
Xiddiga cusub ee kooxda Inter Mateo Kovacic ayaa qaadan doona numberkii Wesley Sneijder ee No 10 sida ay shaacisay kooxda.
18 jirkaan kubadsameeyaha ah ayaa markii uu Italy yimid waxaa durbaba lala meel dhigay Roberto Baggio, waxaana uu qaadan doonaa maaliyadii uu mar soo xirtay halyeeygaas Italy.
Kovacic ayaa Nerazzurri ku soo biiray bishii Janaayo isagoo 15 milyan euro kaga soo dhaqaaqay kooxda Dinamo Zagreb.
Xiddigan oo dalkiisa Croatia looga yaqaano Modric-ka cusub ayaa Inter u buuxin doona booskii uu ka tagay Sneijder kaasoo ku biiray Galatasaray.
jaangow
01-February-2013 at 11:39 pm
sadaxda ciyaryahan makaladhacan laba bal iyo qaddhexe wa halki an tabaynay viva moratti inter
tayo liverpool
01-February-2013 at 11:24 pm
asc dhamaan muslimiinta iyo umada soomaaliyeed meelkastooy joogaan sxbyaal sanadkani waa sanadkii liverpool iyo captain g general gerrard [g g g ]
Cabdulaahi cadde
01-February-2013 at 11:09 pm
Www waan soo dhaween doonaa ciyariyahanka welcom intar qof walbe