Xulka K/Kolayga Dalkeena Soomaaliya Oo U Gudbay Semi-finalka Zone 5 Ka Dib Markii Ay Garaaceen Burundi. | Laacib.net
Home » Africa » Xulka K/Kolayga Dalkeena Soomaaliya Oo U Gudbay Semi-finalka Zone 5 Ka Dib Markii Ay Garaaceen Burundi.

Xulka K/Kolayga Dalkeena Soomaaliya Oo U Gudbay Semi-finalka Zone 5 Ka Dib Markii Ay Garaaceen Burundi.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 23-01-13 10:27 PM

Capture1

Xulka kubada kolayga Soomaaliya ayaa u gudbay semi-finalka koobka FIBA Afrika Zone 5 ka dib markii ay 98-80 kaga badiyeen xulka Burundi oo ay kuwada jiraan Group B.

Soomaaliya oo Group B ay kula wehliyaan Kenya iyo Burundi ayaa waxa ay garaacday labada xul ee Group-ka kula jira, iyadoo awood u sheegtay shalayto Kenya, islamarkaana maanta garaacay xulka Burundi.

Waxaana Soomaaliya ay ku soo baxday kaalinta koowaad ee Group B waxaana ay semi-finalka la ciyaari doonaan xulka difaacanaya koobkaan Zone 5 ee Rwanda.

Mar kale xulka qarankeena Soomaaliya waxaa ka dhex muuqday Faysal Jamac kaasoo ahaa xiddiga garoonka, waxaan taageerayaashii Soomaaliyeed ee soo xaadiray ay kor iyo hoos u qaad qaadayeen xiddigooda.

Capture

Xulka kubada kolayga Soomaaliya oo lagu tilmaamayo inuu yahay kii ugu adkaa ee dalkeena uu yeesho muddo sannado ah, ayaa finalka Zone 5 waxaa ka xiga kaliya inay ka talaabsadaan Rwanda Jimcaha.

Xulka ku guuleysta koobkaan Fiba Africa Zone 5 waxa uu u soo bixi doonaa koobka qaramada Afrika ee kubada kolayga oo sannadkan lagu qaban doono Ivory Coast.

Semi-finalka kale waxaa ciyaari doona xulka kaalinta labaad uga soo baxay Group B ee Kenya iyo xulka kaalinta koowaad uga soo baxay Group A ee Masar.

 

44 Responses to Xulka K/Kolayga Dalkeena Soomaaliya Oo U Gudbay Semi-finalka Zone 5 Ka Dib Markii Ay Garaaceen Burundi.

  1. Leo Ali Reply

    24-January-2013 at 2:03 pm

    waa wax lagu farxo laba kulan eey cayareen xulkeena qaranka aadbana ugu faraxsanahay waxaan u rajeynyaa guul xulka dalkeena somalia oo hada la dhihi karo dib ayuu u soo laabtay kubada cagtana sidoo kale ayaan leeyahay forza somalia

  2. Khalif warsame Reply

    24-January-2013 at 2:00 pm

    Asc all inta afsomaliga kuhadasha iyo intatagerta oo somalida ah aad ayan ugu faraxsanahay gusha ey garen koxda wadankena kadhisan hadana waxan rijeyna in ey guleystan and always in ey gulestan

  3. Ayaanle Reply

    24-January-2013 at 11:08 am

    Somali all sports guul ayaan idiin rajeeynayaa guuul wacan insha aallah

  4. C/lahi Reply

    24-January-2013 at 10:50 am

    Somaliya Guul insha alah

  5. Seefow Reply

    24-January-2013 at 10:30 am

    Asc all inta ku hoolan hoshan laacib.net noo na hagajisay bar namij xiiso leh oo somalida kan yar iyo kan wayn wax qabadkisa kadib waxa hambalyo udiraya xulka somalida kubada koleyga iyo coachkayna sharafta leh iyo dhaman mawadininta sharafta le somaliyeed ay ku hoolan kubada koleyga guusha ay nagaarsiyen dhaman somaliyee mel wabo jogtaan hambayo waxa alle ka baryeen in allaha uuu garab kalo walahyna somaliyed ay halganka kujiro viva somalia

  6. C/casis haaji Reply

    24-January-2013 at 9:51 am

    Masha allah waa guul lagu farxo kulamada kalane waxan u rajeynaya guuul viv somalia

  7. Abdirahman galkacyo Reply

    24-January-2013 at 9:45 am

    Aad iyo aad ayan ugu faraxsanahay walalkay faysal waxan jcln laha inan sidiisa o kale noqdo

