
Daafaca kooxda PSV Erik Pieters ayaa loo qaaday isbitaal shalayto ka dib markii uu feer ka dhex bixiyay dariishad quruurad ka sameysneyd isagoo ka careysnaa casaan la siiyay xilli kooxdiisa PSV garoonkeeda ay guuldarro 3-1 ka soo gaartay PEC Zwolle.
Ciyaaryahanka reer Holland ayaa ciyaarayay kulankiisii ugu horeysay ee ciyaar rasmi ah tan iyo bishii April 2012 ka dib dhaawac uu muddo dheer ku maqnaa, laakiin soo laabashadiisii uma aysan noqon sidii uu ka filanayay.
Kaliya kooxdiisa si lama filaan ah looga badan, laakiin Pieters ayaa casaan toos ah qaatay ka dib markii taakal soo daahay ku galay ciyaaryahan daqiiqadii 67aad.
24 jirkaan ayaa ka dib carro goostay isagoo albaab laad ku qaaday inuu Tunnel-ka dhex socday ka hor inta uusan gacantiisa feer kaga dhex bixin daaqad quraarad ka sameysneyd oo uu dhaawac gaarsiiyay gacantiisa taasoo keentay in cusbitaal loo qaado.
PSV ayaa u soo dhacday kaalinta labaad ee horyaalka ka dib guuldaradii shalay soo gaartay, taasoo siineysa Twente inay hogaanka qabato.
magaceeyku waaa naga coot
20-January-2013 at 1:50 am
walaalayaal waan idin salamay uguhoreytii hataa halkaan ra,igeeyga kadhiiibto ninkaan asagaa muubuujineeste iska naqdo oo waaba balaayo casir nin dhamoo quraarat ka dhex bixinayo shantiisa faroot intuu halkaa tatoonyo isla soo buudho quraratii qarxiyay waa nin cajiiba waa,wareey
Cabduga
19-January-2013 at 6:04 pm
Ninkaan feedhyahan camal waaye aniguu igu fiicna ama ama kousikito
Axmadka degmada mahaday
19-January-2013 at 3:58 pm
Kkkkkkkkkkk warkasaa imaraayo runti ninkan waa nin walan
Gaas
19-January-2013 at 2:34 pm
oo mow buuineeste iska noqdo waaba feeryahan ninkii murayad ka dhex bxiyay feer dadkana wa ka dhex bixin lahaaye
Abdirhman mohmoud
19-January-2013 at 1:35 pm
Barawo calayka
Fitaaxlfc4life
19-January-2013 at 12:46 pm
Kkkkkkkk door dheh england ayu ku fiican yahay kan casaan cunto cml loo laqlaq siin laha
dhiirane
19-January-2013 at 12:39 pm
Caqliga somaligu wakaa maad rifriga ku qabatid kulaha saw ku mustaqbal beelimaayo holland dabeecadaa waa lagu yaqaaanaa
Halyey
19-January-2013 at 11:58 am
Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkklbkbbbbbbbbbbbbbbbbbbbkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
Inuu ku dhufto garsoruhu ku sigtay lakin hadu ku dhuftay qururad waa roonaa
Ina bile
19-January-2013 at 11:25 am
Xoogsade ahaa ninkaan sasaa lagaraba sxb inat riifka ku qabato ayey aheed mahan inat jirkaga wax garsiiso libaax aya tahay lama tabtan ah kkkkkk