Leonardo: Paris Saint-Germain Waa Ay Awoodaa Inay Iibsato Xiddiga Real Madrid Cristiano Ronaldo. | Laacib.net
Home » Horyaalada » France » Leonardo: Paris Saint-Germain Waa Ay Awoodaa Inay Iibsato Xiddiga Real Madrid Cristiano Ronaldo.

Leonardo: Paris Saint-Germain Waa Ay Awoodaa Inay Iibsato Xiddiga Real Madrid Cristiano Ronaldo.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 9-01-13 2:31 PM

933644-15439626-640-360

Agaasimaha kooxda PSG Leonardo ayaa sheegay in kooxda boorasada weyn ee dalka Fraansiiska inay awoodo inay soo xerogeliso Cristiano Ronaldo, laakiin waxa uu ka gaabsaday inay si rasmi ah ugu dhaqaaqayaan xiddiga Real Madrid iyo in kale.

Kooxda hogaanka u heysa horyaalka Faransiiska ayaa suuqa lacag xoog leh gelisay tan iyo intii ay iibsadeen milkiilayaasha reer Qatar 2011dii, waxaana ay haatan gaareen wareega 16ka ee Champions League iyadoo uu macalin u yahay Carlo Ancelotti.

Inkastoo Leonardo uu sheegay in wax walba ay macquul yihiin marka ay timaado PSG Iyo heshiisyada suuqa kala iibsiga, hadana waxa uu ka gaabsaday inay doonayaan Ronaldo mustaqbalka dhow.

“PSG waxa ay noqotay koox wax walba ay suurtogal ka yihiin” ayuu yiri Leonardo.

“Laakiin Ronaldo waxa uu wali qandaraas muddo dheer kula jiraa Real Madrid, mana dooneysid inaad sidaas uga tagto Real. Ma jiraan wax rasmi ah. Ma jiraan wax xiriir ah. Laakiin maanta marka aad ka hadasho ciyaaryahan sidiisa oo kale ah oo dhaqaaqaya, waxaa jira afar ama shan kooxood oo awooda inay la wareegaan, PSG haatan qeyb ayay ka tahay.”

Leonardo ayaa hadalkiisa raaciyay inkastoo ay heystaan dhaqaale xad dhaaf ah, hadana inaysan fursad u heysan inay kooxda ku soo jiidaan Lionel Messi.

“Waligiisna kama tagi doono Barcelona.” ayuu yiri Leonardo.

6 Responses to Leonardo: Paris Saint-Germain Waa Ay Awoodaa Inay Iibsato Xiddiga Real Madrid Cristiano Ronaldo.

  1. yaya14 Reply

    11-January-2013 at 9:04 am

    kkkk messi asiga miyaa dabaal eh war hadii uu katago barca meel magarayo taas waa huwaal kooxda zanit ee rushia kadhisan markay 2500000 milyan markay latimit barca madaxweynaha barca damac ayaagalay messi asoo ooynaayo gurigiisa ayuu tagay wakubaryaa lacaktaan haqaadanin cml wey badantahay waan ogahay lkn aniga marawo inaan boxo nin isukalsoon warkaas muku hadlaa waa maya c.ronaldo imisa naadi ayuu usoo ciyaray mataqana waa maha adiga dhan kubada inaad fiirsato 2011 ayaat bilowday waryaahe tariqda dib u eek intadan afkaaga kala furin damiin yohoow viva ozil and abidal and all muslimis players bye bye

  2. abdi rashid Reply

    11-January-2013 at 7:54 am

    psg marna yaysan kufakarin halyeyga realmadrid

  3. cumar Reply

    09-January-2013 at 10:42 pm

    kkkkkkkkkkkk sxb malxciska yarab hadi lahwesanay wexe u dhigmata ina laibsan karo lkn king lio mal hawesanyo soo ma argtid viv catlonay viv mudugkkkk

  4. cumar Reply

    09-January-2013 at 10:39 pm

    yes lio waa kayabisay dunida xitaa leandro sasn karab waligi ma socda lkn ronaldo walba 3 koox ayu somaray isk tag qashin

  5. Nuurb10 Reply

    09-January-2013 at 3:25 pm

    Fanbadna messi ayow kaqashanyaha ronaldo kana mushar badanyaha xage ku arkesa viva abu Diaby and özil

  6. R ka maanta (gadhay). Reply

    09-January-2013 at 2:40 pm

    waar waxba ha daalina cr7 masoo iibsankartaane viva chelsea&real madrid (gadhay).

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>