  8. C C D IS ME Reply

    24-January-2013 at 9:40 am

    I am somali citisen tonight i am very very happy realy my live i donot see like this win Faysal and all somali players I hope big win

  9. C_wali Dibood Diini Xoosh Reply

    24-January-2013 at 9:28 am

    masha allah walahi inbadan ayaan cayar tagerayay walina ilmo ma iga iman farxad darted cawana wan ilmeyay lkn waxan joga mel an lagahelayn kanal an kadawado waxan urajayna somalia guuul guuuul guuuuul guuul

  10. cabdikariim Reply

    24-January-2013 at 9:21 am

    Wahwaah somaalia dhankeeda dhawaaq farax le mooye dhiilo kama sugaaye gooool kolayga soomaali and all games of our country

  11. masha allah viva dalkeena soomaliya guuuuuuuuuuuuuuuuuul wcn dhamaan somaalia yarabi dalka iyo dadkaba noohagaaji aamiin

  12. c/raxmaan kaambo Reply

    24-January-2013 at 8:37 am

    mansha allah waanu soo dhawaynayna guusha aygaareen xulka qaranka somaliyeed

  13. Khadijo Reply

    24-January-2013 at 8:22 am

    Hambalyo somaliweyn insha allah kobkan somalia lageyna viva somalia

  14. Camels Reply

    24-January-2013 at 7:58 am

    Wlhi farxad darteed ayaa ilmo iiga timid. ALLAHA guuleyo wiilasha. Koobkaana waan qaadi doonaaa in sha ALLAH. Dhamaan umada somaaliyeed meel walba aad joogtaan usoo duceeya wiilasha in ALLAH kuguuleeyo koobkaan. VIVA. Somaliya. Forza. Camels

  15. Mr shaka Reply

    24-January-2013 at 7:37 am

    Masha allaah aad iyo aad ayan ugu faraxsanahay xulkeena kubada koleyga somalia kidib markii 2guul oo tariiqi eh eey gaareen eyna garaacen keny&burundi taas waxan uga hambalyeyna xirirka kubada kolayga somaliyeed ee dhamaan ciyaartoydii guusha somalia usoo hoysay waxaana rajeynaay inaa koobkan casimada somaliya lakeni doono insha allaah.

  16. Jabra ajaay Reply

    24-January-2013 at 7:28 am

    Wan sidii horay aan ugu shegnay wadamada afrika in aan ku jirno afrika dadka ugu fudud uguna dhadher marka inshaa alah ruwandha hadan ka badino yana cilinkara I L O V E Y E O S O O M A L I Y A

  17. Caaqil114 Reply

    24-January-2013 at 2:15 am

    maashaa allaah hambalyo ayaan leeyahay xulkeena kubadda koleyga guusha labaad ay gareen ilaah baa mahad iska leh marka labaad tabaraha iyo gudiga isku xilsaaray ineey soo xulaan ciyaartooy qibrad leh oo inta badan ka ciyaaraan caalamka waana loo baahan yahay sidaas oo kale in lagu sameeyo kubadda cagta ayaan rajeeynaa oo lasoo xulo ciyaartooy qibrad leh waxna qaban kara, sidan maanta oo kale ee kubadda kolayga hambalyo horay usocda sharaftii umadda soomaaliyeed ayaad huwan tihiinee.. viva somalia for ever..

  18. Qaliif Reply

    24-January-2013 at 2:06 am

    war cawada farxad mel angalo wabalahay maxasameya guul aad ayan uguhanbalyenaya xulka qaraka ee kubada kulayga Cayartoyda iyo Macalimiintooda waxanidinleyahay shacabka soomaliyeed waxey idinkasogayan mesha usareysa inad gaartaan hadii ala idmo insha allah

  19. Rabile~17@nani Reply

    24-January-2013 at 2:01 am

    Hadan raaciyo gudiga kubada cagtana wxn filaya in ay ku daydan gudiga kubada koleyga ayna suubiyan cadaalad iyo tayada ciyaryahanka e an lagu xulan jeeb buurnan iyo jufo ayeynu nahay haday sidas suubiyana kubada cagtana guul ayeynu ka keeni doonaa INSHA ALLAH

  20. Rabile~17@nani Reply

    24-January-2013 at 1:57 am

    Asc wr wb all asxabta sportska iyo lcb.net ba run ahantii hadeynu somali nahnay wan ku faraxsanahay guusha an gaarnay taasna wxa sharafteda leh illahey marka kowad marka xigana gudiga kubada kolayga o suubiyey cadaalad iyo in cayaryahankaste xirfadiisa lagu so xusho taasna waa wax an mar hore fileynay weyna ku mahadsanyhn

