
Suuqa kala iibsiga Italy ayaa si rasmi ah u soo xirmay iyadoo kooxaha AC Milan iyo Inter ay dhameystireen heshiis waa weyn oo ay kula soo wareegeen xiddigo cusub, halka Juventus ay ciyaartoy da’ yar la soo wareegtay qaar kalena iska dirtay.
AC Milan oo maanta xaqiijisay saxiixa Mario Balotelli ayaa sidoo kale waxa ay la soo wareegeen daafaca da’da yar ee kooxda Brescia Bartosz Salamon iyagoo kula soo wareegay lacag aan la shaacin waxaana uu u saxiixay kooxda San Siro ka dhisan heshiis ilaa 2017ka ah.
Dhanka kale Rossoneri ayaa iska iibiso 50% lahaansho dhaqaale ee weeraryahanka da;da yar Alberto Paloschi oo ay ka iibiyeen kooxda Chievo oo haatan uu amaah ahaan ku joogo.
Waxaa intaas ii dheer in kooxda Sansiro ka dhisan inay goolhaye Coppola ka iibisay Torino, 34 jirkaan ayaana xilli ciyaareedkii hore ku qaatay Granata waxaana uu haatan ku laaban doonaa Turin.
Dhanka kale kooxda Inter ayaa xaqiijisay inay dhameystirtay xiddigii kooxda Atalanta Ezequiel Schelotto iyagoo kula soo wareegay lacag aan la cayimin.
Kooxda Giuseppe Meazza ka dhisan ayaa dooneysay inay dhiig cusub ku soo daraan bishaan Janaayo koxodooda waxaana ay haatan la wareegeen 23 jirkaan, iyagoo sidoo kale kooxda Dinamo Zagreb xalayto kala soo wareegay ciyaaryahanka loo yaqaano Luka Modric-ka cusub Kovacic.
Kooxda Inter ayaa sidoo kale MacDonald Mariga u sii ogolaatay inuu sii joogo kooxda Parma.
Dhanka kale kooxda Palermo ayaa iyagana maanta adeegtay iyadoo kala soo wareegay kooxda Udinese xiddiga mustaqbalka leh ee Italy Diego Fabbrini, waxa ay sidoo kale amaah ku soo qaatay ciyaaryahanka QPR Alejandro Faurlin halka ay Argentina ka keeneen Mauricio Sperduti.
Ciyaaryahankii khadka dhexe ee PSG Momo Sissoko ayaa isna heshiis amaah ah oo ay ku jirto qorshe si joogta ah loogu iibsan karo ugu biiray kooxda Fiorentina isagoo ku soo laabtay Serie A ka dib markii uu u soo ciyaaray Juventus.
Napoli ayaa iyadana ku guuleysatay inay amaah kaga soo qaadato kooxda FC Porto ciyaaryahan Rolando.
Ciyaartoyda Ay La Soo Wareegeen Maanta Kooxaha Italy:
Ziegler (Juventus to Fenerbahce, amaah)
Rolando (FC Porto to Napoli, amaah)
Ezequiel Schelotto (Atalanta to Inter Milan)
Bartosz Salamon (Brescia to AC Milan)
Mommo Sissoko (PSG to Fiorentina, amaah)
Fillipo Boniperti (Juventus to Parma, lama shaacin lacagta)
Galinetta Alberto (Parma to Juventus, lama shaacin lacagta)
Marcel Buchel (Siena to Juventus, lama shaacin lacagta)
Andrea Schiavone (Juventus to Siena, lama shaacin lacagta)
Bruno Pereirinha (Sporting CP to Lazio, lacagta lama shaacin)
Diego Fabbrini (Udinese to Palermo, lacagta lama shaacin)
Alejandro Faurlin (QPR to Palermo, amaah)
Mauricio Sperduti (Newell’s Old Boy’s to Palermo, lacagta lama shaacin)
Mario Balotelli (Manchester City to AC Milan, £20m)
MacDonald Mariga (Inter to Parma, Amaah)
kiin faraax
01-February-2013 at 10:11 pm
schelotto iyo luka modric ka cusub ee magaciisa layidha kovacic waxan leeyahay kuso dhawaada nerazzuure inter milan wel come
Cabdicasiisyare
01-February-2013 at 9:37 pm
Juva ha ogaato inter wey soo laabatay horyaal iska iloowa milan juva lazio naapuli iyo roma
Daadir
01-February-2013 at 4:52 pm
Reera milan Hadii aad u maleesaan in baloteli uu faa’iido u keeni doono ama horumar kusoo kordhin doono milan hadaba taasi waa fikrad qaldan mideeda kale juve horyaalka hadiiba laga celin karo kooxda ugu koobabka badan italy ma noqoteen weliba ayadoo laga qaaday 2koob waxaa idiin leeyahay juve 100sano oo isku xigta ayadaa qaadan doonto cidna kama celin karto xita hadaad keentaan ronaldo xavi r.v.pirse puyol iyo ramos waayo waxaa heysanaa quality players wajihi karana team kasta sida pirlo bufon vidal marchiso asomoah giovinco iyo cheileni viva juve ever naga dambeeya waayo del piero dib ayuu usoo laaban donnaa
Salandiid ina adan
01-February-2013 at 4:30 pm
Supper Mario wa nin lacib ah o ciyaraha italy aad uyaqano
Cali milano v cali...shacraawi
01-February-2013 at 12:14 pm
waaa a a a a a a a a a a aaaw
waanii salaamay reer laacib iyo taageerayasha dahabiga ah ee reer milano ee aad iyo aad aan u jeclahay halkaan waxaan niiga dirayaa hambal milan hada ayaa larabaa kooxdii kula tartamilaheed serie A sida reer inter juventos rome waxaas oo dhan waxaan karabnaa xifaaltankii hore oo kale
k k k k k k k k k k k k k k k k k k
AC milan
01-February-2013 at 7:49 am
Kacabsada milan kkkkkk adinkaa yaabidoona reer juve iyo cayayaanka dhan ee naga horeeyo VIVA ballotteli nd milan. F O R Z A Milan
Maga ceygu wa fitax bato xafadu wa ged jaceyl
01-February-2013 at 6:30 am
Waw mario balotel wa nin muhim ah wlh acmilan hormar buxa ayey gari donta gul mila hambal tagera yasha milan by
nuurmilano
01-February-2013 at 1:10 am
maaanta suuqa dhanka italy ayuka shidnaa wlc bk milano sedaxda libaax sida diiqa ugujaran balotelly new weha el sharaawi new shevshanko niam new ibra fofsa milano
Mohamed yuusuf ng shabiix
01-February-2013 at 12:53 am
Milan wa naadi weyn oo can ah wana nadi laga aqonsn yahay caalamka
Mj
31-January-2013 at 11:54 pm
dhaman tagerayasha milan hanbalyo koxda milan o ay tageran dad wayo aragnimo u leh kubada cagta waxan leyahay milan wa jogta weli hadi ay hada mesha ay jogto xata dib uga dhacdo tarikhdeda aya ina ku filan hadan welcom bolteli and zakardo
Maxamed amiin yare
31-January-2013 at 11:21 pm
Waaw waa kala wareeg wanagsan waa liis hubeyay meshan
Mohamed bashiir suge
31-January-2013 at 11:20 pm
Kakakakakakaka mario
Anas jimmy
31-January-2013 at 10:02 pm
Baloteli wax ayuu qaban karaa ac milan waa stricker buuxa xdga madow