Iker Casillas Oo Kulanka Man United Ee Champions League Ku Seegi Doona Jab Ka Soo Gaaray Suulka. | Laacib.net
Home » Champions League » Iker Casillas Oo Kulanka Man United Ee Champions League Ku Seegi Doona Jab Ka Soo Gaaray Suulka.

Iker Casillas Oo Kulanka Man United Ee Champions League Ku Seegi Doona Jab Ka Soo Gaaray Suulka.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 24-01-13 1:37 PM

casillas-valencia-injury490ai

Goolhayaha kooxda Real Madrid Iker Casillas ayaa seegi doona kulamada Champions League ee Manchester United ka dib markii la sheegay inuu maqnaan doono muddo lix ilaa 12 isbuuc ka dib markii jab uu ka soo gaaray gacanta kulankii xalay ee Valencia.

Goolhayaha reer Spain ayaa waxaa gacanta ka haraantiyay saaxiibkiisa Alvaro Arbeloa, iyadoo daafaca uu isku dayayay inuu bixiyo kubad, si la mid ah goolhayaha oo isna doonayay inuu kubada bixiyo.

Waxaana lagu qasbay inuu garoonka dhaawac uga baxo, isagoo bogiisa Facebook soo dhigay sawir gacantiisa oo si xoog leh looga duubay.

Baaritaano la sameeyay saacadihii hore ee maanta, ayaa cadeynaya in ciyaaryahanka uu jab ka soo gaaray suulka iyo wixii ka koreeya.

Ciyaaryahanka ayaana mari doona maanta baaritaano caafimaad kale oo lagu ogaan doono inta uu la egyahay soo kabsashadiisa, iyadoo wararka ay sheegayaan haatan inuu maqnaan doono lix ilaa 12 isbuuc.

Waxaana hadii Kabtan Casillas uu garoomada ka maqnaado ugu yaraan 6 isbuuc ay keeneysa inuu seego lugta hore ee wareega 16ka Champions League ee ay la ciyaarayaan Manchester United 13ka Febraayo.

Waxaa intaas sii dheer, in 31 jirkaan uu sidoo kale shaki weyn ku jiri karo kulanka lugta labaad ee United, halka uu sidoo kale seegi karo kulanka El Clasico ee Barcelona 2da bisha March.

17 Responses to Iker Casillas Oo Kulanka Man United Ee Champions League Ku Seegi Doona Jab Ka Soo Gaaray Suulka.

  1. mire Reply

    31-January-2013 at 11:56 am

    haduu joogo iyo hadii kaleba waa lagasoo baxayaa ee madrid

  2. bashiir shaami-95 Reply

    25-January-2013 at 12:21 pm

    walalayal hadal badan haamo buuxsho ayey somalidu ku mahmahda man united way cadahay inay kaso baxayso weerega 16ka real marnaba ma qabonayso

  3. Khadijo Reply

    25-January-2013 at 1:01 am

    Meeluu mesut ozil benzema ronaldo alonzo dima ria muxu kaqada rvp rooney chacharita ciyalka premier league viva arsenal

  4. janaraal qataato Reply

    24-January-2013 at 7:48 pm

    hadaayaa ayaa waxaas lagu mar marsiyooda adinkaa waxaas laydin dhahaa horta yaaba kalajecel maqnaantiisa iyo joogistiisa mar walba real madrid waa tii harta ee ninki caqligiisa qabaa dhawacaan ahay hadhaho

  5. saalax siciid Reply

    24-January-2013 at 6:24 pm

    kulanka real iyo man united wax uu noqon doona kulaka ugu adag sanadka

  6. ali Reply

    24-January-2013 at 5:09 pm

    war hadoow casillas maqanyahay xataa waa qaraaceynaa man u

  7. RED REVILLS Reply

    24-January-2013 at 4:26 pm

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    hanaga maqnaado muddo .. kkkkkkkkkkkkk

    viva manufc

  8. axmed Reply

    24-January-2013 at 4:17 pm

    C.ronaldo OZIL ALONSO KHADIRA BEBE RAMOS BENSEMA MODRIC ESSIEN INTAY RAGAASI JOGAAN MEELNA DHINAC NA ISKUMA WALI KARTAAN VIVA CHELSE

  9. A.qaadir yare Reply

    24-January-2013 at 3:47 pm

    Real hadii uujoga xitaa wan tumenaa marka ha iska jogo hadhowdi mar marsiyo ayeey kenayan

  10. c.qaadir Galeer Reply

    24-January-2013 at 3:17 pm

    hajogo ama hamaqnado anaka waxan rabna warega sideda inan ugudubno muhimadena ugu weyn waa midas Viva Tom Cleverley And Danny Welbeck

  11. samawade Reply

    24-January-2013 at 3:03 pm

    sadex iska hadlayal bad tihin baalka casise waa lahaya
    hurdadakaca

  12. barcelona/arsenal Reply

    24-January-2013 at 2:53 pm

    Kale jabuhu hamaqnaado.waankufaraxnay.waayo waa goodkeeper ada.markaa Aadan waxaankadhalindoonaa.man.u5:1real.marka latago ool torafalna 3:2real.waykaadhamaatay kadibna.kalasico barca3:1.wayku koobwayday meesha.

  13. horseed Reply

    24-January-2013 at 2:44 pm

    kkkkkkkkkkkkk haduu maqan yahay iyo hadii kale marnaba real iskama celin kartaan koox ree spain ahnaiskama celin kartaan xataa haday tahay heerka labaad waad haraysaan waana qasab viva chalsea

  14. Nuurb10 Reply

    24-January-2013 at 2:12 pm

    Kk.k.k.k.k.k sorry cukashi bro maxey ka galaan van persie iyo rooney meley jogan marcelo and pepe mida kale goal miya lawena waxa joga ronaldo Dimarea özil benzema higuain and khadira Esseyan arpiola callijon

  15. ahmeto Reply

    24-January-2013 at 2:12 pm

    waxa uu fudaydiyay guusha man united

  16. 3bal .m.m.m Reply

    24-January-2013 at 2:08 pm

    K.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k. K.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.

  17. cukaashi Reply

    24-January-2013 at 1:48 pm

    hada rabtaan jose moriho gashat goolka war lama rabee

    v gool iyo roneey ayaa looga shqeeynaa in sha laah

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>