
Samuel Eto’o ayaa ku eedeeyay xiriirka kubada cagta Cameroon inay doonayaan inuu dhinto.
Ciyaaryahankii hore ee Barcelona iyo Real Madrid ayaa wareysi uu ku bixiyay dalkiisa waxa uu ku sheegtay in haatan ay ilaaliyaan ciidamo suga amaankiisa.
Kabtanka Cameroon oo afar jeer loo magacaabay xiddiga sannadka ugu fiican qaarada Afrika ayaa muran xoogan uu kala dhaxeeyaa xiriirka kubada cagta dalkiisa, waxaana ay eedeyntaan danbe ay arinta ka sii dhigeysaa mid halis ah.
Sida wararka sheegayaan, Eto’o ayaa u hadlayay majalada Je Wanda markii uu yiri:
“Madaxda FCF waxa ay doonayaan inay i soo weeraraan, waxa ay doonayaan inay i dilaan.
“Waxaan la noolahay ciidamo, askari ayaana seexda albaabkeyga hortiisa. Waxaan sidaas u yeelayaan amaanka nolosheyda darteed.”
Eto’o, oo haatan u ciyaara kooxda taajirka ah ee reer Russia Anzhi Makhachkala ayaa ku eedeeyay madaxada xiriirka inay yihiin kuwa musuqmaasuq uu hareeyay, isagoo sidoo kale sheegtay in maaliyada xulka ee uu ku ciyaaro inuu toos uga helo shirkada sameysa ee Puma halkii uu ka heli lahaa xiriirka.
Waxa uu hadalkiisa raaciyay: “Xiriirka waxa ay iska qaadanayeen lacagteena muddo badan. Halkii ay wax u maamuli lahaayeen sida danta ugu jirto kubada cagta dalka, waxa kaliya ay ka fekerayaan ayaa ah lacag inay qataan, inay safaro raaxo ah galaan, iyo inay akoono aan la tixraaci karin ka furtaan bankiyada Europe.”
Isbuucii hore Eto’o iyo 10 ciyaaryahan kale ayaa diiday inay xulka Cameroon u ciyaaraan kulan saaxiibtinimo oo ay la ciyaarayeen Tanzania iyagoo dhamaantood sheegtay inay dhaawacan yihiin. Cameroon ayaana ku guuldareysatay inay u soo baxdo koobka Qaramada Afrika haatan socda.
Xiriirka kubada cagta Cameroon ayaan weli wax hadal ah ka bixin sheegashadaan ugu danbeysay, laakiin isbuucii hore mas’uul ka tirsan madaxda Cameroon ayaa ku eedeeyay weeraryahanka inuu qalqal gelinayo habsami u socoda kubada cagta dalka.
dr mustaqbalka
12-February-2013 at 7:25 pm
eto,o wa xidigi afrika mudo badan wadankisuna kamarman hadi kale sida hada o kale ayay kamaqnandonan garomada
Mahad Guliye
11-February-2013 at 3:05 pm
K k k k k k k k k k k k waaaay africa
Nin Culus
11-February-2013 at 12:35 pm
Et’o wuxuu sheegayo waa wax jira musuqmaasuqana waa waxa africa la hadhay..
abdikariim
11-February-2013 at 10:36 am
asc ciyaaryahan horta sidiisaba ama nin masuul looyahay waxuu sheegaa waa run walaalayaal dhaliilobadan ayaajiri kara marka ninlaxukumo hadii uudadkii xukumay uu wax kasheego wax baa jirikara musuq majiro lama dhihi karo .
Balatoli
11-February-2013 at 8:44 am
haa ladilo galka
tayga
10-February-2013 at 10:57 pm
wa wax cad musuq maasuqa anagane somali ahan musuq maasuq nama heyste waxa na heysta wa aalamiinto la.an iyo inaan bacaad un ku dheelno yacni garomada caalamka lama qabsan karno marka xiligena sugena insha allah viva arteta and diaby
Daadir yare
10-February-2013 at 7:28 pm
Eto,o wa saxan yahay mamulka cfc na wa tugo asadna waxan leyahay xmr imawe banuni barro sxb ado rali ah viva lvrpool
Mohamed omar hassan
10-February-2013 at 6:22 pm
Fadlan inoso bandiga hathalatha mesut ozil yaqay
Ongera
10-February-2013 at 6:20 pm
Haladilo wixi gall ohodan
Dhaylo aad
10-February-2013 at 6:13 pm
Wb nin wanagsan eto ee wadankiisa ayaa xun
Asad
10-February-2013 at 6:05 pm
eto run buu sheegayaaa waa waxa la hadhey africa oo dhan khaasatan somalia
hal naadi baa matala oo ka yimaada xaafad muqdisho ka mid ah
Asad
10-February-2013 at 6:03 pm
maba soo bandhigtaan figrada saxda ah
Qoor kaa he
10-February-2013 at 5:39 pm
Eto hadal kíisa waa sax mideeda kale maxaa ka ogti hiin asiga iyo fa ga wadan kiisa waxa eey isku heestan somali fudeed ayaa faceed kareebay
hanad waakawataa
10-February-2013 at 5:37 pm
kkkkkkkkkk afrika musuqmaasuq kama weeynato
C/naasir xirsi
10-February-2013 at 5:33 pm
asc wa run wayo dadka u dhashay qaradan madow waxa lagu yaqanaa lcg jecel maamulada xulalka qaramada africa lcg ayay yaqanaan alaw ya daba galo dhaman dadka maamulka ah xulalka africa
xaamid
10-February-2013 at 5:24 pm
waa bentiis cunsiriyiinta ruushka ayaa laga wardiyeyaa markaa ayuu dalkisa been ka shegaa
sidan
10-February-2013 at 5:12 pm
war ninka bahalada la war diyeeya