Ururuka kubada cagta aduunka FIFA ayaa war rasmi ah ka soo saarayay in dalka Qatar yahay dalka marti gilinaya koobka aduunka ee sanadka 2022-ka .
Warkaan ka soo baxay FIFA ayaa yimid ka dib markii wargeyska todobaadlaha ah ee Sports-ka qora ee ka baxa jarmalka uu qoray war ah in ay suura gal tahay in shir weynaha FIFA lagu soo qaado sidii is bedel loogu sameyn lahaa dalalka marti gilinaya koobka aduunka.
Waxa ayna bayaankaan FIFA ku sheegeen in shir weynaha FIFA aan marnaba ka dhici doonin cod qaadis si loo doorto dal kale oo marti giliya koobka aduunka sanadka 2022-ka .
Waxaa jiray warar tilmaamayay in uu jiro is daba marino intii lagu guda jiray u codeynta dalalka u sharaxnaa marti gilinta koobka aduunka sanadaha 2018-ka iyo 2022-ka
Majalada France Football ee caanka ah ayaa dhawaaan soo daabacday warbixin dheer oo ay ku sheegeyso in dalka Qatar uu iibsaday marti gilinta koobka aduunka ee sanadka 2012-ka .
Sida majaladaas tilmaantay dalka Qatar ayaa lacag aad u culus u qoondeeyay iibsashda cododka muhiimka ah gudaha gudiga fulinta FIFA si ay ugu guuleystaan marti gilinta koobkaas taasina ay heshay December sanadkii 2010-ka ayna ku heleen cod gaaraya 14 halka Mareykanka oo la tar tamayay heleen 8-cod kaliya.
ciise shekeye
16-February-2013 at 2:40 pm
dhaman waan ili slmy asxbta ku xirirsan lacib .net .
ciise shekeye
16-February-2013 at 2:38 pm
waa farxad by i thy in lagu qbto.
oscar vs bedro
07-February-2013 at 11:28 am
Asc dhaman asxaabta ku xiran shabakada laacib.net wan ni saalaaamay
oscar v/s bedro > messi vs neymar
07-February-2013 at 11:22 am
Asc marka hore waxan salamaya dhaman umada somaliyeed
haddi an fekerkeyga ka hadlo
saxafada france iyo jarmal wey ben badanyihin yanla aaminin an dhihi laha
tnx all
Yaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaabka
07-February-2013 at 8:21 am
Halaga masaxo wixii hadalkada ama qoralkoodu uusan wanagsaneen tnx qatar maba qabo inay marti galiso waayo iyadoo islaam ah ayay hadana si an habooneen waxku radinaysa