Peter Odemwingie Oo Ogolaansho La’aan Uga Soo Tagay West Brom Iyo QPR Oo Albaabka Ka Soo Xiratay. | Laacib.net
Home » Horyaalada » England » Peter Odemwingie Oo Ogolaansho La’aan Uga Soo Tagay West Brom Iyo QPR Oo Albaabka Ka Soo Xiratay.

Peter Odemwingie Oo Ogolaansho La’aan Uga Soo Tagay West Brom Iyo QPR Oo Albaabka Ka Soo Xiratay.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 1-02-13 12:26 AM

225624hp2

Weeraryahanka kooxda West Brom Peter Odemwingie ayaa caawa ku jira xaalad xun isagoo ka soo tagay kooxdiisa islamarkaana lagu arkay caawa xarunta QPR xilli kooxdiisa ay sheegtay inaysan wax ogolaansho ah u siinin inuu la hadlo QPR.

Ciyaaryahanka ayaa si aad ah isagu dayaya inuu qasbado in ay iska iibiso West Brom oo ay ka iibiso kooxda QPR isagoo wareysi ku bixiyay afaafka hore ee Loftus Road una sheegay Sky Sports in tababare Harry Redknapp uu aaminsan yahay isaga islamarkaana uu rajo ka qabo in heshiiska uu dhaco.

West Brom ayaa markaasi ka dib waxa ay soo saartay warbixin ay ku cadeyneyso inaysan u fasaxin ciyaaryahanka inuu la hadlo kooxda QPR.

QPR ayaa iyagana dhankooda goordhow hadlay waxaana ay sheegeen inay u diideen Peter Odemwingie inuu soo galo dhismahooda madaama ay ixtiraamayaan West Brom islamarkaana aysan fasax u heysan inay la xaajoodaan ciyaaryahanka.

Odemwingie ayaana haatan ku sugan galbeedka London, xilli albaabka ay ka soo xiratay kooxdii uu doonayay inuu ku biiro islamarkaana kooxda iska leh milkilayadiisana aysan u fasixin inuu kooxo kale la hadlo.

12 Responses to Peter Odemwingie Oo Ogolaansho La’aan Uga Soo Tagay West Brom Iyo QPR Oo Albaabka Ka Soo Xiratay.

  1. RED REVILLS Reply

    01-February-2013 at 3:46 pm

    aad baan uga xumahay omewingi maxuu la deg degay oo isku bahdillay ??
    sorry bro ………

    manufc

  2. Wakur Reply

    01-February-2013 at 2:51 pm

    Am sorry

  3. hanada Reply

    01-February-2013 at 2:08 pm

    aan wara kaa siyo vila waaa dii day arsinaal

  4. Abdirhman chelsea Reply

    01-February-2013 at 1:17 pm

    Kk waanka xumaha intaad koox london kadhisan kuriyonasay ayaad fududaata dhib maleh oday waad helin

  5. Maxamad cabdule malin Reply

    01-February-2013 at 8:46 am

    Sory odawing cilow lajogi layahay hah all tagerayasha dacad ee liverpool waxan ushegaya inay kooxda lasowaregtay duwaha qbr ehoray ugatirsana man ninka ladhoho fabiyo kufarxa tagerayasha melkasto ay jogan

  6. Xasaan c/laahi Reply

    01-February-2013 at 7:51 am

    Waa dhacdo xanun leh macna malahan meeshuu jecelyahay ayu kadhelidonaa qbr ayuna u dheli donaa odiwenga wa arin u kufududaday sory

  7. Abdifatah villa Reply

    01-February-2013 at 6:23 am

    Sory odemwinge k.k.k.k.k.k.

  8. Heybshe cadde Reply

    01-February-2013 at 6:10 am

    Waa caadi ninka hadduu ciyaaryahan weyn yahay xerradina laga xirtay naadiyaasha kale ee preimeri leauge ga aya soo dhaweyneysa

  9. dhaloos Reply

    01-February-2013 at 12:57 am

    : Arsenal and Barcelona have agreed a £20m deal on David Villa

  10. Naim0 ViVa ArSeNaL Reply

    01-February-2013 at 12:43 am

    Kkkkkkkkkkk maskiiin madax sabuuul

  11. C.raxmanyare Reply

    01-February-2013 at 12:40 am

    Asc dhaman tagerayasha Arsenal warda nagasiya Vila xalkisa aan faraxne hati oo nagatir sanyay k.k.k.

  12. shaakir yare Reply

    01-February-2013 at 12:32 am

    waa qiso aad u xanuun badan lkn waa ciyaar yahaan wayn waxaan rajeenayaa in uu meel wanaagsan ku dhamaado wada hadalada labada kooxod iyo ciyaar yahaankaba

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>