
Nuri Sahin ayaay 99 boqolkiiba waxa ay u badan tahay inuu soo gabagabeeyo farxad la’aantiisa amaahda uu ku joogo Liverpool, issagoo ku laabanaya kooxdiisii hore Borussia Dortmund sida ay qoreyso jariirada Jarmalka ee Bild.
Sahin, oo ay iska leedahay Real Madrid ayaa hal xilli ciyaareed amaah ah waxaa ku soo qaadatay Reds, isagoo ku dhibtoonaya inuu dib u helo qaab ciyaareedkiisa tan iyo intii uu ka soo tagay Germany.
Jariirada Bild ayaa ku warameysa in xurguf dhexmartay isaga iyo kabtanka Liverpool Steven Gerrard inay keentay hoos u dhac ku yimid fursadihiisa kooxda iyo qaab ciyaareedkiisa, halka ay jariirada sidoo kale sheeganeyso inuu ka xun yahay doorka kooxda laga siiyay.
Borussia Dortmund ayaa u muuqata inay dooneyso inay soo ceshato ciyaaryahanka Turkiga, iyadoo madaxa kooxda Hans-Joachim Watzke uu amaanay awooda ciyaaryahanka wareysi uu siiyay Bild.
“Sahin waxa uu kaliya ku fiican yahay marka koox lagu agdhiso” ayuu yiri Watzke.
“Waa nin fantastik ah, waana ciyaaryahan super ah.”
mohamed
10-January-2013 at 10:37 am
nuri sahin iskagatag liverpool team ma aha waa mel ay kadha maatay kubady
Abwan jacel
09-January-2013 at 8:56 pm
Ha iska tago nuuri sahin
Farxan
09-January-2013 at 4:01 pm
Waa qalad ino la dhagalo kabtanka guxda wana fasax
gerrard
09-January-2013 at 3:30 pm
sahin ha jogo lvrpol maxa yelay wuu laqabsandonaa