Steven Gerrard: Liverpool Weli Waa Ay U Tartami Kartaa Booska Champioms League Xilli Ciyaareedkan. | Laacib.net
Home » Champions League » Steven Gerrard: Liverpool Weli Waa Ay U Tartami Kartaa Booska Champioms League Xilli Ciyaareedkan.

Steven Gerrard: Liverpool Weli Waa Ay U Tartami Kartaa Booska Champioms League Xilli Ciyaareedkan.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 4-02-13 4:33 PM

252191hp2

Kabtanka Liverpool Steven Gerrard ayaa shaaca ka qaaday in kooxdiisa ay weli u soo bixi karto Champions League xilli ciyaareedkan.

Kooxda Merseyside ayaa barbaro 2-2 ah ku dhameysatay labo kulan oo adag oo ay marti u ahaayeen Arsenal iyo Manchester City isbuucii u danbeeyay.

Iyadoo Reds aysan wajaheynin ciyaar marti ay u noqonayaan 10ka kooxood ee ugu sareeya horyaalka 13ka kulan ee haray, 32 jirkaan ayaa aaminsan inay sarre u kori karaan miiska kala sareynta horyaalka.

“Waxaan ka qaadan karnaa is aaminaad badan qaabkii aan u ciyaarnay kulamadii Arsenal iyo Manchester City” ayuu u sheegay suxufiyiinta.

“City waa koox fiican, inaad marti u noqoto kooxda horyaalka heysata islamarkaana aad dhibic ka soo hesho waa natiijo fiican, laakiin ka dib sida aan u ciyaarnay, waan ka xunahay inaanan guusha helin.

“Waxaan u baahanahay inaan halkaan ka sii ambaqaadno, waxaan dareemayaa kalsooni aan ku awoodno inaan kor u sii socono.

“Ma aanan helin natiijooyinkii aan u baahneyn inaan ka qaadano kooxaha sarsarre, laakiin waqti walba ciyaartooda ayaan la ciyaareynay, hadiiba aanan qalqal gelinin.

“Ixtiraam darro uma muujinayo kooxaha inagu soo aadan laakiin hadii aan sidaan u sii ciyaarno, waxaan hubnaa inaan u tartami doono booska afaraad.

“Hadii aan sidaan u sii ciyaaro waxaan heli doonaa dhibco badan haatan ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka.

“Kooxda haatan waxa ay u muuqataa mid xoog badan. Ka hor suuqa kala iibsiga afka hore ayaan ka liidanay, madaama Luis Suarez uu qabanayay labo shaqo.

“Laakiin haatan Daniel Sturridge ayaa yimid waxaana uu nasiinayaa fursado badan oo afka hore ah. Daniel ilaa iyo haatan shaqo fiican ayuu inoo qabtay.

“Kooxo badan ma booqdaan Manchester City islamarkaana gabi ahaanba ciyaarta kalama wareegaan sida aan sameynay oo kale. Waa wax laga xumaado inaan guusha heli weyno.”

34 Responses to Steven Gerrard: Liverpool Weli Waa Ay U Tartami Kartaa Booska Champioms League Xilli Ciyaareedkan.

  1. Fitaaxlfc4life Reply

    07-February-2013 at 8:46 pm

    Philipp Coutinho halku ka baxay hadii aad youtube ka fiirsato waa cajiib cayaaartiisa sida oo u burbursday danial alves aaan layaabay kkkkkkk doooor dheh hala arko maraxa

  2. Fitaaxlfc4life Reply

    07-February-2013 at 8:43 pm

    Haaaaaaa kulamada waa 13 match 10 home 3 away hadii aad fiiriso waxaa ugu xoogan tottinham waaa home chelsea waaa home rajo wey hesataa liverpool lkn nasiibka aan wada aragno asxapta viva loverpool our heart team

