Alex Song Oo Aan Ku Faraxsaneyn Barcelona Isagoo Ka Cabsi Qaba Inuu Noqdo Sidii Chygrynskiy. | Laacib.net
Home » Africa » Alex Song Oo Aan Ku Faraxsaneyn Barcelona Isagoo Ka Cabsi Qaba Inuu Noqdo Sidii Chygrynskiy.

Alex Song Oo Aan Ku Faraxsaneyn Barcelona Isagoo Ka Cabsi Qaba Inuu Noqdo Sidii Chygrynskiy.

Waxaa Qoray: Osman Fantastik
Twitter: Taariikh: 10-02-13 11:15 AM

song vs

Alexander Song waa xidig ku wanaagsan qeybta dambe ee qadka dhexe waliba dhinacyo badan ayuu ku wanaagsan yahay, xiligii Barcelona uu tagayay waxaa la filayay in wax qabad wanaagsan iyo ka qeyb gal joogta ah uu ka heli doono balse haatan rajadaas waxa ay u muuqtaa mid dabeysha sii raaceysa.

Ilaa iyo haatan Barcelona waxa uu u ciyaarayay 571 daqiiqo waana fursad ku timid dhaawacyadii Gerard Pique iyo Puyol hadiiba ay dhaawacmi laheyn daqiiqado intaas ka yar ayuu heli lahaa, tanina waa mid aan raaligilineyn Barcelona iyo Song-ba oo la aamisan yahay in uu leeyahay mustaqbalka wanaagsan.

Haddii Song uu xaalkaan ku sii socoda illaa iyo xagaaga dambe waxaana shaki ku jirin in uu noqon doono Dmytro Chygrynskiy-ka cusub ee Barcelona kaasi oo hal xilli ciyaareed kaliya la joogay Barcelona isla markaana ka helin ka qeybgal wanagsan taasi oo keentay in uu isaga huleelo kooxda .

Waxaana ifafaalada muuqata leedahay shaki kuma jiro in Song dhamaadka xilli ciyaareedkaan uu ka huleelayo Barcelona waliba uu uga baxayo qiimo ka yar kan lagu keenay, waxaana dhici karta  isaga oo qiimo jaban ugu soo laaban kara Premier League.

Waxa sii xoojinaya saadaalintaan ayaa ah iyadoo Barcelona ay haysto dhab ahaantii ciyaartooy u buuxisa booska Song haddii uu huleelo maadaama ay haystaan ciyaartooy soo kaceysa xitaa Mascherano waa uu awoodaa in uu daboolo bookaasi mana la garan karo xagaaga dambe cidda ay Barcelona keeneyso marka la eego qaacidooda ah in xagaa waliba keenaan laba ciyaar yahan.

Sidaa oo ay tahay wargeyska El mundo Deportivo waxa uu maanta qorayaa in Song uu dareemayo niyad jab aad u xoogan iyadoo El Mundo ku tilmaantay ka qeyb galka yar ee uu helo Song in ay la mid tahay in laacibkaas la iska iloobay .

Waxa uu wargeyskaan intaa raacinayaa in ay adag tahay in Song helo ka qeyb gal wanaagsan maadaama uu booskaas qadka dhexe uu si weyn ula qabsaday Sergio Busquets,

Wargeyskaan ma uusan sheegin in Song arintaan uu kala hadlay tabaraha kooxda balse waxa ay si rasmi ah u tilmaantay in laacibka uusan wax farxad ah ku dareemeyn Barcelona.

Osman Fantastik

Follow Me:
Facebook

33 Responses to Alex Song Oo Aan Ku Faraxsaneyn Barcelona Isagoo Ka Cabsi Qaba Inuu Noqdo Sidii Chygrynskiy.

  1. Ismail Reply

    15-February-2013 at 2:07 am

    Sckm asxaabay waligay maan arag ciyartoy arsenal ka taga oo liiban a marka laga reebo Ashly cole oo Kali ah aaway fabregas . Nasri, clichy, hleb, flamine, bandner, song, Eduardo , eboue ka ugu wanagsan waa ka half ciyaara meshan arsenal cawa inta jogta we ugu tunka Wayn haday dhaqaqan Bari waxed Arki iyago kursi Kayd kook kale fadhiya yacni kooxda genners nabsigeedu ma dhaxo

