Wargeysyada Yurub Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Ay Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda. | Laacib.net
Home » Horyaalada » England » Wargeysyada Yurub Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Ay Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

Wargeysyada Yurub Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Ay Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 9-01-13 1:57 PM

Wargeysyada-1

Waxaa la gaaray bisha Janaayo waana mar kale iyo barnaamijkeenii suuqa kala iibisga iyo wararkii xanta ahaa ee la qoray maalin walba oo aan ka soo uruurino wargeysyada yurub ka soo baxa kuwooda ugu waa weyn.

Barnaamijkaan oo ah mid xanta suuqa uun ku saabsan islamarkaana ah meesha aad kala socon karto dhaqdhaqaaqa suuqa kala iibsiga waxaan soo gudbin doonaa maalin walba inta suuqa kala iibsiga furan yahay marka laga reebo maalinta jimcaha. Aan ku horeyno:

ENGLAND:

ARSENAL: Kooxd Gunners ayaa u soo bandhigi doonta heshiis ku kacaya 26 milyan ginni Theo Walcott si uu u sii joogo Emirates Stadium. Walcott oo 23 jir ah ayaa loo soo bandhigay mushahar uu isbuucii ku qaadanayo 90 kun ginni heshiis shan sanno ah oo la filayo inuu saxiixo 48da saacadood ee soo socota. (The Sun)

DAVID BECKHAM: David Beckham ayaa loo soo bandhigay heshiis 20 milyan ginni ah oo uu labo xilli ciyaareed kaga ciyaaro horyaalka dalka Qatar. Beckham ayaan koox heysan tan iyo markii qandraaaskiisii LA Galaxy uu dhacay. (The Sun)

ARSENAL: Tababaraha kooxda Arsenel Arsene Wenger ayaa wax ka weydiiyay Atletico Madrid ciyaaryahanka mudada dheer diirada u saarnaa Adrian Lopez, laakiin Arsenal ma dooneyso inay bixiso 14ka milyan ginni ee lagu burburin karo qandaraaskiisa. (Daily Mirror)

CHELSEA: Tababare Rafa Benitez ayaa uga digay ciyaartoyda waa weyn ee Chelsea inay wajahaan suurtogalnimada ah inay ka tagi karaan Stamford Bridge. Ilo laga helayo kooxda ayaa cadeynaya in fursada uu kooxda ku sii joogi karo Ashley Cole xilli ciyaareedka soo socda inay tahay 50-50. (The Times)

MANCHESTER UNITED: Alex Ferguson ayaa dooneysa Ashley Cole iyo si la mid ah Frank Lampard inay kula soo biiraan Old Trafford. Labada ciyaaryahan ee diirada u saaran Fergie ayaa qandaraaskooda uu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkan. (The Sun)

MANCHESTER UNITED: Rio Ferdinand ayaa aqbali doona inuu dhimo mushaharkiisa si uu sii joogo Manchester United inkastoo heshiis qaali ah oo uu lacag badan ku qaadanyo looga soo bandhigay Bariga Dhexe, China iyo horyaalka Mareykanka, iyadoo loo soo bandhigay mushahar 300 kun ginni isbuucii ah. United ayaan dooneynin inay bixiyaan mushaharka haatan uu qaato oo ah 110 kun ginni islamarkaana waxa ay doonayaan inuu aqbalo hadii uu heshis cusub saxiixayo inuu qaato 60 kun ginni isbuucii. (Daily Star)

MANCHESTER CITY: Inter Milan ayaa qorsheyneysa inay 25 milyan ginni ugu dhaqaaqdo weeraryahanka Manchester City Edin Dzeko. Ciyaaryahanka reer Bosnia ayaan ku faraxsaneyn doorkiisa kursiga keydka ee kooxda City. (The Sun)

LIVERPOOL: Kooxda Reds ayaa ku dhow inay 6 milyan ginni kula soo wareegto xiddiga Blackpool Tom Ince, ka dib markii horumar xalay laga gaaray wadahadaladii ay kula jireen. (Daily Mail)