  3. Gerrad vs luiz zuarez Reply

    07-February-2013 at 8:43 am

    Wan hoba rteven gerrad in ugul gaynayo goxdisa

  4. C.takow.7 from liver bool Reply

    06-February-2013 at 1:04 pm

    Hhh h livabool hade so bax do koxo badan aya ber ta gala yo o ka mid ah italy iyo isbayn iyo germany wa riyal madrid iyo ac miln iyo bayer munj iyo man unetd iyo man cty ok hes aye ji ran stvn gerrad viva you can see me obien you ays liver bool kor en ta kale hos hos hos liver bool kor stvn gerrad kor viva
    livabool1
    man unetd2
    man cty3
    totanham4
    by by asx ta tager to liver bool viva kuli gin ba

  5. Steven Gerrad and luis suares Reply

    05-February-2013 at 12:22 pm

    Liverpool wey imaani kartaa kalinta 3xaad if god wish

  6. daahir Reply

    04-February-2013 at 10:48 pm

    Aniga waxaan dhihi karaa hubaalna ah in cabtan isteveb crad. U yahay lacib umuuqo inuu geyn dono koxdisa kalinta 2 if allah says

  7. abdallah izi Reply

    04-February-2013 at 8:42 pm

    ASC AQYARTA WAD SALMANTAHIIN
    LIVERBOL HASOO GASHEE CHANBIONKA
    YEE KALA BIXI DONTAA BOOSA NINKASTA WAXOO
    RABO AYUU SHEEGAY MEESHA KOOXO AWOOD LEH AYA
    HAASTA BOOSASKA ANIGA KOLEE WAXAN TAGERA WA CHELSEA

  8. mubaarig Reply

    04-February-2013 at 8:35 pm

    liverpool way u soo bixi doontaa championka inshalaa

  9. N.shein Reply

    04-February-2013 at 7:30 pm

    Asxbta all wad salamantihen gaar ahan inta ila tagerto rdeska captina g.rrd waxa laga raba ino sogaraaco 3 naadi o iskuxigto hadey garacan waxa run ah iney u sobaxayan 4 sida west.borm anda swans city anda wigan hadey 9 dhibic kakenan inta kale waa xaaqena viva lvrpol

  10. Hussein kadar Reply

    04-February-2013 at 7:00 pm

    liverpool waxay ka qayb galidoonta chanpion league haddii ilahay yirahdo

  11. Abdifatah villa Reply

    04-February-2013 at 6:53 pm

    Yes captain Gerrard hadan dadalno wa uso bixi doona champion league VIVA LIVERPOOL salan sare dhaman REDS fans specially taageraha weyn ee xudeyfa syl iyo xusni

  12. sumaya Reply

    04-February-2013 at 6:42 pm

    Manc1
    Manu2
    Liverpool3
    Tottenham4
    Sidaas noqon doonta hadii alle naf nagu gaarsiiyo

  13. Fabregas Reply

    04-February-2013 at 6:21 pm

    Intu livarpool hamigoda yahay boska 4uma so baxeso wana horyalka u tartanta hada rapto champion ina timado viva arsenal

  14. M.deeq Reply

    04-February-2013 at 5:44 pm

    1.city
    2.fa unated
    3.chelsea
    4.liverpool you will never walk alone

  15. hajinour Reply

    04-February-2013 at 5:39 pm

    Ha wa sidas kabtan wan wada amin san nahay sidan shalay u ciyarnay hadan u ciyarno xita kalin 3 wan iman kara iyo ka badan wa wax an ad ugu farax nay

  16. Xusni Reply

    04-February-2013 at 5:35 pm

    Asc kooxahana soo baxaya sanadka 1.mancity 2.man u 3.liverpool 4.tottenham kooxaha champion rajada kaleh waxaa ugu rajo xun chelsea oo bilaa macalina iyo arsenal oo gool dhaliye haysan iskuna dhex yacsan

