
Wareeega 16ka ee Champions League ayaa caawa dib u bilaabanaya waxaana jira kulamo xiiso leh oo la ciyaari doono, kulamadaas waxaa ka mid ah kooxda Valencia ay ku soo dhaweyn doonto kooxda beesada badan ee Pari Saint-Germain.
| LINE-UPKA MACQUULKA AH: |
|
VALENCIA
![]() Alves Pereira, Rami, R Costa, Cissokho Victor Ruiz, T Costa Piatti, Banega, Guardado Soldado |
PARIS SAINT-GERMAIN
![]() Sirigu Jallet, Alex, Sakho, Maxwell Lucas Moura, Matuidi, Verratti, Pastore Lavezzi, Ibrahimovic |
Tababaraha kooxda Valencia ayaan heysan dhaawac uu ka walwalo kulanka ay soo dhaweynayaan caawa kooxda hogaanka u heysa horyaalka Faransiiska ee Paris Saint-Germain.
Ciyaartoyda sida Joao Pereira, Victor Ruiz iyo Diego Alves ayaa ku soo laaban doona line-upka ka dib markii ay kursiga keydka ku bilowdeen kulankii ay 1-0 kaga badiyeen isbuucaan kooxda Celta Vigo.
Ciyaartoydii ciyaaray kulankii ugu danbeeyay ee Valencia iyo PSG ee koobkii Emirates Cup ee 2007 ee ka dhacay London waxaa ka jooga David Albelda iyo Mamadou Sakho, inkastoo Sakho la filayo inuu ku soo bilowdo marka loo fiiriyo Albelda.
Daafaca dhexe ee PSG Thiago Silva ayaa ka maqan PSG, si la mid ah Thiago Motta oo isna dhaawac ka soo kabsanaya, inkastoo ciyaaryahanka reer Brazil uu labadii ciyaar ee ugu danbeysay ku seegay ganaax.
Blaise Matuidi, Zlatan Ibrahimovic, Christophe Jallet iyo Ezequiel Lavezzi ayaa dhamaantood kursiga keydka fadhiyay kulankii ay jimcihii 3-1 ku garaaceen kooxda Bastia, waxaana ay ku soo laaban doonaan line-upka.
David Beckham ayaa u safri doona Mestalla, laakiin kuma jiro kooxda ciyaareysa. Waxaa laga yaabaa in kulankiisa ugu horeeya uu ciyaaro kulanka adag ee Lyon iyo Marseille ee labo isbuuc ay inaga xigto.
| MA OGTAHAY? |
Valencia ayaa kaalinta 5aad kaga jirta horyaalka La Liga waxaana ay labo dhibcood ka danbeeyaan Malaga, laakiin lagama badinin afar kulan oo isku xigta oo ay ku jirto kulamadii ay wajaheen Barcelona iyo Real Madrid.
Ciiltire(budbud)
12-February-2013 at 5:37 pm
valencia cidna mahor istaagi karto waa markaan kahadlo my perception
Zakariye xusen sld
12-February-2013 at 5:19 pm
Fakergeyga saxibyal waxa badin donta valencia 1-0 wana iska cadahay iney si dhereysan donto rikorka u yala
oscar vs bedro
12-February-2013 at 5:13 pm
ςαωα ναιεηςiα aya badineso san filayo
Maxamuud omar abiib
12-February-2013 at 3:12 pm
Valencia caawa waa eey badinesaa 3_2 ibrahimovic ayaa caawa 2 udhalinaa
Cabdi xafiid {fantastic}
12-February-2013 at 2:15 pm
S.x.b.yal p.s.G waxba uma hayo maxaa yelay lacag wax ma tarto hadii ay lacagi wax tarto mesha waxaa iman lahaa chelsea iyo manchester city
Cabdalla maxamed sahal
12-February-2013 at 2:11 pm
Asc bahda laacib.net hadaan fikirkeyga ka dhiibto kulanka xiisaha badan ee caawa dhicidoona uefa compions league kulanka caawa waxaa badin donaa koxda PSG vs valencia PSG ayaa badin doonta waxey ku badin doontaa 3-1 ibrahimovic hadrig ayuu dhalindoonaa ok by by by
farxaan
12-February-2013 at 1:39 pm
Valencia3-1 PSG
Feeraqawane
12-February-2013 at 1:24 pm
Waxa badin doono pg ibraahim 3 hatrig by aqiyaarta
Buluuska
12-February-2013 at 11:27 am
Valencia 2-1 paris saint germain.
Mahad lucky
12-February-2013 at 10:25 am
K.k.k.k.k.k.k.k.k.k.kk.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.j
Nasri Barcelona
12-February-2013 at 10:19 am
Valencia 4-2 PSG.
Soldado 3. Ever Banega 1
Lavezzi 1 iyo Ibra 1
Farhan ibrahim adan
12-February-2013 at 10:07 am
Real marid 3 0 man unetd
Ibraahim kuusow alcadaala waa taageere weyn man unitd o jooga boosaso
12-February-2013 at 10:07 am
Waad mahad san tihiin bahada websed laacib net aqyaarta meel walba aad joogtaan waan idin salaameya kulanka caawa champioliga waxaa badineysc fc valenca 3 1 paris sain Garmani viva man unitd