Olivier Giroud: Waxaan Ku Bilowday Si Ka Fiican Sidii Uu Robin Van Persie Ugu Bilowday Arsenal. | Laacib.net
Home » Horyaalada » England » Olivier Giroud: Waxaan Ku Bilowday Si Ka Fiican Sidii Uu Robin Van Persie Ugu Bilowday Arsenal.

Olivier Giroud: Waxaan Ku Bilowday Si Ka Fiican Sidii Uu Robin Van Persie Ugu Bilowday Arsenal.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 6-02-13 3:09 PM

article-2274313-174E9C28000005DC-456_634x385

Waxaa laga yaabaa inuusan weli ku guuleysan taageerada taageere kasta oo Arsenal ah, laakiin Olivier Giroud ayaa ku faraxsan sida uu ku bilowday nolashiisa Emirates, isagoo farmuuqay inuu dhaliyay goolal ka badan intii uu Van Persie dhaliyay xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay ee Gunners.

Weeraryahanka Faransiiska oo 26 jir ah ayaa dhaliyay 14 gool 33 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkiisa ugu horeeya ee England, taasoo ka badan 4 gool intii uu Van Persie dhaliyay 41 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay ee 2004-05.

article-2274313-1756C967000005DC-688_634x425

Van Persie oo haatan jooga Manchester United ayaa markaas ahaa 21 jir, waxaana uu inta badan ka ciyaari jiray garab weerar, laakiin Giroud ayaa u sheegay suxufiyiinta France inuu ku faraxsan yahay sida uu ku bilowday noloshiisa England.

“Ma aqaano weeraryahan aan xiiseyneynin tirada goolasha uu dhaliyay” ayuu weeraryahankii hore ee Montpellier u sheegay L’Equipe.

“Tan iyo bilowgii xilli ciyaareedkan waxaan dhaliyay 14 gool, waxaana caawiye ka ahaa 11 gool kale.

“Waa xilli ciyaareedkeygii iigu horeeyay… waxaana si ka fiican sidii uu ku bilowday Van Persie, inkastoo markii uu Arsenal yimid uu da’ yaraa.”

29 Responses to Olivier Giroud: Waxaan Ku Bilowday Si Ka Fiican Sidii Uu Robin Van Persie Ugu Bilowday Arsenal.

  1. Abdirizack Hassan Reply

    06-February-2013 at 10:55 pm

    shactiro badanaa Giroud wilika makaareysid Robin van persie you will never do the things thet Rvp did for Arsenal

  2. Abdullahi qabridahar Reply

    06-February-2013 at 10:25 pm

    Waa yaab kkkkkkkkkkkkkkkk!!

  3. yaasiin Reply

    06-February-2013 at 9:59 pm

    abbr.arsenalwaakooxdadundaukuwacan

  4. yaasiin Reply

    06-February-2013 at 9:57 pm

    kooxdadundaukuwacanwaaarsenal

  5. Wiilsher Reply

    06-February-2013 at 9:08 pm

    Horta aniga hali ego aqayarta k.k.k.k arsenal arsenal ayaku jirtan waxa balan eh sanadkan inan kob la.an baxen sakin leh ama rafo chapiynka ayan khadaya k.k.k.k

  6. Zacim Reply

    06-February-2013 at 9:01 pm

    Kakakakak arsenal wa wa nadiga adunka waxan dhihi laha hdu la qbsado nadiga wu noqonkara

  7. saahil Reply

    06-February-2013 at 7:57 pm

    waraa kan dabaal uu noqday be hadiiba uu robin van ciiltire uu isku soo qaaday yaa wax u sheegay van goal marku arsenal imanayay wuu yara hadana markaas bergkamp iyo henry aya ka ciyari jireen inta badana lama dhelsin jirin lkn arsenal iyadaba koox weyn ahayn marka van goal wuu ka tashtay 8 sano ka dib inuu koob raadsado waa ceeb ciyaryahan sida van goal inuu waqtigisa ku dhamaysto koob la,aan marka reer arsenal isku xishooda giroud adna dabaal weynaday ayad tahay ee tores la fariiso asigad isku fac tihine

  8. malelane Reply

    06-February-2013 at 7:48 pm

    Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk van sida uu kubilawday xiliciyardki ugu horeyay arsenal iyo alv sida uu kubilawday maha wax lesla bar bar dhigayo fan dhawac low ayu ahay hada lee ayu qan garay kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk viva arsenal and ll byr

  9. Naim0 ViVa ArSeNaL Reply

    06-February-2013 at 6:10 pm

    Sacadan La Joogo Giroud Baa Ka Qatarsan Persie..Waa Hadan Beenta Iska Ilaalino Oo Runta Isku Daryeelno

  10. Nasri Barcelona Reply

    06-February-2013 at 6:06 pm

    Van Persie weligis Arsenal cug uma qaadin lkn Giroud koox yar o Serie B ka imatay ayuu horyaal lugtisa ugu qaaday.

    Weliba Top scorer ayu qatay

    marku hada kaso tagay kooxda wey dhibtoneysaa.