  17. Garrerd Reply

    04-February-2013 at 5:29 pm

    Liverpool will be come to no 4

  18. xudeyfa syl Reply

    04-February-2013 at 5:24 pm

    Midka ay ugu qoranthy hi liverpool msana dhahya liverpool uma so baxeyso champion war magca ino dhaaf wax aad liverpool ka taqano malahan waa runts hadaan dadaalno cptan gerrard wan uso bixi krnaa insha allah wan imaneyna viva reds and best palyer england gerrard

  19. mustafa Reply

    04-February-2013 at 5:15 pm

    sxbyaal mar ho raa loosobaxay champioms league ee haisdaalina
    1man utd
    2 man city
    3 chelsea
    4 Tottenham cayn kaas wehe

  20. Nuurb10 Reply

    04-February-2013 at 5:10 pm

    Sanadkan waxa kahosa liverpool chalsea sababto ahne champones kane wakahartay kukalene uma’arko iney usobixi donto madama ay laacibin sare kajiran qaramada africa ardibayor to totanham gervinho to arsenal ciriri ayey kunoqone solabashadanu koxda chalsea fikir ahanteda

  21. hi liverpool Reply

    04-February-2013 at 5:09 pm

    koo xa ha kaqayb galaaya champioms league waa kuwaan
    1 man utd
    2 man city
    3 chelsea
    4 Tottenham

  22. Nuurb10 Reply

    04-February-2013 at 5:05 pm

    Aniga waxan u cabsi qabaa koxda chalsea sanadkan champons warega kowad ay ku hartay hadane qal qiil wen ayey ugu jirtaa boska logusobaxo madama ay maqanyihiin mekel and mosis xalada maqurux badna viva oxld chamberlain

  23. sumayo Reply

    04-February-2013 at 5:04 pm

    asxaabta waxba haisdaalina uma soobaxaysaan chapioms league
    team manka usoobaxy waa kuwaan baraa loosobaxay
    1 man utd
    2 man city
    3chelsea
    4 Tottenham

  24. Abdikadirheroboyz Reply

    04-February-2013 at 5:01 pm

    Insha.allah liverpool waygali doontaa poska 3

    • Abdikadirheroboyz Reply

      04-February-2013 at 5:06 pm

      Hada fiirino aRSenal 3. Dibcood waxa karaybayo man.united liverpool na intaas wayguulaysane

  25. Luis Suarez Reply

    04-February-2013 at 5:00 pm

    Best player of England Captan Gerrard waa runtis UCL sanadkan wa diyar wana so qadena insha allaah come liv’pol Steven G Suarez Sturridge Sterling Sosu

  26. Xusni Reply

    04-February-2013 at 5:00 pm

    Asc waa runtii kabtanku sanadkana champion waanu usoo baxay naa waxana noo dhiman kooxo yaryar halka saddexda kooxood ee nala tartamayaa ay kulamo adag sugayaan waxaana iskacad in kulamo badan latumayo waxan jeclahay in reds ay soo baxday ayadaa taqaana si champion loo qaado ma fiicna inay soo baxan kooxo aan horyaalka yurub wax ka keenayn

  27. man utd Reply

    04-February-2013 at 4:56 pm

    haa way usobixikaraan hadaysidii shalay ookaleuciyaaraan inta kadhiman horyaalka

  28. sihaam Barcelona Reply

    04-February-2013 at 4:53 pm

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  29. sihaam Barcelona Reply

    04-February-2013 at 4:53 pm

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk dadna cub bay ku tartamayaan dadna waxay waayen usoobixitaan ka champiom league

  30. أفضل لاعب في العالم ليونل ميسي Reply

    04-February-2013 at 4:41 pm

    Viva liver championka waan gali doona sanadkan insha allah

    • Abdikadirheroboyz Reply

      04-February-2013 at 5:12 pm

      Wa runtiss captain gee and liverpool success possition 3 and next champion

  31. S.kayfka Reply

    04-February-2013 at 4:39 pm

    Captain Gerard waa run xalay gusha wad uqalantay leverpool

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>