Home » Horyaalada » England » Wargeysyada Yurub Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Ay Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

Wargeysyada Yurub Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Ay Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

Waxaa Qoray:

Taariikh: 16-January-2013

Wargeysyada-11

Waxaa la gaaray bisha Janaayo waana mar kale iyo barnaamijkeenii suuqa kala iibisga iyo wararkii xanta ahaa ee la qoray maalin walba oo aan ka soo uruurino wargeysyada yurub ka soo baxa kuwooda ugu waa weyn.

Barnaamijkaan oo ah mid xanta suuqa uun ku saabsan islamarkaana ah meesha aad kala socon karto dhaqdhaqaaqa suuqa kala iibsiga waxaan soo gudbin doonaa maalin walba inta suuqa kala iibsiga furan yahay marka laga reebo maalinta jimcaha. Aan ku horeyno:

ENGLAND:

ARSENAL: Arsene Wenger ayaa mar kale ku baaqay shalayto inuu sameyn doono wax uun inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga bishaan. Muhimada ugu weyn ee Wenger ayaa ah inuu weeraryahanka kale ku soo kordhiyo kooxdiisa iyadoo David Villa uu liiska meel kore kaga jiro. Wenger ayaa sidoo kale ka fiirsanaya inuu u dhaqaaqo weeraryahanka Seville Alvaro Negredo iyo kan Atletico Madrid Adrian Lopez. (The Times)

MANCHESTER UNITED: Goolahayaha koowaad ee kooxda Manchester United David de Gea ayaa liiska goolhayayaasha ay doonayaan ugu jira kooxda Barcelona. Kooxda Barcelona ayaa raadineysa goolhaye ay ku bedesho Victor Valdes kaasoo mustaqbalkiisa kooxda aan la hubin ka dib markii wadahadalo socday ay hakad galeen. (Daily Star)

CHELSEA: Kooxda reer Ukraine ee Shakhtar Donestk ayaa ka fiirsan doonta inay kubadsameeyaheeda reer Brazil Willian ka iibiso Chelsea ama Tottenham bishaan, laakiin waxa ay ku doonayaan 20 milyan ginni. (The Independent)

TOTTENHAM: Xiisaha ay Tottenham u heyso ciyaaryahanka khadka dhexe ee Palermo Josep Ilicic ayaa sii kordhaya. 24 jirkaan ayaa soo jiitay markii hore hore tababare Andre Villas-Boas markii uu macalin ka ahaa FC Porto. (The Times)

CHELSEA: Goolhayaha kooxda Chelsea Thibaut Courtois ayaa doonaya in loo sii dheereeyo xilliga amaahda ah ee uu haatan ku joogo Atletico Madrid. Goolhayaha reer Belgium oo 20 jir ah ayaa weli u ciyaarin kooxda London ka dhisan tan iyo markii uu Genk ka soo dhaqaaqay 2011. (Daily Mail)

NEWCASTLE: Kooxda Talyaaniga ee AC Milan ayaa isha la raaceysa goolhayaha kooxda Newcastle Tim Krul iyo daafaca Davide Santon. (Daily Mirror)

NEWCASTLE: Newcastle United ayaa u soo bandhigtay 2 milyan oo ginni kooxda Nancy iyadoo dooneysa daafacooda bidix Massadio Haidara. (The Times)

SOUTHAMPTON: Southampton ayaa la filayaa inay 3.5 milyan ginni kula wareegto daafaca reer Norway Vergard Forren 48da saacadood ee soo socota, ka dib markii daafaca kooxda Molde uu xilli danbe iska diiday tijaabo uu u mari lahaa Liverpool. (The Times).