  2. abdiqani Reply

    13-February-2013 at 7:19 pm

    Adigaa daraygaa is dhigay A.song

  3. C.pato fuck Reply

    11-February-2013 at 10:19 pm

    Adeer iskaaga soo laabo arsenal koleyto haaf ayaan kuu raadineynaa magaratay come back to fly emirates nacas …

  4. A.qaadir Reply

    11-February-2013 at 7:50 pm

    K.k.k.k.k. Sxb dadki kahoreyay aya bos wayay marka iskaga so bir arsenal ayaga ku bahane

  5. Cazorla_19 Reply

    11-February-2013 at 9:53 am

    Hadii ay song rabin barca iyo ganners waxaan ku dhihi lahaa horseed stars imaw oo ka barbar ciyaar ciyaartooyada kala ah c.pato ’3pac ‘ c.najiib’nasri

  6. M.wilshere Reply

    11-February-2013 at 9:43 am

    Please song welcome again fly emirates oo ka barbar ciyar groud and wilshere

  7. Abdinoor mahamed qasay Reply

    11-February-2013 at 7:28 am

    Sxb soojoog soojifaa lagahelaaa dad waji ahaan iskumirtay maxaa dexgeeyay wax badso wax laanaa lagahelaa intuu magac radinaye ayu siidumay epl haiskaga laabto haduu magac iyo mustaqbalba rabo

  8. Liyo2 Reply

    10-February-2013 at 5:37 pm

    Sc tagerayasha arsenal song asiga jecel u berc uqabo uma u san bixin e couchka aya iska ibiyay waliba asigo didan aya la ibiyay hadane waxan dhìhi lahaa dooro qoor qabasho biyo kuma cabto song niyadisa wa arsenal waxan dhihi laha wel come song

  9. Yahye Reply

    10-February-2013 at 4:32 pm

    Song barca wuxu u tagay magac waxuu rabaa in tariikhda ugasha oo ladhaho songa wuxu somaray barca sida ronaldo figo deko hendhari iyo lacibin fara badan barca is best team in the world

  10. Mr.arsenal Reply

    10-February-2013 at 4:12 pm

    War badan magalaayo waxan ku talin laha ciyaaryahan yoo san ka atgin meel sharaf iyo banoono ku heysto ama sida song aya idinku dhaceyso viva.arsene wenger viva.arsenal

  11. maxamed khadar Reply

    10-February-2013 at 3:42 pm

    run ahaantii songa waa inuu katagaa barca hadii uu mustaqbal rabo waayo marka hore ayu ku deg degay waxuu ogaa ciyaar yahano badan oo arsenal ah ku waas oo aaday barselona kadib jaanis loga diiday dib ugu noqo ninkii horyaalka egland laga bartay help hada iswaydii mee kaas maka wanaagsanyahay songa maya maya ugu danbaystii hakatago dan ayaa ugu jiorta

  12. muse calo Reply

    10-February-2013 at 3:32 pm

    well came arsenal aya lagajecelyahay viva fuad ibrahim the best player

  13. Podol-power Reply

    10-February-2013 at 3:06 pm

    Kkkkkkkkkkk song durba ma cabatay war ma ogayn kuwi kaa horayay siday barca ugashay doqonbaad tahay gunners kuma rabto viivvaa wilsher podolisk rosicky arteta diaby walcot

  14. qadar akhyaar Reply

    10-February-2013 at 1:24 pm

    Hhhhhhhh wlh waacwax lagu qoslo ma ogeen miyaa ciyaartoydii ka horeesay wadadii ee mareen war soonoqo ee arsenal keedkeeda iska soo fadhiiso

  15. Hehehe Reply

    10-February-2013 at 1:20 pm

    War chelsea.iska imaaw.wa iska 0ga intan.kuu dan bendonte.marki hore ada aday.k0ox.cunsiryaal.ah.fuck barca,arsenal,man u,man C.viva chelsea,juve,breman viva lamps,øzil,moses,anelka,pogba,de buryne viva.all of them

  16. Deeq Reply

    10-February-2013 at 12:56 pm

    Kkkk come back your home gunners

  17. arteta Reply

    10-February-2013 at 12:28 pm

    so sorry sxb song wan kaxumahay inad kaweysid in kastoo f.c.b ey tahay koox weey oona joga ciyar yahano qadka dhexe lkn aad ahay tagere arsenal wax kudhihilaha kusow labo boskada oo wali lalayahay nin buuxiya si rasmi ah ee meel laga jecelyahay kusow labo sxb song welcom to arsenal

