
Xulka kubada kolayga dalkena Soomaaliya ayaa guul muhim ah ka gaaray xulka kubada kolay Kenya ciyaaraha isreebreebka koobka Qaramada Afrika ee kubada kolayga ee FIBA Africa Zone 5 ka dib markii ay ku garaaceen 81-78 dhibcood.
Koobkan FIBA Africa Zone 5 oo xulkii ku guuleysta uu u soo baxayo kama danbeysta koobka qaramada Afrika ee kubada kolayga ayaa waxaa Somaaliya ay ku jirtaa Group B iyadoo ay kula wehliyaan xulalka Kenya iyo Burundi.
Xulka dalkeena Soomaaliya ee kubada kolayga ayaana heystay ciyaarta rubucii 1aad iyagoo ku marsiiyay 19-9 dhibcood, waxaana rubucii labaad ciyaarta ku soo laabatay Kenya oo heshay 26-21 dhibcood taasoo keentay qeybtii hore lagu kala nastay 34-35 dhibcood wadar ahaan oo Soomaaliya ay ku gacansareysay.
Rubucii seddexaad Kenya ayaa hadana mar kale dib isku soo nooleysay oo heshay 28-20, laakiin rubucii ugu danbeeyay ee ciyaarta ayaa xulka guuleystay ee Soomaaliya waxa ay ciyaarta ku soo afmeereen 21-16, taasoo ka dhigtay in wadarta guud ee ciyaarta ay ku badiyaan 81-78 dhibcood xulka kubada kolayga dalkeena.
Labada xiddig ee Soomaaliya Abdi Ahmed iyo Feysal Jamac ayaa Kenya dhuunta u galay, iyadii Ahmed uu dhaliyay 26 dhibcood oo ah dhibcihii ugu badnaa ciyaarta ee uu hal ciyaaryahan dhaliyo, halka Jaamac uu dhaliyay 20 dhibcood.
Somalia ayaa arbacada waxa ay la ciyaari doontaa Burundi kulankooda ugu danbeeya ee Group B taasoo kala cadeyn doonta cidii u gudbeysa wareega xiga.
Gabar Wadani
23-January-2013 at 9:53 pm
Masha allah ani aad ayan ugu farxa hambalyo guul ayan idiin rejeena Gabdha somalida sidii sanadkii hore kudaya aad baan agu farxaya inaa daawado ayee kaqiima badnaa leheen,lkn waa nii sooducena cadawgena hajabo amin.
Saciid rooroow cali
23-January-2013 at 10:50 am
Masha allaah cawa qofwalba oomuwadin somaliyed ah melkasta ujogo gusha qaranka usohoyatay wamid ayku wada farxeen waxana leyahay wilsha somaliyed guuuul weligenba guuuul allaah ha idinka jebiyo kuwa idinka hor imaada cadaw kasta oon leenahay somaliya guuuuul wiliginba guuuul
Savy
23-January-2013 at 10:42 am
Wan kufaraxsanahay wadankena guusha uw kagaray kenya kulanka burundi sidokale guul ayan urajenaya dhaman walalah somaliyed
libaan
23-January-2013 at 9:01 am
masha Allaah soomaaliaya
guuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuul
viva soomaaliy
Kaafi sahasom
23-January-2013 at 8:47 am
HAMBALYO HAMBAYO
Ciyartoydena somaliyed waxan idin rajenaya GUUUL INSHA ALLAH
ilyaas xaaji
23-January-2013 at 7:53 am
GUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUL SOMALIA.
