Garsoorihii Kulankii Burkina Faso Iyo Ghana Ee Semi-finalka Qaramada Afrika Oo La Ganaaxay. | Laacib.net
Home » Africa » Garsoorihii Kulankii Burkina Faso Iyo Ghana Ee Semi-finalka Qaramada Afrika Oo La Ganaaxay.

Garsoorihii Kulankii Burkina Faso Iyo Ghana Ee Semi-finalka Qaramada Afrika Oo La Ganaaxay.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 7-02-13 11:45 PM

130207103542-football-burkina-faso-story-top

Garsooraha reer Tunisia Slim Jdidi ayaa ciyaaraha laga joojiyay ka dib markii shaqadiisii kulankii Burkina Faso iyo Ghana ay noqotay mid aad u liidata sida ay maanta ku dhawaaqday xiriirka kubada cagta Afrika CAF.

Garsoore Jdidi ayaa si aad ah loogu eedeeyay qaladaad waa weyn oo uu sameeyay kulankii semi-finalka koobka qaramada Afrika ee dhexmaray Burkina Faso iyo Ghana.

Waxaana qaladaadkiisa ugu weynaa daqiiqadii 117aad oo uu casaan siiyay Jonathan Pitroipa oo uu ku eedeeyay inuu istuuray inkastoo Ghana ay qalad cad ku gashay oo uu rigoore lahaa.

Inkastoo Burkina Faso ay ugu danbeyn rigoore 3-2 ah ku badisay, ciyaarta ka dib waxaa aad looga hadlayay in garsoore Jdidi uu ku guuldareystay inuu rigoore sax ah dhigo, go’aankiisii uu ku diiday gool sax ah iyo casaankii uu siiyay Pitroipa.

Burkina Faso oo finalka koobka qaramada Afrika la ciyaari doonta Nigeria ayaana racfaan ka qaadatay casaanka xiddigooda Pitroipa.

21 Responses to Garsoorihii Kulankii Burkina Faso Iyo Ghana Ee Semi-finalka Qaramada Afrika Oo La Ganaaxay.

  1. Al ahmadi Reply

    09-February-2013 at 2:44 pm

    ASc dhaman aqyarta ani waxan amin sanahay caf inaysan sax ahayn

  2. jamaal Reply

    09-February-2013 at 1:21 pm

    ASC DHAMAN ASAXABTA ANIGU WAXAN QABAA INAY TAHAY SIDII KUHABONAYD
    GARSORAHA CAYARTA DHEX DHEXDINAYAY

  3. maxamed Reply

    09-February-2013 at 8:54 am

    abshir waa sidii aan rabnay runtii xaqu wuu dilacaa ninkan khalad ka uu galay waxay ahayd mid aad u wayn oo wali aduunka uga dhicin hadii la dhaafi lahaa waxay noqon lahayd wado halaq waana lagu wada dayan lahaa….

  4. Xasaan c/laahi Reply

    09-February-2013 at 6:53 am

    Asc dhamaan bahda laacib Waa garsore jira waxa ay ilatahay hadi uu san ahayn garsore jira maqaban lahayn samifinal wa kawareri kartaa wana cadi taa iqabna wu mudanyahay likin wa refree jira

  5. cabdi gny Reply

    08-February-2013 at 9:46 pm

    kkk garsoore tunisian ayuu ahaa xaqdaro cad ayuu kalay burkino faaso laakiin xaqii ayaa u hiiliyay burkino

  6. Abdullahi sadiiq Reply

    08-February-2013 at 6:33 pm

    Asc aqyarta ma ehen garsora sax ah waxan fahme marku beynalti an jirin kadhigay o ti saxda ehedna u diday o walibo rosa u siye nin ki lajabiye waxan dhihi laha iqabtisa halamariyo

  7. Cumar baqilaawe Reply

    08-February-2013 at 4:58 pm

    Nin xun xun oo ad uxun ayu aha sax wan ku tagersanahy caf gnax

  8. Sandool Reply

    08-February-2013 at 8:59 am

    Mafiirsanin ciyaarta balse sida aan wararka kumaqlay ma,ahayn garsoore fiican waana in lamariyaa ciqaabta khaladkiisa!!!!

  9. xudeyfa syl Reply

    08-February-2013 at 8:44 am

    Yes hada ayey qaden talaabo sax garsoraha xaqiiqdi dhinac ayu la jiry wana ghana wana so dhaweneynaa

  10. Abdirazak said Reply

    08-February-2013 at 8:22 am

    Waxan umalaynayaa ninkas islaam

  11. Abdirazak said Reply

    08-February-2013 at 8:20 am

    Ha waa garsoore

  12. Wil somaliyeed Reply

    08-February-2013 at 7:45 am

    Waa run kaas ma ahayn garsoore fcn

  13. Cabdixakiim maxamed Reply

    08-February-2013 at 7:24 am

    Ha la ganaaxo kaasi garsoore ma buu ku ficnayn.

  14. dr mustaqbalka Reply

    08-February-2013 at 7:19 am

    wa sax halaganaxo wu mudanyahay waxa u sameyay wa wax folxun oo laga xumado marka u casan an jirin sinayao ciyartoga ay koxdu ku dharato iyo waliba ninki dilay gayan oo uuna casan sinin

  15. abdirahman rasas Reply

    08-February-2013 at 7:17 am

    Kaas garsoore sax ah ma ,ahayn anigaba aad baan oola yaabay hala ganaaxo

  16. Abdifatah villa Reply

    08-February-2013 at 6:26 am

    Haa, hala ganaxo garsorahan aniga aya la yaabay rigoore been ah ayu udhigay Ghana

  17. Aniso Reply

    08-February-2013 at 6:21 am

    Ciyaryahankan la aantiis wax ma soconayo malahan wa sida w.rooney o kale thnkx

  18. DJ Abtiyo Reply

    08-February-2013 at 12:34 am

    Burkina faso ma cayari karayso bila patroipa

  19. Mahdi blues Reply

    08-February-2013 at 12:18 am

    FA-ga England oo dulli ah waa dhaaman kuwaani. Garsooraha waa in ay khaladkiisa latuso.

  20. Deeqow Reply

    08-February-2013 at 12:12 am

    Afrika mararka qaar yurub ayey ka fcntahy waxan oo kale fa-ga premierleague waxba maka qabtaan waa dulliyin fa-ga ingiriirka afrika ayaa ka fcn 100%

  21. Cabdullahi Reply

    07-February-2013 at 11:52 pm

    Halaganaaxo kan garsoore muuna ahayne dulibuu ahaaye

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>