
Xulka Spain ayaa 3-1 kaga talaabsaday xulka Uruguay ciyaar saaxiibtinimo oo labada xul ku dhexmartay Doha Qatar, xilli Carles Puyol uu saftay kulankiisii 100aad ee xulka La Roja.
Spain ayaa hogaanka qabatay daqiiqadii 16aad markii darbo xoogan oo uu xerada ganaaxa meel ka fog ka soo tuuray Cesc Fabregas, iyadoo goolhaye Muslera uu qalad sameeyay markii uu celinayay darbadaas isagoo ku sii saray goolkiisa.
Daqiiqadii 30aad ayaa Carles Puyol oo uu kulankaan u ahaa mid taariikhi ah madaama uu saftay kulankiisii 100aad ee xulka Spain ayaa shabaqa soo taabtay, laakiin goolkiisii waa la diiday madaama uu offside ahaa.
Daqiiqad ka dib Uruguay ayaa heshay goolka barbaraha iyadoo Rodriguez uu kubad qatar ah dabamariyay goolhaye Victor Valdes.
Spain ayaana hogaanka ciyaarta ku soo laabatay daqiiqadii 51aad, Pique oo bedel ku soo galay ayaana kubad u dhigay Pedro kaasoo isagana kubad joog hoose shabaqa dhex dhigay.
Inkastoo ciyaarta ay aheyd mid saaxiibtinimo hadaa xamaasad ayay u laheyd ciyaartoyda oo mararka qaar kubad xoog ku dhisan iyo qabqabsi ciyaarayay.
Spain ayaana heshay goolkii 3aad ciyaarta oo 15 daqiiqo dhiman, markii David Villa uu kubad u dhigay Fabregas kaasoo isna u karoosay Pedro oo isna aan ka labalabeyn inuu shabaqa dhex dhigo.
Spain ayaana ku badisay 3-1 oo ay ugu awood sheegteen xulka heysta koobka Copa America ee Uruguay kuwaasoo ciyaar adag iyagana soo bandhigay.
Kulankaan ayaa sidoo kale waxa uu xusuus u lahaa ciyaaryahanka Atletico Madrid Mario Suárez iyo xiddiga kooxda Malaga Isco oo kulankoodii ugu horeysay u saftay xulka Spain.
Kulamada kale ee xiisaha lahaa ee ilaa iyo haatan dhacay waxaa ka mid ah Xulka Falastiin oo 4-2 ku dubtay India, Kenya oo 3-0 kaga badisay Libya. Tanzania oo 1-0 ku garaacday xulka Cameroon.
Masar ayaa iyadana waxaa guuldarro 2-1 ah ay ka soo gaartay xulka Chile, halka Ukriane ay 2-0 ku qaarjisay Norway.
Caaqil114
07-February-2013 at 8:44 am
suarez waa xidig laakiin hal nin waxmaqaban karo laakiin spain dhamaan tood ayaa isla qabsaday bahasha ileeyn asxaabtii barca ayaa ku badan xulka spian. viva fabrikas ineista villa puyal pique valdes sergio and xavi and pedro. spain for ever
A.qaadir
07-February-2013 at 6:08 am
Spain waxa uso kcey isco wa kama wilshere sxb anaga kule arsenal emarites ayad ka safan donta insha alah
Abdifatah villa
07-February-2013 at 5:53 am
Sas waye No one can stop spain VIVA DAVID VILLA
C/laahi abuukar
07-February-2013 at 12:54 am
Xulka spain inta uu joogo eniesta heerkaan maanta ay taagan tahay kama hoos mari doonta
xamza
06-February-2013 at 11:38 pm
asc dhamaan waxaan kufaraxsanahay speen goolasha ay kuwada badisay in ay wada dhaliyeen cayaartoyda barceloona 4taba inkastoo laga diiday kii boyol hadana fabricas iyo bedro ayaa kashaqeeyay aaway ciyaalka real cayaartoyda ay kufaanaayeen kkkkkkkkkk forza barca
Hernandes 45
06-February-2013 at 11:38 pm
Asc bahda lacib. Salan kadib ilmaha barca walaga qeyliyay vila hogamiyaha spain iga dheh k,k.k suares cawa waxa helay pedro fabrigas villa viva iniesta xavi villa fabrigas and puyol k.k.k kacabso timka is arur saday ilmaha barca.