
Gool soo daahay oo uu Italy u dhaliyay ciyaaryaha Verratti daqiiqadii ugu danbeysay ee ciyaarta ayaa ka saaciday inay Italy barbaro 1-1 ah ku qabato xulka Holland ciyaar saaxiibtinimo oo labada kooxood dhexmartay.
Goolhaye Gigi Buffon ayaa labo fursadood oo qatar ah ka badbaadiyay Holland qeybihii hore ee ciyaarta, iyadoo Mario Balotelli uu sidoo kale kubad uu u soo qaaday Pirlo xabadka saartay islamarkaana darbadiisa banaanka marsiiyay.
Laakiin Holland ayay aheyd xulkii hogaanka u qabtay ciyaarta daqiiqadii 34aad, ka dib markii Azzurri ay ku guuldareysatay inay iska bixiso karoos laga keenay dhanka midig ka dibna darbo uu tuuray Maher ayaa la baloogay, Lens ayaana farsamo qatar ah la soo maray ka hor inta uusan dabamarin kubada goolhaye Gigi Buffon.
Qeybtii hore waxaa lagu kala nastay goolkaas uu dhaliyay Lens, iyadoo xulkii gaaray finalka Euro 2012 uusan soo bandhigin ciyaar indho qabad leh.
Qeybtii labaad ayaa iyadana ku bilaabatay si la mid ah qeybtii hore, labada xulna ma aysan abuurin fursado dahabi ah, marka laga reebo Buffon oo gool kala ka beeniyay Lens oo darbo quwad leh gacanta looga bixiyay.
Italy oo ku dhaweyd in guuldaradii 6aad oo isku xigta ee ciyaar saaxiibtinimo ay soo gaarto ayaa waxaa furtay Verratti oo dhaliyay goolka barbaraha daqiiqadii ugu danbeysay ciyaarta ka dib markii ay kubada isweydaarsadeen Gillardino.
Italy ayaana soo gabagabeysay 5 guuldarro oo isku xigta oo ka soo gaartay ciyaaraha saaxiibtinimo ee heerka caalami.

Dhanka kale xulka Argentina ayaa 3-2 ku dubtay Sweden ciyaar saaxiibtinimo oo labada xul ku dhexmartay garoonka Freinds Arena ee dalka Sweden.
Argentina ayaana hogaanka qabatay ciyaarta oo seddex daqiiqo socotay, Angel Di Maria ayaa kubad u dhigay Higuain kaasoo darbo la beegsaday goolka, Mikael Lustig ayaana isku dayay inuu celiyo laakiin isaga ayaaba shabaqa iska dhex dhigay kubada.
Sweden ayaana 4 daqiiqo ka dib fursad fiican heshay markii Ibrahimovic uu kubad u dhigay Kacaniklic kaasoo goolhayaha kaliya uu hortaagnaa laakiin cadaadis saarnaa darteed kubada waa uu tuuray banaanka ayayna martay.
Laakiin Sweden ayaa goolka barbaraha heshay daqiiqadii 18aad, kooner uu soo tuuray Granqvist oo halis ahaa ayaa waxaa la kulmay Jonas Olssen, kaasoo ka dul kacay cid walba ka hor inta uusan madax ku dhalin.
Argentina ayaase hogaanka ciyaarta ku soo laabatay, Di Maria ayaa kubad dhexda ka soo jiiday iyadoo cidna aysan raacaneyn, waxaana uu baas fiican u dhigay Augero, oo isna dadaal fiican ka dib si fiican u dhameystiray.
Daqiiqado yar ka dib Argentina ayaa ciyaarta meel ku xirtay markii ay heleen goolka seddexaad markaana waxaa shabaqa soo taabtay Higuain kaasoo ka faa’ideystay kubad laga soo bixiyay kabtanka Argentina Lionel Messi.
Waxaana dhamaadkii ciyaarta gool kale u soo celiyay xulka Sweden ciyaaryahan Elm
Argentina ayaana ugu danbeyn ku badisay 3-2, ciyaar aheyd mid xiiso leh oo ka dhacday Friends Arena.
sihaam
07-February-2013 at 9:43 pm
waxaan jeclahay inaan ka mid naqdo asxaabta jecel inay fikirka ka dhiibato waxaan umahad calinaa dadka habiin iyo malin ba jecel dadka fikir kood nka qaado oo hadan dadka kale u gud biyo
talo xume
07-February-2013 at 1:10 pm
Kkkkkkjkkkkkkkkkkkkkkkkkkk aduunka waa labada wadan ee an ugu necbahay Argentina iyo Italy mar walbo guul dareysta inshallah
ARGENTINA fc_manchester city fc
07-February-2013 at 7:55 am
waw argentina caadi ma ahan waayo xalay laacibka adunka wuxu noqday kubad sameye sida xavi iyo iniest cml mida kale aguero iyo di maria iyo hiuguin cid qaban karto majirto world cupkana anaga is kaleh in sha allah viva man city and argentina 4ever
Sayid
07-February-2013 at 7:24 am
.Kkk .Argantina waa xulka kaliya ee hada spain kula xisaab tami karo koobka aduunka 2014 .maxa yeelay waa ogeeden waxay ku dhigen Garmani 3-1 iyo xulki Urogy 3-1 .brazil isiga sheegis malahan .4-3 . ……….. Marka waxan rabaa markaan ronaldo asagoo arkayo hortiisa in lagu qaado world cup .kkkk Muxu samayn karaa kkk RAC faan ha qaato kkk ……. Fadlan cid aan isku qalmin ha is ku daba wadina
liibaan
07-February-2013 at 4:58 am
Viva messi
m.city
07-February-2013 at 3:04 am
wan.idin.salaamay bahda laacib
runti caawa waxa ey sameyen xulka faca weyn argentina.waa aan wada sugeynay mida kale caawa waxaa ciyrtaasi ka talinaayay laacibka aduunka marka hal qabsiga ah messi waa barca kaliya ee wax kama aha xulkiisa waan ku daalanay qof walbo ee caawa firsaday ciyaartas waa.ogaan karaa messi halka.uu ka taagnaa waa hadeey xaqiraad jirin laaibka ma aha inooo gol uu dhaliyo.kulan walba.//////////// c.ronaldo cawa gol ayuu dhaliyay lkn waa heli waayay guul balse mesi gol ma.dhalin lkn xulkiisa guul.ayuu ku hogaamiyay kkk
xudeyfa syl
07-February-2013 at 1:44 am
Hhh anaga england miyey na modan viva arjentina
real
07-February-2013 at 1:41 am
messi iniesta iyoxavi qaranka kagala tirsana qarankaaga u shaqeyso meesha waxba kuma haayo runtii messi barcelona isaga dhex noolow ileen koox kalehadaa u tagtid xitaa waa fishil howshaada viva iniesta and xavi
Nasri Barcelona
07-February-2013 at 12:42 am
Lkn ciyarta Argentina waxa ay ku dhamatay 2-3.
Viva Argentina
Nasri Barcelona
07-February-2013 at 12:39 am
Argentina waa xulka ugu cadcad inuu ku guuleysto World Cup sanadka dambe.
Viva Argentina
Maxamed atoore
07-February-2013 at 12:38 am
Angel dimaria gonzalo higuain waaa laacibin wax u qabta marka loo fiiriyo qarankooda waana ka wanaagsanyahiin duqunka messi lagu shegaayo
sakariye
07-February-2013 at 12:37 am
sxb ciyaarta waxaay ku dhamaatay 3-2 ku noqo ciyaarta viva Sverige Zlatan ibrahimovic