  18. Tutale2002 Reply

    10-February-2013 at 12:22 pm

    Warkasa imara fabregas o dhalad ah aya way bos jogta ah ma ado fuf aya hela ma ogen miya dagalki ka dhacay barca sesco darti no ma doneysa arsenal songo iya wax la mid arteta welshe wallcot kazola resaskey diyabi viva arsenal

  19. Dhib malahan song waxaan ku leetahay guri waa gurigaagu uun hadal aabaha wenger iyo kooxdada ayaa kuu xiistay marka welcome back dear alex song

  20. Sharci yaqaan Reply

    10-February-2013 at 12:17 pm

    Asba waa ogaa meesha in uusan boos ka helaynin ee Waxa uu rabay in uu dhaho Barcelona ayaan u soo ciyaaray hadana waa uu u ciyaaray waana ka tagi karaa Arsenal haku laabto meeshaas ayuu libaax ka ahaayee

  21. ibraahin ijineer Reply

    10-February-2013 at 12:16 pm

    kkkkkkkkkkk hahahahhaha hahahahahahhaa hah uuuuuhuhuhuuhu war maba qosli kareee feeaha aya ixanuunay walahi, xabash walbo oo arsenal kusoo caan baxo waxoo usoo ordaa barcelona, sidi in malab yaalo, ma oga miyaaa in 2 maalin lagu daneysanaayo kadib binjiga la cabsiinaayo, war barcelona waa ku mahad san tihiin sida aad ula dhaqantaan aqli lix saac yaashaan, arsenal ayuu booos jogto ah ka heestay waloo carab laa laa diyey marku shaqaba so galayna, keedka aya la friisiyey hadabo waa abaalkiisa taas, waxan qabaa xataa labiska binjiga lagu fariisto in aan loo galin oo asagoo qaawan meesha lasoo fariisiyo sida eeyga oo kale kakakakakakakk

  22. Abdifatah villa Reply

    10-February-2013 at 12:13 pm

    Sorry alex song booskada waxa jooga 6 ka aduunka ugu fican Bosquet

  23. afrax Reply

    10-February-2013 at 11:58 am

    alex song came back to ur home emirates studio barcelona boskamaheleside inta ee helayan player spn ah oo kulamida ama kafican ragas wa cunsuri lol janismalaha

  24. maame arsenal Reply

    10-February-2013 at 11:57 am

    Alex sonk waxa uu ahaa ciyartoy laga jecelyahay naadiga gunners waxan kaxunahay hadana waxan leenahay welcome back

  25. abdi kadir cadde Reply

    10-February-2013 at 11:56 am

    Barcelona qofkii tago saas ayuu ufashilmaa tusaale 1 alex hleb 2 zlatan ibrahimovic 3 fabregas 4 henry 5 ibrahim afaley 6 alex sanches 7 alex song

  26. facaa iska dhici Reply

    10-February-2013 at 11:56 am

    alex song ma a hayn laacib in uu ciyaaro raba ee waxuu rabay koob wuuna helayaa

  27. maxamad hassan Reply

    10-February-2013 at 11:52 am

    Song ga wa lacib ad uwanagsan samcadna makulahan Barcelona wana lagala sowaregaya song came 2 chelsea wad kamuqandonta nadigase

  28. Maxamed agaafe Reply

    10-February-2013 at 11:45 am

    Waxa xumahay alex song xalki saa halku marayo waxan lehnahay solabasha waanagsan

  29. Ahmed nur cade Reply

    10-February-2013 at 11:43 am

    Kakakakakaka viva arsinal

  30. Safio Reply

    10-February-2013 at 11:36 am

    Meel laga jecel yahay hadadka tagto meel lga naccad tagaysa sorry song qiimo ayaadku lahayd arsenal hadana waxadthy ayaba ikayrday kkk

  31. Xareed Reply

    10-February-2013 at 11:34 am

    Qof kooxdiisa ka tagaa wax rajo ah ma yeela naayo

  32. Nasri Barcelona Reply

    10-February-2013 at 11:32 am

    Sorry Song, weligey waan jeclaay inaad Barca ka ciyarto lkn hadda waa lagu dhacay. Busquets aya kaa qatarsan.
    0

  33. maxamed cabdi xasan Reply

    10-February-2013 at 11:19 am

    waa in uu iskagatagaa nadiga haddii kale waxa halaabaysa sum cada uu ku bada cagta uu ku lee yahay

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>