Xidiga Valencia Sergio Canales Oo Balan Ku Qaaday In Barcelona Ay Is Hortaagayaan Kulanka Arbcada. | Laacib.net
Home » Horyaalada » Spain » Xidiga Valencia Sergio Canales Oo Balan Ku Qaaday In Barcelona Ay Is Hortaagayaan Kulanka Arbcada.

Xidiga Valencia Sergio Canales Oo Balan Ku Qaaday In Barcelona Ay Is Hortaagayaan Kulanka Arbcada.

Waxaa Qoray: Osman Fantastik
Twitter: Taariikh: 1-02-13 11:53 AM

sergio-canales-valencia-llegamos-mente-fresca-partido-mallorca_1_917354Kooxda Barcelona ayaa waxaa sugaya kulan adag  malainta arbacada oo ay garoonkooda banaankiisa kula balansan yihiin kooxda Valencia ciyaar qeyb ka ah wareega 22-aad ee horyaalka Spain halka Real Madrid ay marti  u noqoneyso  Granada maalinta sabtida .

Real Madrid iyo Barcelona ayaa todobaadkaan dhaamanaya kulan adag wada yeeshay kaas oo qeyb ka ahaa koobka Cope Del Rey iyadoo kulankas uu ku dhamaaday bar bar dhac waxaana haatan sugaya labada koox  kulamo u kala muuqda mid  adag iyo mid fudud marka la eego kooxaha ay la ciyaarayaan.

Xidiga kooxda Valencia Sergio Canales ayaa ku adkeysanaya in uu is daajin doono weerarada Barcelona kooxdiisana ay ka go`an tahay in kulankaas badiyaan.

Barcelona oo haatan ka sareeysa 11 dhibic kooxda ku xigta ee Atletico Madrid 15-dhibicna ka fog Real Madrid oo kaalinta sedexaad ku jirta ayay doonayaan in ay xaqiijistaan in ay si fog uga sii fogaato Real iyadoo kooxda Valencia ay badiyeen afar ka mid ah shantii kulan ee ugu dambeysay .

Kooxda Atletico Madrid ayaa halis  ugu jirta in booskooda labaad waayaan maadaama Real  afar dhibic kaliya  ka sareeyaan iyadoo kulankii ugu dambeeyay ay guul darro kala kulmeen kooxda Athletic Bilbao waxaana looga badiyay sedex gool iyo eber xilli gool dhaliyahooda Falcoa uu dhaawac kaga maqan yahay kooxdaas .

Sii hayaha xilka tababaraha Barcelona ayaa lagu wadaa in kulankaas uu ku soo bilaabo weeraryahankiisa David Villa maadaama Alexis Sanchez uu xaalkiisa wanaagsaneyn xilayadaan dambe .

 

Osman Fantastik

Follow Me:
Facebook

11 Responses to Xidiga Valencia Sergio Canales Oo Balan Ku Qaaday In Barcelona Ay Is Hortaagayaan Kulanka Arbcada.

  1. Mahamed awale Reply

    02-February-2013 at 10:27 am

    Sxb waaxani waxaa layidhaahdaa barca waliba habeenkii dhawayd real in yar ayuu naga fakadayee dee horta cashirkaan udhigno waa laga sheekayn lahaa ee arbacada bal waxa ku dhaca waa laga sheekayn valencea barca 5:0 valencia wakaasee waxka dhaha meel kastood joogtaan

  2. barca in my heart## Reply

    02-February-2013 at 12:34 am

    maaha arbacada waa AXADA!

    somalidinana waax aya iska qortaan,
    teeda kale Real o ayka talo aa ka badise ma Barca a dhaafeeso, haka yaabin abaaa taas waxay dhacaysa hadi anku ciyaarno 1 nin vs 11 nin

  3. Ali Reply

    01-February-2013 at 7:49 pm

    Waad salaamantihiin. Laacibnet. Laakiin marka aad ka hadlaysaan. Real iyo barca. Waxaad uhadashaan sidii taageero real markaa soow xaaladiinu maaha ri isnuugtay

  4. Gaas Reply

    01-February-2013 at 5:47 pm

    hhhhh af waa kan may laki aamee, war lee wadaa ee halagaa arko, qof sii booteeya waa aqaan xaalkiisa cabsiyaa ka buuxda hadalkaaga kkkkkkkkkkkkkk

  5. Caaqil114 Reply

    01-February-2013 at 5:04 pm

    kkkkkkkk kooxda laga baqo ee barca weey guuleesan doontaa.

  6. LAMIIZ Reply

    01-February-2013 at 4:40 pm

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk la arki doonee

  7. xavi Reply

    01-February-2013 at 2:11 pm

    insha allah barcelona way badin donta vita catalan fans barcelona 5;0valansia

  8. Abdifatah villa Reply

    01-February-2013 at 12:39 pm

    Barca will be the winner

  9. Abdirasaaq maxamuud Reply

    01-February-2013 at 12:28 pm

    Way badin viva brca

  10. Abdullahi yare Reply

    01-February-2013 at 12:23 pm

    Kkkkkkk

  11. Jacfar abdullahi Reply

    01-February-2013 at 12:15 pm

    Insha allah barca wa laga ren dona

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>