Tababaraha Netherland Louis van Gaal ayaa waxa uu doortay in uu ka reebo 23-ka ciyaaryahan ee ka qeybgalaya kulanka saaxibtinimo ee Italy qaar kamid ah ciyaaryahanada caanka ka ah dunida.
Ciyaaryahanada uu ka reebay tababaraha kulanka Amsterdam ayaa waxaa ka mid ah Maartan Stekelenburg, Wesley Sneijder, Rafael van der Vaart iyo Arjen Robbem.
Stekelenburg ayaa iska waayay safka hore ee kooxda Rome xilli ciyaareedkan halka Sneijder uu dhowaan u wareegay Galatasaray kadib markii uu kooxda Serie Ada uu ka tegey.
Van der Vaart iyo Robben ayaa dhinaca kale waxa ay ka soo kabteen dhowaan dhaawacyo inkastoo ay kooxahooda toddobaadkan u ciyaareen.
Xulka Netherland ayaa waxaa laga xusi karaa ciyaaryahanada ku soo biiray ciyaaryahanka qadka dhexe ee Swansea Jonathan de Guzman iyo daafaca dambe ee Ajax Daley Blind, halka sidoo kale loogu yeeray xulka ciyaaryahanada Ola John iyo Ricky van Wolfswinkel.
Sidoo kale waxaa xulka ka mid ah dhalinyarada Adam Maher iyo Marco van Ginkel.
Kulanka saaxibtinimo ee Italy iyo Netherland ayaa waxaa uu ka dhici doonaa garoonka Amsterdam ArenA February 6.
Kooxda oo dhan:
| Magacyada | Kooxda |
| Goolhayaal: | |
| Kenneth Vermeer | Ajax |
| Michel Vorm | Swansea |
| Tim Krul | Newcastle |
| Daafac: | |
| Daley Blind | Ajax |
| Khalid Boulahrouz | Sporting CP |
| Daryl Janmaat | Feyenoord |
| Bruno Martins Indi | Feyenoord |
| Joris Mathijsen | Feyenoord |
| Ricardo van Rhijn | Ajax |
| Stefan de Vrij | Feyenoord |
| Qadka Dhexe | |
| Jordy Clasie | Feyenoord |
| Leroy Fer | Twente |
| Marco van Ginkel | Vitesse |
| Jonathan de Guzman | Swansea |
| Adam Maher | AZ |
| Kevin Strootman | PSV |
| Weerar: | |
| Klaas-Jan Huntelaar | Schalke |
| Dirk Kuyt | Fenerbahce |
| Ola John | Benfica |
| Robin van Persie | Manchester United |
| Jeremain Lens | PSV |
| Ruben Schaken | Feyenoord |
| Ricky van Wolfswinkel | Sporting CP |
c.qaadir Galeer
23-January-2013 at 8:58 pm
xulka azuri ayaa badinayo lkn rvp inosan ciyaarin ayaa ficna lahed xulkisa inta badan woku dhawacma viva italy and Gigi Buffon
RED REVILLS
23-January-2013 at 7:07 pm
r.v.p ina laga reebabaa ahayd maxaa yeelay waxaan ka cabsanaynaa inuu naga dhawacmo .. kulankanina waa mid saaxiibtinimo .. marka wa in laga reebaa van persie !!
manufc