MANCHESTER UNITED: Wadadii ay Manchester United kula soo wareegi laheyd xiddiga kooxda Crystal Palace 20 jirka Wilfried Zaha ayaa u muuqata mid nadiif ah ka dib markii Tottenham ay sheegtay inaysan in badan ceyrsan doonin ciyaaryahanka da’da yar. (Daily Telegraph)

MANCHESTER UNITED: Reading ayaa u dhawaatay inay amaah kula wareegto inta ka dhiman xilli ciyaareedkan 22 jirka Manchester United Danny Welbeck. (The Sun)

ITALY:

AC MILAN: Kooxda Rossoneri ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo xiddiga kooxda Southampton ee reer Uruguay Gaston Ramirez. Laakiin sida kaliya ee ay ugu dhaqaaqi karaan bisha Janaayo ayaa ah inuu helo EU Passport. (Football Italia)

INTER: Kooxda Nerazzurri ayaa u dhaqaaqeysa goolhayaha labaad ee kooxda Lazio Juan Pablo Carrizo, iyagoo doonaya inay la soo wareegaan bishaan, waxaana ay heshiiska u adeegsanayaan kabtan Javier Zanneti inuu ka dhaadhiciyo goolhayaha reer Argentina inuu tago San Siro. (Gazzetta dello Sport)

JUVENTUS: Tababare Antonio Conte ayaa ugu danbeyn ogolaaday inay kooxda si rasmi ah ugu dhaqaaqdo soo xerogelinta weeraryahanka reer Ivory Coast ee kooxda Shanghai Shenhua Didier Drogba. (Gazzetta dello Sport)

MILAN: Milkiilaha kooxda Milan Silvio Berlusconi ayaa soo saaray liiska ciyaaryahanada uu doonayo inay yimaadaan San Siro waxaana u calaamadeysan xiddigahan da’da yar ee kala ah Davide Santon (Newcastle), Mattia Destro (Roma) iyo Gaston Ramirez (Southampton). (Tuttosport)

ROMA: Kooxaha Fulham iyo Arsenal ayaa si feejignaan leh u la socda mustaqbalka goolhayaha Roma Martin Stekelenburg ka hor inta aysan u dhaqaaqin (Corriere dello Sport)

MILAN: Inkastoo madaxweynaha kooxda AC Milan Berlusconi uu sheegay inuusan dooneynin Mario Balotelli, hadana waxaa jira xubno ka tirsan kooxda oo doonaya in weeraryahanka Manchester City uu yimaado San Siro. (Gazzetta dello Sport)

SPAIN:

Waa soo socotaa…..

Wararka ku qoran halkaan waxaa xuquuqdooda iska leh jaraa’idyada ku hor qoran, laacib.net mas’uul kama ahan.

 

27 Responses to Wargeysyada Yurub Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Ay Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

  1. Hanat fun man untd Reply

    10-January-2013 at 11:14 pm

    Lampark iy0 zaha

  2. Eng pirlo 21 Reply

    10-January-2013 at 2:14 pm

    Dider drogba waan kugu so dhaweyneyna biancanero juventus si aad noogu saacidid goalashaada qurxan waxaa tahay xidig runti

  3. Shinji Kagawa Reply

    10-January-2013 at 1:25 pm

    Man utd waxey ubahantahay qad dhexe iyo daafac oo kaliya

  4. ABDU RAHMAN SAAHIL Reply

    10-January-2013 at 1:56 am

    CHELSAE KAMA TAGAYN LAMPARD & ASHLEY COLE KALIYA HESHISKI AYA KA DHAMDAY MARKA WAA LOO KORDHINAYA WAXAYNA CHELSAE KU LEYIHIN MAGAC IYO SHARAF

