Xulka Mali Oo Galay Kaalinta 3aad Ee Koobka Qaramada Qaarada Afrika, Markii 3-1 Uga Badiyay Ghana | Laacib.net
Home » Africa » Xulka Mali Oo Galay Kaalinta 3aad Ee Koobka Qaramada Qaarada Afrika, Markii 3-1 Uga Badiyay Ghana

Xulka Mali Oo Galay Kaalinta 3aad Ee Koobka Qaramada Qaarada Afrika, Markii 3-1 Uga Badiyay Ghana

Waxaa Qoray: Abdi Aziz Golf
Twitter: Taariikh: 9-02-13 11:17 PM

Mali-and-Ghana

Xulka Mali ayaa galay kaalinta 3aad ee Tartanka Koobka Qaramada Afrika ee lagu wado in maalinta berri la soo gaba gabeeyo, kadib markii ciyaartii kaalinta saddexaad uu ka badiyay Xulka Ghana.

Labadan Xul ayaa ku haray Sema Finalka Koobka Qaramada Afrika, waxaana Mali ay soo bandhigtay ciyaar u qalantay inay booska 3aad ku xirato, isla markaana natiijo muhiim ah kala hoyato Tartankan,

Ciyaarayahan Mamadou Samassa ayaa hogaanka u dhiibay Mali, markii gool madax oo aad u qurux badneyd uu shabaqa kaga hubsaday Mali, kaasoo qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay.

Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa daqiiqadii 48aad waxaa gool labaad u dhaliyay Mali kabtankooda ahna hogaamiyahooda Seydou Keita, waxaana Ghana daqiiqadii 58aad ka qasaariyay rigoore ciyaaryahan Mubarak Wakaso.

Daqiiqadii 82aad ayaa Ghana gool rajo ahaa soo ceshatay, waxaana u dhaliyay ciyaaryahan Kwadwo Asamoah, hase ahaatee rajadaas waxaa ceel ku riday ciyaaryahan Sigamary Diarra oo Mali goolkii 3aad guusha ugu xaqiijiyay.

Labada xul ee taagan Finalaha Nigeria iyo Burkina Faso ayaa maalinta berri la wada sugayaa ciyaartooda, waxaana Nigeria ay dooneysa inay ku guuleysato koobkan markii 3aad, halka Burkina Faso ay dooneyso inay taariikhda gishato markeedii u horeysay.

 

Abdi Aziz Golf

Follow Me:
TwitterFacebook

3 Responses to Xulka Mali Oo Galay Kaalinta 3aad Ee Koobka Qaramada Qaarada Afrika, Markii 3-1 Uga Badiyay Ghana

  1. Madaxweenaha R.R.P.B.O Reply

    10-February-2013 at 7:27 am

    Yaasalaam mali wlh shale kubad wey ciyaarte walow tartanka ey kaharte lkn se booskeeda kaalinta sedaxaan ayeyheshe guushi shale waxey inootahay aarsigii 1 – 0 e Group yada ahaa taas ayaane farxada gaarka ahnagalise viva mali & kieta &m.samaassa dekita deawara m.sisoko diara all peeple mali we bleve blayea olweys

  2. mohamed dek yare Reply

    10-February-2013 at 7:20 am

    maalinta 14 bishan waxaan wada sugaynaa ciyaarta jaanbiyoos liiga ee dhax maridoona manuntd vs real madrid

  3. Farxaan yare Reply

    10-February-2013 at 1:11 am

    Waxan ku faraxsanahay gusha farxada leh e ay gartay xulka mali 3vs1 Ghana

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>