QPR: Kooxda Queens Park Rangers ayaa dooneysa inay amaah lix bilood ah ugu dirto weeraryahankeeda Djibril Cisse dalka Qatar iyagoo wadada u baneeynaya ciyaaryahanka 7da milyan ginni ugu soo biiray ee Loic Remy. (Daily Mirror)

ITALY:

AC MILAN: Kooxda Rossoneri ayaa dooneysa inay mar kale la wareegto kabtankii hore ee England David Beckham kaasoo amaah hore ugaga soo biiray kooxda LA Galaxy. Beckham ayaa haatan heysan kooxna waxaana uu ka fiirsanayaa halkii uu u dhaqaaqi lahaa ka dib markii uu dhacay qandaraaskiisii kooxda Mareykanka. (Gazzetta dello Sport)

AC MILAN: Kooxda Milan ayaa sidoo kale dooneysa inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Manchester City Mario Balotelli, laakiin waxa ay u dhaqaaqi doonaan kaliya hadii Robinho uu kooxda ka tago. (Gazzetta dello Sport)

JUVENTUS: Iyadoo kooxda Newcastle ay ku guuldareysatay inay la soo wareegto Loic Remy, waxa ay haatan dooneysaa inay la soo wareegto midkood weeraryahanada Juventus Alessandro Matri ama Fabio Quagliarella. (Tuttosport)

AC MILAN: Zenit St Petersburg ayaa dooneysa inay la wareegto daafaca Rossoneri Ignazio Abate, waxaana taas bedelkeeda ay Milan iyadan dooneysa daafacyada Newcastle David Santon iyo daafaca kooxda Cagliari Davide Astori. (Corriere dello Sport)

INTER: Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Corinthians Paulinho ayaa u muuqda inuu qaali ku noqday kooxda Inter Milan isagoo lagu qiimeeyay 20 milyan euros, waxaana laga yaabaa in bedelkiisa ay u dhaqaaqaan ciyaaryahanka kooxda Cesena Ezequeil Schelloto. (Corriere dello Sport)

FRANCE:

LYON: Weeraryahanka kooxda Lyon Bafetimbi Gomis ayaa ogolaaday inuu iska dhego tiro xiisaha ay u hayaan Liverpool io Newcastle islamarkaana uu ku sii negaado kooxda ka dib wadahadal uu la yeeshay maamulka kooxda. (L’Equipe).

MARSEILLE: Iyagoo adeegsanaya lacagta ay ka heleen iibka Loic Remy ee ay ka iibiyeen QPR, Marsielle ayaa dooneysa inay la soo wareegto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Toulouse Moussa Sissoko, inkastoo ay tartan kala kulmi doonaan kooxo Premier League ah. (L’Equipe).

PSG: Daafaca kooxda PSG Diego Lugano ayaa ku dhow inuu u dhaqaaqo kooxda Malaga, laakiin kooxda Isbaanishka ayaa u baahan inay u soo bandhigaan mushahar qaali ah hadii ay doonayaan xiddiga reer Uruguay. (L’Equipe).

MONTPELLIER: Iyadoo mustaqbalka Fabricio Coloccini uu mugdi ku jiro kooxda Newcastle ayaa lala xiriiriyay daafaca reer France Mapou Yanga-Mbiwa. (Le Parisien).

SPIAN:

ATLETICO MADRID: Xiddiga kooxda Atletico Madrid Radamel Falcao ayaa sheegay in laga yaabo inuu u dhaqaaqo kooxda lacagta badan ee dalka Faransiiska Paris Saint-Germain.(Sport)

ESPANYOL: Ciyaaryahanka da’da yar ee Barcelona Gerard Deulofeu ayaa diirada amaah ahaan ugu saaran kooxda ay Barca isku magaalada yihiin ee Espanyol (Mundo Deportivo)

VALENCIA: Reading, Stoke iyo Chelsea ayaa dhamaantood dooneysa weeraryahanka Celta Vigo Iago Aspas laakiin waxaa uu isaga doonayaa inuu u dhaqaaqo Valencia, waa hadii ay soo bandhigaan 10 milyan euros. (AS)

Wararka ku qoran halkaan waxaa xuquuqdooda iska leh jaraa’idyada ku hor qoran, laacib.net mas’uul kama ahan.