Home » Champions League » Valencia vs PSG: Ibrahimovic Oo Soo Xusuusan Doona Caawa Markii Uu Ahaa Zlatan-kii Da’ Yaraa.

Valencia vs PSG: Ibrahimovic Oo Soo Xusuusan Doona Caawa Markii Uu Ahaa Zlatan-kii Da’ Yaraa.

Waxaa Qoray:

Taariikh: 12-February-2013

1360610052_extras_noticia_foton_7_0

Waxaa jiray waqti uusan Ibrahimovic aheyn Ibra, balse uu ahaa Zlatan. Waxa uu xirnaa No 9 waxaana uu bilaabayay inuu xiddig ku noqdo Amsterdam. Weeraryahanka reer Sweden ayaa aasaaska u dhigay xiddiga uu maanta yahay isagoo wax ka baranayay Ronald Koeman iyo Marco van Basten oo caawiye ka ahaa Ajax.

Zlatan iyo asxaabtiisa ayaa booqday Mestalla ciyaar Champions League aheyd waagaas. Waxa ay aheyd xilli uu jiray jiil cajiib ah oo Ajax ay leedahay – Sneijder, Van der Vaart, Chivu, Pienaar, Maxwell, Van der Meyde, De Jong, Mido, Litmanen. Kulankaas ayaa waxa uu dhacay xilli ciyaareedkii 2002-03 wareega group-yada ee Champions League.

Lugta hore waxaa marti loo ahaa Valencia, weeraryahanka reer Sweden ayaana aamusiyay Mestalla. Valencia oo markaas uu macalin u ahaa Rafa Benitez ayaana si aan nasasho laheyn ciyaarta oo dhan weerar ku qaadeysa Ajax. Waxa ay isku dayeen xagal kasta, laakiin daqiiqadihii u danbeeyay Ibrahimovic ayaa helay darbo sahlan oo uu ku dabamariyay Canizares kaasoo aysan jirin wax uu ku celiyo goolkaas.

Waxa ay u muuqatay ciyaarta mid sidaas lagu kala baxayo, laakiin Angulo ayaa shabaqa soo taabtay daqiiqadii 91aad oo dhibic u badbaadiyay Valencia, dhibicdaasoo muhim noqotay dhamaadkii wareega group-yada.

Lugtii labaad, Zlatan sidoo kale waxa uu u ciyaaray Ajax, laakiin markaan fursad uma helin inuu gool dhaliyo. Waxaana ay ciyaarta ku dhamaatay 1-1, iyadoo Valencia ay markaas aheyd kooxda heysata horyaalka Spain.

Ibrahimovic ayaana caawa soo xuusan doona 10 sanadood ka hor iyo kulankiisii Valencia ka hor inta uusan yeelan magaca uu maanta leeyahay isagoo hogaaminaya kooxda Faransiiska ee PSG.