Juventus Oo U Dagaalameysa Inay Ghana Iska Soo Fasaxdo Xiddigooda Kwadwo Asamoah. | Laacib.net
Home » Africa » Juventus Oo U Dagaalameysa Inay Ghana Iska Soo Fasaxdo Xiddigooda Kwadwo Asamoah.

Juventus Oo U Dagaalameysa Inay Ghana Iska Soo Fasaxdo Xiddigooda Kwadwo Asamoah.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 7-02-13 5:38 PM

asamoah-ghana490ai_2

Juventus ayaa rajeyneysa inay dib u helaan Kwadwo Asamoah oo uu ka soo laabto koobka qaramada Afrika si uu ugu ciyaaro kulanka Celtic ee Champions League.

24 jirkaan ayaa qeyb ka ahaa xulkii Ghana ee xalayto lagu reebay semi–finalka koobka qaramada Afrika ka dib markii ay guuldarro ka soo gaartay Burkina Faso.

Laakiin xulka Black Stars ayaa waxaa u haray hal kulan kale oo South Afrika ay ku ciyaarayaan kaasoo ah kulanka kaalinta 3aad oo ay la ciyaarayaan Mali maalinta sabtida.

Sida ay ku warameyso Gazzetta dello Sport Bianconeri ayaa ku riixeysa xiriirka kubada cagta Ghana inaysan ciyaarsiinin ciyaaryahanka khadka dhexe madaama ay doonayaan inuu ku soo laabto kooxda safarkooda Galasgow.

Juve ayaa u safri doonta Celtic Park si ay u la ciyaaraan kooxda Neil Lennon talaadada soo socota 12ka Febraayo.

4 Responses to Juventus Oo U Dagaalameysa Inay Ghana Iska Soo Fasaxdo Xiddigooda Kwadwo Asamoah.

  1. Cirro Reply

    08-February-2013 at 12:34 pm

    Soolabo kama maarmeso juventus

  2. amiin Reply

    07-February-2013 at 7:49 pm

    haa waa in eysoo fasaxdo ghana ciyaaryahan muhiim ah

  3. c.x.h Reply

    07-February-2013 at 7:30 pm

    waa run wa ain ay no so fasaxaan xidigaas waayo waa muhiiim kamana marano asaga

  4. Alamagan Reply

    07-February-2013 at 6:01 pm

    Haa waa runtot juventus ciyaariyahanka waxuu u yahay muhiim marka waxaan jeclahay in ay nagu adkeen chana

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>