  11. Nasri Barcelona Reply

    06-February-2013 at 5:59 pm

    Waxa is weydiin mudan Van Persie muxuu Arsenal u qabtay. Hal sano kaliya ayu si wanaagsan u ciyaaray ee inta kale waxa hosha hayay Cesc Fabregas, Walcott iyo Song.

  12. Cabdifitax Casio Reply

    06-February-2013 at 5:55 pm

    Van pierse intuu arsenal u qabtay u qaban maysid hada la joogana iskaba dhaaf. Lkn waad riyoon kartaa. Ciyaalka xaafada aya dahay. Mida kale van pierse marku arsenal imanayay adi yaa ku yaqanay

  13. robin vAN gOAL Reply

    06-February-2013 at 5:52 pm

    olivier giroud sagac aaba tahe mel o van persie maro ma Mari karta shiiiiiiiiiiied mar dhawna waxa so wata hennry aniga ka fiican lol dabaal iska hadla

  14. cazorla Reply

    06-February-2013 at 5:29 pm

    giroud xisho van goal wa lacibkeni hore viva arsenal

  15. omar goley Reply

    06-February-2013 at 4:46 pm

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk olivier giroud niyada ayu dhisanaya vaaaan goool meelo haabenki maroo malinti xata ma marikaro ee yaa la iskumeel dhigin labadas qof arsenal dadka u dheelo waa khashin aruris lkn man utd dadka u dheelo waa daad wax tar leeh oo madax ah viv rooney and vaaan gool and vidic kacabsada libaxyada

  16. Welshe Reply

    06-February-2013 at 4:41 pm

    Jiruud waaa lacib lkn shuudka cirkaa ayaan kunacay

  17. yaya nani Reply

    06-February-2013 at 4:34 pm

    sxb waan ka xunahay hadaan nahay tagerayaasha man utd in lacibkeena vanpersia wax laga sheego waxaan ka leenahay arintaas sxb ma gaari kari kartid vanpersia 100 sano dambe van persia van goal

  18. Waa runtisa olivier Giroud hadadan la jooga adiga inooga qatarsan waayo v.persie waa waayel aay doqnimo soo wajahday marka viva Giroud dadaalkada halka ka wad viva all fans The guners

  19. LAURENT K0SCIELNY Reply

    06-February-2013 at 4:18 pm

    War ciyaalka hada dhow football fans bartay fadlan wax yalaha qaar websiteka hakusoq0rina dadka football wax ka yaqan0 wey ogyihin in R.V.P.S OW GAARI KARIN BIG STRICKER 0l.gr0ud kox qibrad laheen hal laacib la yaqan0 j0gin t0psc0re usoqaaday hadane nshlh wu qaadi sanadkan e.p.l tnx

  20. Nuurb10 Reply

    06-February-2013 at 4:18 pm

    Viva oliver giroud and Theo walcott iyaga ayakasareya van persie

  21. barre kd+giroud Reply

    06-February-2013 at 4:13 pm

    waarunta giroud adiga ayaakawanagsan wayo qaabciyaareed kaaga ayaba naqanciyay wanhubaa oowaanhayaa wadkaficantahay waanala arkidona v perqe mel hageyo man united arsenaaaaaaaal girouuuuuuuuuuu

  22. c.qaadir Galeer Reply

    06-February-2013 at 3:52 pm

    calaa calka iga day doqon yahow rvp kooxaha waa weyn ayoo kawada dhaliyay lkn adiga ilaa iyo hada koox weyn goal kama dhalinin Torres latartan kas ayaa isku fac tihin Viva Tom Cleverley And Danny Welbeck

  23. AAR Reply

    06-February-2013 at 3:47 pm

    viva.olivier giroud waxan rajeynaya in sanadkan u gaaro 25 goals

  24. RED REVILLS Reply

    06-February-2013 at 3:43 pm

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    viva r..v..p…

  25. jarar bulaale Reply

    06-February-2013 at 3:41 pm

    rvp waa holands lkn giroud waa france labada qarana ka kubada yaqaana caalamkaa yaqaana olivier is the player viva GUNNERS FOR EVER

  26. Qabiir sare ibraahim Reply

    06-February-2013 at 3:32 pm

    Haye reer arsinal runta maad sheegtaan rvp waa xidga egalnd yaa ku heesta gacabso van gool mana soo kaarayo inta ka dhiman nolashiisa k kkkk

  27. welshere Reply

    06-February-2013 at 3:24 pm

    viva olive jack mechael oxide theo lukas aoron pacri szen gibbs senti and qabiiradab gunners oo kala ah tomas risicky arshivin diabby matasercher captain vermalean and oil young stars arsinal tababaraha calam arsene wenger

  28. welshere Reply

    06-February-2013 at 3:19 pm

    waa runta oliver groud van parsie adaa inooga fcn hada wuu duqoobay van muxuu arsinal ku si kordhina

  29. C.nasir Reply

    06-February-2013 at 3:19 pm

    Wa sax wana ku farax sanahay tas lkn intas ka badan ba laga sugaya sxb

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>