
Weeraryahanka West Brom Peter Odemwingie ayaa difaacay go’aankii uu ugu safray Loftus Road xalayto isagoo raadinayay in maalinta ugu danbeysa suuqa kala iibsiga uu ku biiro QPR.
West Brom ayaa sheegtay in ciyaaryahanka reer Nigeria uu u dhaqmay si ka baxsan sharciga markii uu u safray London isagoo aan ogolaansho ka heysay kooxdiisa, islamarkaana QPR iyo West Brom uusan heshiis dhexmarin.
Si kastaba, 31 jirkaan ayaa sheegtay inuu isfaham ka helay agaasimaha farsamada kooxda Dan Ashworth, kaasoo uu sheegay inuu fasax u siiyay inuu u safro caasimada England, inkastoo uu qirtay in ogolaanshaha uusan aheyn mid qoraal ahaa.
Saacadihii ugu danbeysay ee suuqa markii Odemwingie uu tagay xarunta QPR, soo dhaweyn kama uusan helin kooxda galbeedka London oo u diiday inuu xaruntooda soo galo madaama ay ixtiraamayaan West Brom.
“Ima aysan siinin warqad ogolaansho oo qoran laakiin si afka ah ayaan isku fahanay oo fudud” ayuu Odemwingie u sheegay Sky Sports.
“Subixii waxaan joogay tababarka laakiin markii aan dhameynay waxaan weydiistay inaan bixi karo markaasna alaabteyda ayaan soo uruursaday waxaana bilaabay safar. Waxaan ogolaansho ka helay Ashworth, sidaasi darteed waxaan macsalaameeyay qof walba oo kooxda ah.
“Feker ahaanteyda wax walba waxa ay u dhaceen si saxan. Waa uu beenin karaa inuu fasax i siiyay sababtoo ah waxa uu doonayaa inuu magaciisa wanaajisto xaalada inta ay socoto.
“Waa ogaa inay aheyd safar labo saacadood ah oo aan ku tagay London, inaan halkaas tagana waa ay aheyd madaama 90% aan ku dhawaa laakiin heshiiska ma uusan dhicin. Qoomamada aan qabo ayaa ah inaan gacanta ku heysan ogolaansho qoran ka hor inta aanan aadin London.”
Toxob
03-February-2013 at 1:08 am
Viva arsunale and pldki
Mascuud cabdi
02-February-2013 at 11:32 am
Waa idin salaamay al aqrista yaasha laacib waa taageeraha wayn ee manutd galabta guul ayaan u rajeenayaa 3-1 waxaana kala dhalin rooney van persie hernandes sido kale chelsea ayadane guul daro viva liverpool guul wayn ayaan u rajeenayaa by bye
Cabdi salaad
02-February-2013 at 11:23 am
Asc all aqrista yaasha barnaamijka laacib wa taageraha dahabiga ah ee manutd hadan ka hadlo ciyaaraha kala duwan e dacaayo manutd waxaan u rajenayaa guul wayn naadiga kalena oo dariska ahna man city waa lagu dhaganyahay captain grerard galabta ayadane guul ayaan leeyahay chelsea guul daro bye
Salandiid ina adan
02-February-2013 at 8:05 am
Odiwinge wlcm to arsenal
Steven
02-February-2013 at 6:42 am
Wey kugu daadatey kkk
Yuusuf oscar mata hazard
02-February-2013 at 12:41 am
Waxay samaysay wax xun qpr
abdalla ojlaan
01-February-2013 at 11:17 pm
pole odawingi.
Gaas
01-February-2013 at 11:05 pm
hhhh ma iska tegee adiga koox heshiis kulama jirin miyaa, xitaa hadaa fahmi weysay idinma rabo si cad ugu sheeg, kadibna go’aanso meeshi aad aadi laheed, haddii ay kugu adkeeyaan ayaga goolal ka dhali ama rooso qaado xitaa maalin kasta si ay kuu nacaan, baloteliba wa nacen man city ugu dambentina kooxdii uu rabay ayuu ku biiray hhhhh, afrikaanka ha ceebeen sidi xoolo ha u dhaqmin, afrikaanka waa dad qaali ah see waaye macalinka
Nuurb10
01-February-2013 at 10:18 pm
Goalki ugu dambeye ee magacega aqriya aad kudabaldegtay miyee go.anki kagalabten isaga noqo hadey kanoqden viva gunnres
Abdala karaama-16
01-February-2013 at 8:10 pm
Sxb arinta wad kusaxantahay e qbr a maraxin kugu noqden lkn wax ha uarkin sxb
Gunner
01-February-2013 at 8:07 pm
Kkkkk sxb arsenal iskaga soo biir
farah wardher
01-February-2013 at 8:03 pm
ha u bixin sxb way dhacdaaye