Tartan Kubada Cagta Oo Loogu Magac Daray Koobka Nabada Oo Ka Bilowday Magaalada Jowhar | Laacib.net
Home » Africa » Tartan Kubada Cagta Oo Loogu Magac Daray Koobka Nabada Oo Ka Bilowday Magaalada Jowhar

Tartan Kubada Cagta Oo Loogu Magac Daray Koobka Nabada Oo Ka Bilowday Magaalada Jowhar

Waxaa Qoray: Abdi Aziz Golf
Twitter: Taariikh: 2-02-13 4:18 PM

Capture

Tartan Kubada cagta ah oo loogu magac daray Koobka Nabada oo ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadaha reer Jowhar ee ku dhaqan UK iyo Sweden ayaa ka furmay magaalada Jowhar ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Koobkan oo ay ka qeyb galayaan 17-kooxood oo ah kooxaha ka dhisan Jowhar ayaa waxaa shalay oo jimco aheyd lagu daah furay kooxaha Baal-guri iyo Somali Arts.

Tartanka ayaa waxaa furitaankiisa ka qeyb galay Ku simaha Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe ahna Gudoomiye kuxigeenka Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle), Gudoomiyaha degmada Jowhar Maxamed Amiin Caqiil, Gudoomiyaha Olimbikada Gobolka Shabellaha Dhexe Maxamed Khalaf Aadan Shongole, Gudoomiyaha Olimbikada Gobolka Banaadir Abuukar Hiraabe Bakar iyo kuxigeenkiisa Axmed Maxamuud Diiriye iyo mas’uuliyiin kale.

Ciyaartii xiisaha laheyd oo shalay ka dhacday Garoonka Xaafada Horseed ayaa waxay ku soo dhamaatay bar bar dhac gool iyo gool, iyadoo labada kooxood ay soo bandhigaan ciyaar wanaag ku dhisneyd asluub.

Kooxaha ka qeyb galaya tartankan ayaa loo qeybiyay min afar group, iyadoo laga sugayo inay ka soo baxaan sideed kooxood si ay isku reeb reebaan, dabadeedna isugu soo haraan labo kooxood ciyaarta Final-ka ah.

Waxaa uu u muuqdaa tartankan mid lagu soo nooleynayo Isboortigii Gobolka Shabellaha Dhexe oo uu caanka ku ahaa, isla markaana bilow wanaagsan u noqoneyso is dhex galka bulshada iyo dhalinyarada ku dhaqan magaalada Jowhar.

Tartankan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee ka bilowday magaalada Jowhar tan iyo markii bishii December ee sanadkii hore laga saaray Al-Shabaab, waxaana jiray tartamo ceynkan oo kale ah oo intii Shabaabka maamulayeen magaalada lagu qabtay, kaasoo ahaa kii u horeeyay noociisa oo magaalo ay maamulaan Al-Shabaab lagu qabto Tartan Isboorti.

Abdi Aziz Golf

Follow Me:
TwitterFacebook

11 Responses to Tartan Kubada Cagta Oo Loogu Magac Daray Koobka Nabada Oo Ka Bilowday Magaalada Jowhar

  1. sadaq Reply

    26-April-2013 at 11:16 pm

    aad ayaa ugu farax sanahay maadaamo oo dhalin yarada eey ubaahan yihiin is dhex galaa bul shada

  2. ahmed abdi Reply

    20-March-2013 at 4:00 pm

    asc akhyarta halkan ku kulmay waxan umahad celinayaa shabakada lacib oo dor muhima kaqaadata dhacdoyinka kubada cagta e wadankena hoyo

    Taskadib waxan ad ugu farax sanahay dhalinta somaliyed inay ilawan qalalasaha o ay isku hawwlan inay soceshan sumucada wadankena

  3. Cptain rainbow Reply

    03-February-2013 at 11:33 pm

    Masha alah aad ayan ugu faraxsanahay jowhar in lagu qabto super leagu inkasto aan ka maqanahay wadanka o idil waxan jclahay markale inan kuso labto koobkan elman aya leh insha alah cidi qadana wan u hambalyay naya

  4. Ma'alow Reply

    03-February-2013 at 6:55 am

    Wow waa muwaadin rer jowhar waliba ah taageeri sahan exprees and teamka facaweyn ee kulmis

  5. Isxaaq abdi hassan Reply

    03-February-2013 at 3:55 am

    Waxan u mahadcelinayaa dadki isku howlay inay so noleyan sportigi adka u wacnaa ee uu ku canka ahaa goblka insh allah kobkani waxa leh somali arts by carab chicharito&carab&mohamed hassan

  6. mohamed aadan galeey Reply

    03-February-2013 at 1:08 am

    waw waan ku faraxsanahay in uu furmo tartankaan oo kale waxaana sanadkaan qaadaayo teamka faca weyn elman fc waayo elman waa team ugu weyn gobalka waxa hadalka soo qoraayo waa mr rambow wareerka elman ex lakin waxaan taageera u ahay cid walbo oo ku guuleesato koobkaan guul wacan

  7. dr maahir hassan Reply

    02-February-2013 at 10:30 pm

    waa taageera daacad u ah kooxda fac weyn ee ka dhisan degmada jowhar laguna magaaba kulmis kana tirsan teamka una qaata numbarka 3aad wxn leeyahay jaaliyada reer jowhar ee ku kala sugan dibada iney ku daydaan jaaliyadaha ku kala sugan uk and sweden

  8. dr maahir hassan Reply

    02-February-2013 at 10:27 pm

    asc all jaalidaha kaso jeeda gobalka shabeellaha dhexe meel kasta ay ku sugan yhn wxn lee yahay waxa thn iftiinkii gobolka dadaalkiina kasii wada meesha marka xigtana waxa isku deydan inaa isku keentaan inta degmo uu ka kooban yahay gobolka oo loo qabta koob si uu ugu hormara gobolka dhanka sportska thanks all reer uk and sweden

  9. sono sicuro nero Reply

    02-February-2013 at 8:46 pm

    hor marka wa is dhex galka sporiga jowhar caanka ku yahay in dib lo so noleya wa arin ay ku farxayan walaha reer jowhar meel walba ay joogan kuwa dibada iyo kuwa jooga ,,,, fc elman jowhar waxan ugu rajayna horyalka si sahlan in ay ku qadaaan con coure viva fc elman jowhar

  10. mucashiq Reply

    02-February-2013 at 4:37 pm

    mashallah waa wax lagu farxo in lasoo celiyo is dhaxgalkii bulshada gaar ahaan dhalin yarada lkn aad baan uga xumahay kooxa ay soo xirtaan funaanad wadan kali laga leeyahay

  11. Ibrahim sangaab Reply

    02-February-2013 at 4:32 pm

    Waxaan umahad cilinayaa allaah dhamaan dhalinyarada rer jowhar iyo jaliyada rer jowharWaxaan ku faraxsanahay koobkan sidi habsimida usoo qaban qaabiyeen waxaan ka codsanaa jaliyada inay soo nooleyan koobkii degmooyinka shabelaha dhex oo laban jiray ee totobada degmo ee ka koobanyahay gobolka mahadsanidiin

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>