Didier Drogba Oo U Digay Kooxaha Champions League Ka Dib Markii Uu Ku Biiray Galatasaray. | Laacib.net
Home » Africa » Didier Drogba Oo U Digay Kooxaha Champions League Ka Dib Markii Uu Ku Biiray Galatasaray.

Didier Drogba Oo U Digay Kooxaha Champions League Ka Dib Markii Uu Ku Biiray Galatasaray.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 29-01-13 11:53 AM

144818260

Didier Drogba ayaa isha ku hayo guulo kale oo uu ka gaaro Champions League ka dib markii uu ku biiray kooxda Turkiga ee Galatasaray.

Ciyaaryahankii hore ee Chelsea ayaa heshiis 18 bilood ah ugu biiray kooxda ka dhisan Istanbul isagoo ka soo tagay kooxda reer China Shanghai Shenhua.

Drogba ayaa ahaa ciyaaryahankii ku hogaamiyay xilli ciyaareedkii hore Chelsea koobka Champions League isagoo dhaliyay rigooradii guusha ee ay koobka kaga qaadeen kooxda Bayern Munich.

Waxaana uu sharaxay sababaha ka danbeysay go’aankiisa uu ugu biiray Galatasaray, isagoo sheegay inuu mar kale doonayo inuu ka dhex muuqdo Champions League.

Drogba oo hadalkaan soo marsiiyay wakiiladiisa oo ku baahiyay Twitter ayaa yiri:

“Fursada aan ugu ciyaaro koox weyn waxa ay aheyd mid aanan diidi karin.

“Waxaan indhaha ku hayaa inaan mar kale ka ciyaaro Champions League, oo aan ka horimaado kooxaha ugu fiican Yurub.”

Didier oo haatan la maqan xulkiisa Ivory Coast oo ka qeybgalaya koobka Qaramada Afrika ayaa asxaabtiisa cusub ee Galatasaray ku biiri doona marka uu dhamaado koobka Qaramada Afrika.

22 Responses to Didier Drogba Oo U Digay Kooxaha Champions League Ka Dib Markii Uu Ku Biiray Galatasaray.

  1. Oscar Reply

    01-February-2013 at 7:26 pm

    Ani hadi aan ka hadlo laacipkaan didier drogbo runti wa laacib aysan chelsea iloowi doonin iyo dhamaan tegeerayaasha inta team kaso baxa ingarishka waayo drogbo waa ninki ka adkaaday barcenola iyo munich oo aha labadi kooxod oo man u quusiyay waxad ogtihin inu drogbo munich iyo barca goolasha u ka dhaliyay ay gul ku garen marka waxan dhihi laha wemon man u drogbo ka lexday wa ninki idin aray he tan kale chelsea asaga cubka u qaday e waxbo may qaadin intoda kale bal firi intu team kaso saray sida valiancia napoli bunifica barca waw ya gesi ah oo intas xasuqi kara marka lacibka ka lexda viv drogbo

  2. Hosni lampard Reply

    01-February-2013 at 4:38 pm

    Drogba lagend iga dheh……! Viva blues

  3. Mesout Nasta Reply

    31-January-2013 at 6:17 am

    Drogba wa halyey chelsea

  4. mustafe Reply

    30-January-2013 at 11:01 pm

    waa kooxda aduunka sida lawada qirsan yahay

  5. Lesson Reply

    30-January-2013 at 1:18 am

    Waaaaw d.dier oo kusolabtay cl markale si uu uga oohiyo xidigyada aduunka like messi iyo kuwa kudaba dhinta like ronaldo xavi and a.niasta kkkkkkkkkkkkkkkkk kkkkkkkk
    kkkkkkkkkkkkk viva mata hazard lamp terry and oscor ba and drogba

  6. M jufe Reply

    29-January-2013 at 7:50 pm

    Darokba barka 5 ku xaq

  7. Real madrid Reply

    29-January-2013 at 6:37 pm

    Drogba damiin cagaweyne iga dheh hayeey real damiin cagaweyne ronaldo aa yimid isaga carar koox daada cusub

