Jose Mourinho Oo Loo Magacaabay Tababare Kooxeedka Ugu Fiican Sannadka Ee Abaalmarinta IFFHS. | Laacib.net
Home » Horyaalada » Spain » Jose Mourinho Oo Loo Magacaabay Tababare Kooxeedka Ugu Fiican Sannadka Ee Abaalmarinta IFFHS.

Jose Mourinho Oo Loo Magacaabay Tababare Kooxeedka Ugu Fiican Sannadka Ee Abaalmarinta IFFHS.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 9-01-13 2:48 PM

mourinho-pensive490ai_3

Xiriirka caalamiga ee taariikhda kubada cagta iyo istaatistikada IFFHS ayaa u dooratay Jose Mourinho tababare kooxeedka ugu fiican sannadka, waana markii afaraad oo uu abaalmarintan ku guuleysto.

Tababaraha reer Portugal ayaa ku guuleystay La Liga iyo Spanish Super Cup sannadkii 2012, waxaana taasi ay keentay in loogu codeeyo tababaraha ugu fiican ee sannadka, abaalmarinta IFFHS oo ah abaalmarin ay aqoonsan tahay FIFA.

Waa markii afaraad oo uu Mourinho ku guuleysto abaalmarintan ay u codeeyaan suxufiyiin adduunka daafahiisa laga soo xulay, isagoo hore ugu guuleystay 2004, 2005, iyo 2010.

Tababarahan oo kaalinta labaad ka galay abaalmarintii tababaraha sannadka ee Ballon d”or ee uu ku guuleystay tababaraha xulka Spain Vicente del Bosque ayaa waxa uu abaalmarintan ku qaaday 101 cod.

Waxaa kaalin labaad soo galay Roberto Di Matteo, halka seddexaad uu soo galay Diego Simeone. Pep Guardiola ayaa isna codeynta ka galay kaalinta afaraad.

7 Responses to Jose Mourinho Oo Loo Magacaabay Tababare Kooxeedka Ugu Fiican Sannadka Ee Abaalmarinta IFFHS.

  1. axmed kabaay Reply

    10-January-2013 at 10:26 am

    IFFHS bis ayaa cadaalada taqaano fifa waa qaa’imiin

  2. FIFA B'DOR Reply

    09-January-2013 at 7:08 pm

    KKKKKK Mourinho waxa uu nqoday Messi-ga Tabarayaasha wan soo dhawaynaya Old traford kuso dhawoow

  3. ali Reply

    09-January-2013 at 6:08 pm

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk wax macquula maahan waa qaldeen waa nin waalan mana u qalmo waa fudud yahay qolka labiska ayuu xalin la yahay ee kooxdiisa muxuu ku mutaystay cup nasiib ku qaaday miyuu lugu siinayaa maya waa qalad kkkkkkkkkkkkk byyyyyyyyy

  4. abu Reply

    09-January-2013 at 3:35 pm

    waxan ni dhihilaha iskaga hadha jose mouriniho wayo waa tababare fcn

  5. abu Reply

    09-January-2013 at 3:33 pm

    Jose Mourinho Oo Loo
    Magacaabay Tababare
    Kooxeedka Ugu Fiican
    Sannadka Ee Abaalmarinta
    IFFHS. Haday dhankayga tahay waxan dhihilaha mourinho waa tababare fcn wayo weynu aragna waxa uu qabto real madrid

  6. Jamiil Reply

    09-January-2013 at 3:00 pm

    I love jose waa macalin kalagaranayo ciyaartoyda uu hogaamiyo midkasto kartidisa iyo qaab ciyared kiisa waa macain jecel guusha nacebna guul darada waa macalin kuxufal tama kubada wuxuuna caan kuyahay inuu suxufiyinta siiyo wareysiyo xiise leh oo ayku shaqatagaan taasi ayaa kentay in saxaafadu qiimeyro macalin jose viva portugal man

  7. Jamiil Reply

    09-January-2013 at 2:55 pm

    Wuu almaa macalin jose waana macalinka qarniga waxuna kuso kordhiyay qaab ciyaredyo aan horay loo arag viva jose

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>