ah ka dhalinta valencia.viva PSG
daadir
13-February-2013 at 8:42 am
farkaligeed psg uma dhutineyso wa nadi weeyn seexda ilama tageero spn
Liban ali goojaan
13-February-2013 at 6:23 am
Waan ka xunahay lkn valincia so baxaysa hadu ibrahimovic uu ka maqan yhy lugta labad ee kulanka
Liibaan goojaan
13-February-2013 at 6:21 am
Wan ka xunahay gulasha psg lkn lugta danbe ayay harysa hudu ibravic ka maqan yhy
saney
13-February-2013 at 12:51 am
guul psg waxam u rajeyna iney wareg xiga laso jaro ticket paris ah