  5. timacade Reply

    09-January-2013 at 9:55 pm

    yaa lagu tashan lacibkeena f.lambard and a.col meel uma socdan

  6. mustafe Reply

    09-January-2013 at 8:19 pm

    waxan soo dhawaynaynaa damba ba

  7. robin vanpersie Reply

    09-January-2013 at 7:24 pm

    welcome manchester united lampard and ashly cole

  8. Caqiil max'ed Reply

    09-January-2013 at 7:15 pm

    Anigu waxan hubaa iney arsinal lopaz iyo villa laso waregeyso viva arsinal guuul

  9. Rashka Reply

    09-January-2013 at 7:08 pm

    Lambard xuquq ayu ku yeshay chelsea ine fasaxdo ma aha

  10. muste chelsea fc Reply

    09-January-2013 at 6:53 pm

    ferdinand wuxuu rabaa inuu filimada Hollywoodka jilo markuuuu ciyaaraha ka fadhiisto isaga yidhi sidaas
    markii horeba Actor buu ahaa ee dad kubadeed maahayn

  11. Mohd Reply

    09-January-2013 at 6:29 pm

    Asc dhan taagerasha Gunners iyo bah weynta sharafta leh e laacib.net

  12. Injineer marchisio masta andrea pirlo Reply

    09-January-2013 at 5:02 pm

    Vidic mishaarkiisa wa imisa bal wax iiga sheega laacib.net

  13. Tiyow Reply

    09-January-2013 at 4:26 pm

    Tom welcome to liverbol viva suwarez gerrad

  14. Xusni Reply

    09-January-2013 at 4:05 pm

    Asc odayga serku wuu khaliifay haduu xabadii chelsea nacday doonayaa waxaa wuxuu usamaynayaa kabaqid uu kabarqayo reds iyo citizens sanadkan hakugu tagnato wax kooba arkimaysid sidii sanadkii hore

  15. RED REVILLS Reply

    09-January-2013 at 3:45 pm

    lampard and cole , welcome to unated !!

    manufc

  16. ciyaartoyga caanka Reply

    09-January-2013 at 3:15 pm

    kkkkkkk waaryaa juve way soo iibsanaysaa drogba iyo lamparba

  17. Kader gurey ilkacase Reply

    09-January-2013 at 3:15 pm

    Cole wanu donaynaa lkn lamp isaga boos uma hayno balse waxaanu didaynaa anuu dhaafo ingiriska madma layska fasaxay oo la nacay

  18. Xusni yare Reply

    09-January-2013 at 3:11 pm

    Lambard an cole welcome to the man und vive und

  19. Ciiltire(budbud) Reply

    09-January-2013 at 3:06 pm

    laacib away wuu soo socda oo been ah naga dhafa runta is better viva Eric abidal and budbud

  20. Rvp Mmc Reply

    09-January-2013 at 2:58 pm

    How

  21. King of football Reply

    09-January-2013 at 2:57 pm

    Kkkkkkkkkk way kaasi waa badaw lampard bay ka dhamaatay buu yidhi way ku qoslaay..ih.ih

  22. Shukayb Reply

    09-January-2013 at 2:53 pm

    Ashle.. Lampard..kusoo dhawaada man utd viva unated

  23. Mudane qoor Reply

    09-January-2013 at 2:47 pm

    A.cole f.lampard xagee geey nee man u waa dadeey kadha maa tay

  24. cusman rashid Reply

    09-January-2013 at 2:32 pm

    Riyo misharkisa 60 kun oo gani
    wu ka badan yahay
    man untd na wey ku qaldan yihin tas
    Balse aniga fikir keygu wa
    inu isaga taga uu aada
    melaha mishar ka badan
    loga ogol yahay
    Riyo wa mihin man untd
    balse marku tago ayaa latabi donaa

  25. R ka maanta (gadhay). Reply

    09-January-2013 at 2:31 pm

    ashley cole iyo lampard kooxda way joogayaan viva blues 4ever (gadhay).

  26. Xidiga wisil Reply

    09-January-2013 at 2:26 pm

    K.jk,k.k

  27. Abdifatah villa Reply

    09-January-2013 at 2:13 pm

    Tom Ince welcome to Anfield VIVA REDS

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>