Andre Santos Oo Qarka U Saaran Inuu Ka Tago Arsenal, Isagoo Ku Laabtay Dalkiisa Brazil. | Laacib.net
Home » Horyaalada » England » Andre Santos Oo Qarka U Saaran Inuu Ka Tago Arsenal, Isagoo Ku Laabtay Dalkiisa Brazil.

Andre Santos Oo Qarka U Saaran Inuu Ka Tago Arsenal, Isagoo Ku Laabtay Dalkiisa Brazil.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Taariikh: 10-02-13 7:31 PM

article-2276493-17421DE9000005DC-888_466x290

Andre Santos ayaa qarka u saaran inuu ka tago Arsenal oo uu ku biiro kooxda Gremio ka dib markii daafaca lagu sawiray isagoo ka dagaya Brazil ka hor u dhaqaaqistiisa South America.

Santos oo 29 jir ah ayaa Arsenal kaga soo biiray Fenerbahce bishii August 2011 iyagoo ku soo iibsaday adduun lacageed oo gaaraya 6.8 milyan oo ginni.

Si kastaba, ciyaaryahanka reer Brazil ayaa ka dhacay soo xulashada garabka daafaca bidix ee Emirates Stadium.

Imaanshiyihii Nacho Monreal ee maalintii ugu danbeysay ee suuqa ayaa ka dhigeysa in Santos uu haatan kor saar ku yahay Arenal.

Arsene Wenger ayaa sidoo kale heysta daafaca bidix Kieran Gibbs kaasoo haatan dhaawac ku maqan.

Inkastoo aan weli wax si rasmi ah loo xaqiijinin hadana sawir isagoo tagaya dalkiisa oo ay soo dhaweynayaan taageerayaal ayaa la soo geliyay Twitter.

Dhanka kale weeraryahanka Arsenal Lukas Podolski ayaa isna Twitter ku soo qoray: “@Andre-santos27 waan ku xiisi doonaa, waxaan ku rajeynayaa wanaagsan.”

antos ayaa 26 kulan u saftay Arsenal, isagoo u dhaliyay afar gool.

Weli lama xaqiijin hadii heshiiska uu yahay mid joogta ah ama mid amaah ah.

7 Responses to Andre Santos Oo Qarka U Saaran Inuu Ka Tago Arsenal, Isagoo Ku Laabtay Dalkiisa Brazil.

  1. abdi Reply

    11-February-2013 at 3:44 pm

    saxiiba. iyo dhalinyaro. waxaynu kahadlaynaa. waa. santos hadii. aad lasocodoo ciyaarahaa. arsenal. kuma fiicna. dhinacaa. diifaca bidix. waayo odaygu. dhow jeer. ayuu egay

    santos. mabuuxinkaro diifacaa. danbe. waxaan odhenlahaa. halafasaxoo. waayo. waxaynu doonaynaa. ciyaar yahan. dhamaystiran. malaa. waxaa uukufiicanyey.. inuu kaciyaaro…dhexdaa.. ciyaardii udanbeysey. waxaa. ukaciyaaray. dhexdaa. islamarkiiba. waa udhawacmay…saxiibayaal..arsanal guula…..

  2. Aruush yare Reply

    11-February-2013 at 8:54 am

    Santos waa ciyaryahan aad u yaqana difacida wererida.dhabtii aniga hadan ahan lahaa macalinkiisa waa safan lahaa.waayo waa ciyaaryahan aad u aktif ah.lkn wengar qumayo gibs wax ha ku difaaco.dhaman ciyartoda arsenal waxa kala xaqiray waa sandhere.anaga ayaana sabab u ah wax walbo.dhanka kale santos waxan ku dhahaa.isa tag arsenal sumcad kuma yelanaysid.farance lee hadad u dhalatay ayaa lagu safaaa…

  3. Djmoha Reply

    10-February-2013 at 9:16 pm

    Santos haku so laban arsenal hdii ad ku so labato waxa lakulameysa dhibatoyin waxa ku fcn in ad noqoto sidii r v persie kkkkkkkk

  4. Faris Abbad Reply

    10-February-2013 at 9:13 pm

    Anaga hadaanunahay koxda taageerto arsenal A.santos waxaan ku orani lahayn joog waayo waqtigii u ko hayso fenerbahce iyo hadadaan buu kawanaagsan yahay waxaan urajeyneyna inuu ku nagaado kox GUNNERS

  5. Tutale2002 Reply

    10-February-2013 at 8:34 pm

    Ma dhacin wali ciyartoy iska tagaya ma la fasaxaxa suqa ka dib ma hada la furay hadusi tagay sorrey ayan le waxu aha nin lasafa kulumada muhimka ah i am sorrey

  6. DJ Abtiyo Reply

    10-February-2013 at 8:22 pm

    iskasamir santos arsenal waad la qabsan wayday sxb waxaan ku rajaynaya wakhtigi aad ku haysatay fenerbahce iyo ku ka fiican viva gunners

  7. m.giroud Reply

    10-February-2013 at 8:05 pm

    Santos sido kale hadan nahy tagerayasha arsenal wan ku xiso dona waxana ku rajeyneyna rajo kafican midi ad ku jogtay emaraties

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>