  21. Karzai Reply

    24-January-2013 at 1:00 am

    Maasha allaah wey dadaaleen dhalinyarada somaliyed iney koobka qaadaan ayaan u rajeyneynaaa

  22. C/laahi dagane Reply

    24-January-2013 at 12:55 am

    Manta wa maaalin ku weyn somali oo dhan madama aan ku so bawnay kalinta kowad jimcahana gul hadu alle yiraahdo viva kolayga somaliya

  23. xaskul10 Reply

    24-January-2013 at 12:42 am

    maasha alaaah waxaaan soo xasuustey xulkii somaaliya ee kubada koleyga ,shiine, shiikha baarajab, fokis , axmad daahir ,

  24. xaskul10 Reply

    24-January-2013 at 12:35 am

    somaliya hora ha noolaatp

  25. velozo ammaan Reply

    24-January-2013 at 12:26 am

    Forca ………………forca….viva my boys

  26. qalinle Reply

    24-January-2013 at 12:06 am

    Maashaa allah waa guul inoo soo hoyatay koobkaana inaga ayaa iskaleh guul wacan soomaaliwayn.

  27. نورعلي Reply

    23-January-2013 at 11:57 pm

    Feysal viva somali

  28. Masha alah cawa xamasadayda wa kacsan tahay kabtanka ku xegan kubada kolayga {aadan cumar cali dhuxulow o ku magcdher aadan bufow awguriyo gushan aagartay nin weyn kheyra ku rajayna guul wcn}

  29. daauud xusen Reply

    23-January-2013 at 11:27 pm

    Viva somalia waa keynii kobkan

  30. shiine Reply

    23-January-2013 at 11:10 pm

    Masha alah waa guul lagu farxo
    viva somaliweyn

  31. messi.kisumu Reply

    23-January-2013 at 11:04 pm

    guul wacan dhalintena allaha idin garab galo sad u dhan tihin wana ku farax sanahay san u nahay dhalinta somalida mel walbo oo ay jogaan

  32. Nuurb10 Reply

    23-January-2013 at 10:58 pm

    Viva somalia and feysal good boy

  33. C/qaadir Reply

    23-January-2013 at 10:56 pm

    MashaAllah waa wax lagu farxo inshallah xulkena aya qaadaya koobka

  34. baaariyoow Reply

    23-January-2013 at 10:52 pm

    guul ayaanu urajeynayaa masha allah kor allaha kadhigo somali insha allah

  35. xudeyfa syl Reply

    23-January-2013 at 10:51 pm

    Hambalyo cub wan qadeyna insha allah kan guud afrca wan kuso darsaneyna viva xidigehena kubada koleyga viva somalia weyn

  36. Bilaal Reply

    23-January-2013 at 10:50 pm

    Aaamiiin Allahayow wiilasha noodaaa sharafteena kor uqaaaday jimcahane guuul wanaaagsan

  37. Bile xaaji,xaaji Reply

    23-January-2013 at 10:46 pm

    Guul guul wacan somaliya kubada kolayga way ku ficantahay lakin k.gacta ayan ku xumanay gul somaliya

  38. hassan Reply

    23-January-2013 at 10:44 pm

    masha allah wa wax lagu farxo waxan rajeynaya inan qadno koobkan insha allah

  39. kamaal Reply

    23-January-2013 at 10:41 pm

    Sareedo hadey ku warto hadu silac iyo dhib gaaro samaanteed iyo xumaanteed Somaliya Soomali baa leh ,Somaliya ha noolaato Guuuuuuuuul wacan somali and Arsenal

  40. chelsea Reply

    23-January-2013 at 10:37 pm

    GUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUL
    JIMCAHA HA MUJIYAAN DEGENAAN IYO RAACA SHA BADAN IYO AY IL FURNAN DHULKA KHATARTU KAGA IMAN KARTO

    RWANDA 98-SOMALIA 109

  41. deeq Reply

    23-January-2013 at 10:37 pm

    hambalyo ayana lenahay xulka qaranka somaliya

  42. Weyne roney Reply

    23-January-2013 at 10:36 pm

    Somaaliya guul for ever

  43. Xuubey Reply

    23-January-2013 at 10:34 pm

    Masha allh masha allh wa farxad weyn oo dalkena u so hoyatay viva ocean stars

  44. xaamid Reply

    23-January-2013 at 10:34 pm

    manshaa allah guul manta wa ii malin farxaded ilahow wiilashaa noodaa calanka kor u hayo

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>