maxamed xusen
23-January-2013 at 7:22 am
yes waan jeclahay in la garaaco kenya sido kale waxa rajeyna in aan garaacno burundi insha allah
Ac milan
23-January-2013 at 7:04 am
Viva somalia. Wlhi. Waa wax. Uu ku farxo qof wadani ah. Waxaana urajeeynaa guulo badan. Iyo ineey ku guuleystaan koobkaan
Farnada torres
23-January-2013 at 1:17 am
Mashalah wan ku faraxsanahy xulka somaliya oo ka garay guul kenya viva somaliya
Khadijo
23-January-2013 at 12:15 am
Mansha allah cawada aad baan ufarxay guusha wayn ee aan kagarnay kenya insha allah burundi wan cuneyna waliba dhibca badan viva Abdi and faysal
C/casis haaji
23-January-2013 at 12:12 am
Kkkkk kenya waan rafaadsanay sido kale waxan rajeynayaa inaan tuno burundi viv somalia
haashim
22-January-2013 at 11:13 pm
keep up somalia basketbal maasha allah aad ayaan ufarax sanahay insha allah cupkana waxaa qaadidoona somalia insha allah docoda soo badiya somaliyey
yoois ahmed clle qays
22-January-2013 at 11:09 pm
masha alah manta wa malin tariikh ku leh umada somaliyed mel walbo ay jogan wa farxad gusha an ka garnay xullka kenya insha alah burundina wan ka badin donaa insha alah
walcot
22-January-2013 at 10:59 pm
masha alaah meshan waxan ka qarinsan jirnay horyalada yurub lkn cawada aad ayan u farxay markan arkay xulka somalya ayaa garacay xulka kenya sanan weynta ah guuuuuuuuuuuuuuuuul
mamen
22-January-2013 at 10:43 pm
lol dats best but i need to see genuine footbal team and we should start somali premier league and each vilage should have there team to compete in dat way we can select young and talent boys which can lead us to da world cup tnx
xudeyfa syl
22-January-2013 at 10:39 pm
Wow masha allah xilkena kubada koleyga sido kale. Xulka kubada cagta borka ha iska jafan sida kubada koleyga viva somalia
Nuh canal plus
22-January-2013 at 9:45 pm
viva de white ocean boys
Jarmali
22-January-2013 at 9:42 pm
MANSHA ALLAH ad iyo ad ayan ugu faraxsanahy guusha wiilasheenu noo soo hooyeen waxan lee yahay hambalyo hambalyo hambalyo …… Kudos guys
solshee viva reds
22-January-2013 at 9:24 pm
wlhi waa guul weyn oo usoo hoyotay dalkene markastana gul ayaa rajeeyneyna nolow faysal jamac viva abdi ahmad
carrick
22-January-2013 at 9:22 pm
Viiva our boys
nuurmilano
22-January-2013 at 9:13 pm
masha alaah lakin codsi asoo dawasho ah inoo soodeeya
Ahmed fantastic
22-January-2013 at 9:07 pm
Hambalyo habalyo
c/raxmaan daacad
22-January-2013 at 9:05 pm
masha allaah waa arin lagu farxo somalia oo dhulka kujiday kenya viva somalia
daadir sh.cali
22-January-2013 at 8:56 pm
Masha allaah waa arin farxad badan inaan caawa arko somaliya oo kenya dhulak ku jiidaysa runti waan sugeynay guul ceynkan okale ah waxan rajeyna inaan tuno burundi kulanka xiga via somalia viva cabdi axmed viva feysal jamac viva all somlain team hampalyo haplayo walalay
Van Goal
22-January-2013 at 8:52 pm
maasha allah
kabtan vila
22-January-2013 at 8:51 pm
masha allah
sakow
22-January-2013 at 8:48 pm
Mashalah aad cn ogu faraxsanahay mesha kasii wada
Qaliif
22-January-2013 at 8:42 pm
guul guul guul xuulkeena waxaan rajeynaya in eyqaadi doonan koobka dhan oowaliba xaruunta dalka lageyndoono kobka kadibna magalada lagusoowarejindoono cup
birqaaye man utd
22-January-2013 at 8:23 pm
hambalyo xulka qaranka somalia i love guusha ey cawa ka soo hoyeeyn wan ku farax sanahay waxan u rajeenayaa mid ka sii balaran insha allah
moha
22-January-2013 at 8:23 pm
ma SHA alaah walalaheyga qaliga ahayow waxan ni rajkenaya guul wacan