  8. messi_torres9_10 Reply

    29-January-2013 at 5:52 pm

    waar D.D HADII LA MAQLO MA LAYSKU YAACAYAA WAA YAAB
    VIVA XIDIGIINTA AFRICA LAKE D.DROGBA AND E’TOE ……

  9. 3bal .m.m.m Reply

    29-January-2013 at 4:01 pm

    K.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k. Dorogbo wuxuu yahay wala yaqaanaa inuu goosha kooxooyinka isku dhax tuuro ee hadalkiisa meel kasooqaad malaha

  10. caliyare Reply

    29-January-2013 at 2:57 pm

    kkkk dorgber waxbo kamaqaadayo eff chopions hadadataan lajooga why waxajoga big lake barca lake man utd lake much

  11. chelsea Reply

    29-January-2013 at 1:56 pm

    war hayaay arsenal calaacal baybilaaben

  12. youssef Reply

    29-January-2013 at 1:39 pm

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk waa maxay taagerayaasha arsenal cabaadka kasooyeraya kkkkkkkkkkkk sorry arsenal viiva man utd 4 ever

  13. arsenal Reply

    29-January-2013 at 1:21 pm

    Didier Drogb waaxaan kabaqaayaa inuu nagahoryemaado waa lagacangalay

  14. Mazacar Reply

    29-January-2013 at 1:04 pm

    Didier drogba thanks for 19 may munich

  15. chelsea Tv and barce Tv Reply

    29-January-2013 at 1:00 pm

    DIDIER HERO DROGBA BIRiLIANT PLAYER
    a biga GAME MUNICH a big goal for didier drogba we say THANK U FOR MUNICH

  16. chelsea Tv and barce Tv Reply

    29-January-2013 at 12:59 pm

    DIDIER HERO DROGBA BIRHLIANT PLAYER
    a big GAME MUNICH a big goal for didier drogba we say THANK U FOR MUNICH

  17. chelsea Tv and barce Tv Reply

    29-January-2013 at 12:57 pm

    viva drogba hero of chelsea guul ayan ku rajaynayna hada nahay tagerayasha chelsea waxa tahay nin an la ilaabi donin after 143YEARS oo aad chapmion keentay london

  18. Oscasr Reply

    29-January-2013 at 12:54 pm

    Kkkkkkk drogba again bayern and barcelona sii ooya waayo macalinkii oo hinta nii baray ayaa soo socda

  19. mahamed said Reply

    29-January-2013 at 12:46 pm

    waxan salamaya dhaman dhalin yarada sports ka gobalka mudug gaar ahan nadiga dhagaxley oo guul fican ka gaare ciyaaraha xafadaha gobalka mudug ee galkio waxana xidiga kodhaa u mujiyey ciyaar wanag madma u guulka gusha udhaliyey ciyaar ay afka cida ugu dareen nadiga ay xafiiltaman ee kuweyt team oo ay 3-0′ayku xasuuqeen

  20. mahamed said Reply

    29-January-2013 at 12:37 pm

    waxan anigu tageraa kooxda man city waa koox hada kamida kooxaha ugu waa wey waxana tageradodoa bilaawey markii man utd laga badiyey champion ka ayan go aan sadey inan ka guuro madama ay iska dhicin waydey kooxda barcelana saa waxii kadanbeeyey waxn dacad u ahaa mancity oo ah nadigayga kuwad ee manta waxan ku jirnaa kalinta kowad waxna ku guuleysaney sanadkii hore horyaal ka england hadana wanku raja waynahey guul sidii oo kale ah madma aan wax yar hada ka danbeyno nadiga hoganka naga haya man utd wan basi dona dudabadka soo socda

  21. Khadar nuur fiiq cadeey Reply

    29-January-2013 at 12:36 pm

    Waa runtii waana ciyaar yahayn qaali ah fifi drogab guul ayaan kuu rajaryn

  22. Albiitaro Reply

    29-January-2013 at 12:27 pm

    Waan kufaraxsanaay in uu marlabaad kasoo muuqdo jampionka drogba

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>