
Ku Dhawaad 26 sanadood ka dib xulka Jarmalka ayaa markii ugu horeysay guul ka gaartay France ka dib markii ay ugu awood sheegteen 2-1 ciyaar saaxiibtinimo oo ka dhacday Stade de France.
Ciyaartaan ayaa ku bilaabatay si dardar leh iyadoo labada xul ay soo mareen fursado qaali ah ka hor inta aysan France hogaanka qaban ciyaarta qeybtii hore oo labo daqiiqo ay ka harsan tahay.
Karim Benzema ayaa laad xor ah birta ku dhuftay, waxaana kubadii soo laabatay ku celiyay Valbuena oo dabamariyay goolhaye Adler.
Waxaana qeybtii hore lagu kala maray 1-0 oo France hogaan ay u qalantay ay ku heysay, laakiin Jarmalka ayaa helay goolka barbaraha daqiiqadii 50aad, France ayaa kubad iska dhiibtay waxaa helay Gundogan kaasoo u dhigay Mueller oo isna dabamariyay goolhaye Lloris.
Jarmalka ayaana helay goolka guusha daqiiqadii 73aad ee ciyaarta, Ozil ayaa kubad qatar aheyd u dhex bixiyay Khedira kaasoo isna shabaqa dhex dhigay kubada.
France ayaana dhamaadkii ciyaarta weeraro culus ku qaaday goolka Jarmalka iyadoo fursad dahabi ah laga beeniyay Ribery oo si fantastik ah ku soo galay xerada ganaaxa Jarmalka.
Waxaana Germany ay ku badisay aakhirkii 2-1 oo ay ku dubteen xulka Les Bleus oo marti loogu ahaa Stade de France.
Darbo wayne
08-February-2013 at 4:17 pm
Khadiira+Ozil fantastic players walee ciyaar bay soo bandhigeen sxbkoof benzima casharbay u dhigeen.
vaisal
07-February-2013 at 1:01 pm
Viva France and Manchester United
xoosh
07-February-2013 at 9:25 am
guul ozil
Rujaal
07-February-2013 at 8:14 am
Man united wa team awod leh hada heysta ciyartow ad uwangsan iyo birimiliga kalinta 1aa kaga jirta sabab to ah manchister united waxa afka hore udhela robin venbersie wayne rooney and harnandez vs danny wellpeck sidas oyged ayan ku heysa kalinta ingiriska ee birimiliga halka kalena waxa ay ku tartamaysa kobka calamiga ah ee champion ka sidas darted ayayna manchister united
Khadar godey
07-February-2013 at 8:11 am
Waaaaaw viva france viva ribbery ben arfa
Wayne rooney vs robin venbersie
07-February-2013 at 8:22 am
Ronaldo waxa igala fican wayne rooney wayo waxa uga fican yahay dabecada iyo dagaranta ronaldo wa showayste qurmay hadana waxa kale ee kafican robin venbersie iyo lionel messi vs niesta
welshere
07-February-2013 at 7:55 am
garmany iney bidiso 26sano kabacdi waa taariiq lkn ciyaar baa labaray germany vivi ciyariyahanada arsenal ee ka muuqday ciyaarta
wilsher
07-February-2013 at 7:48 am
Nasib ma lahan franc viva martsakar
A.qaadir
07-February-2013 at 6:01 am
Wan ka xumahay farance dhb male wan ka arsan dona
xamsse faarax axmed
07-February-2013 at 3:24 am
Waaaw viva germany ozil khadira t muller waxaasaa guula