David Beckham ayaa go’aan ka gaari doona mustaqbalkiisa isbuuca soo socda ka dib markii uu dalab rasmi ah ka helay 12 kooxood oo ka dhisan dunida dacaladeeda, laakiin kabtankii hore ee England lama filayo inuu ku laabto Premier League.
Beckham ayaa dalabyo ay uga yimaadeen Europe, South America, North America, South Africa, Russia, China iyo Bariga Dhexe.

Waxaa la filayaa in Beckham oo qandaraaskiisii LA Galax uu dhacay inuu la fariisan doono wakiiladiisa isbuuca soo socda, islamarkaana uu mid mid u eegi doono dalabyada miiska u saaran.
37 jirkaan ayaa doonaya in meesha xigta uu u dhaqaaqayo ay noqoto meeshiisii ugu danbeysay ciyaaryahan ahaan, islamarkaana uu ku sii dhex jiro muddo jawi tartan xoogan leh, taasoo meesha ka saareysa inuu u ciyaaro koox heerka labaad inay u laabato ku dhow.
QPR iyo West Ham ayaana lagu soo waramayaa inay ka mid yihiin kooxaha doonaya xiddigii hore ee Manchester United, laakiin labada kooxoodba ma siin karaan waxa uu doonayo inuu mustaqbalkiisa ciyaareed ku soo gabagabeeyo.
Waxaa maanta soo baxayay warar sheegaya in heshiis labo sanno ah oo uu ku qaadanayo 20 milyan ginni mudadaas looga soo bandhigay dhanka horyaalka Qatar, inkastoo wakiiladiisa ay sheegeen inaysan helin dalabkaas.
Paris Saint-Germain ayaa ah koox kale oo iyadana dooneysa Beckham, iyagoo haatan ka ciyaaraya Champions League taasoo soo jiidan karta Becks.
Wado kale oo u furan ayaa ah inuu qaato lacag badan oo uu ku biiro China ama Russia, sida ay sameeyeen bilihii u danbeysay Samuel Eto’o, Didier Drogba iyo Nicolas Anelka.
fc Barcelona boy
10-January-2013 at 4:37 pm
dadkan iska hadlaya ayaan ka yaabay war odaga wuxuu rabaa lacag ee kubad jcyl kama ahan sidee uyeelayaa ciyaaraha ka fariiso
samiiiiiiiir
10-January-2013 at 9:44 am
War dhaydkiisu ninku wuu soo laastay ee iska fadhiiso waa iga talo
Nuune killas
09-January-2013 at 11:41 pm
Asc aniga waxan dhihi laha intadan falin kafirso cebba kuudan beyse
sefudiin xabibullah
09-January-2013 at 11:13 pm
bkm isma lihi manta calamka ayuu wax kuso kordhin kara duqa wuso cunay waqtigisa marka hadey macqul tahay hakuso labto man unetd kadib inta ka dhiman sisankan hala xarif tamo haduu nasib u yesho kobka iney hantan wa sidii lo bahna wuna si yelana xikmadiisa sharafed marka yusan adun kale radin haka firsado
moha
09-January-2013 at 10:53 pm
Wuxu aadi dona kaizer chief sauth afriko
xudeyfa syl
09-January-2013 at 9:36 pm
Bekham psg iska aad dhihi lahaaa hadi kale isga fariso
Cumar dhuce
09-January-2013 at 8:23 pm
DEVID MESSI U EMAD WAA EGA TALO AMA DROGBA AMA koxda CHALCE? BAY
DJ Abtiyo
09-January-2013 at 8:10 pm
Beckham kuso dhawow koxda g8 ee mirqaanka waxaad joogta wakhtigi lagu jajabinlaha ee tajamjamu wata nakhnakhu dakhala nar
c/rashiid shaataa
09-January-2013 at 8:03 pm
beckham waa inuu aada naadiga liverpool
waaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaa sas xalku
maxamed
09-January-2013 at 7:46 pm
haka fariisto ayaan dhihi laha
dayax yare
09-January-2013 at 7:46 pm
Becham Kuso dhawaw Queenis park kabad badi seri bida viv adil tarabt viva park ji song viva garanero viva Qpr
Cali cabdi mxmed cali turkaano
09-January-2013 at 7:42 pm
Talo ahaan waxa ila roon inuu ciyaaraha kafariisto waqtigan waxba kuma siyaadin karo kubad waqtigaan jirto
Xareed
09-January-2013 at 7:40 pm
Laacibka haku biiro kooxdii sii hore man u…
Van goal
09-January-2013 at 7:24 pm
Kabtan horad usoqadatay waqtiga ge e kafadhiso ayan dhihi laha
xasan
09-January-2013 at 7:18 pm
Becham waxan dhihi lahaa waxaad kubad kaheli lahayday waad kaheshay hada magac ayaad leedahay soomaalidu waxay tiraahdaa waxbadsi waxbeelay leedahay dadkii aad wada ciyaari jirteen si sharaf ayay uga wada fariisteen sida sidani lues ronaldo marka waxbo kooxo yar yar aadi laheyday isaga fadhiiso ciyaaraha byyyy xasan cade
Rabiic.fc.muq
09-January-2013 at 7:18 pm
Asc.devid.waxan dhihi laha.manchester.united.dib.haa ugu soo laabto.wa.ayo waxa wanagsan.inuu kuxidho ciyaaraha.united
C.rashiid.rashka@Rashka~2011
09-January-2013 at 7:16 pm
Asc dhamaan asxbta inta ku xiran shirkada ciyaraha ee laacib.net sln kadib aniga fikirkeega waxa dhihi lahaa david beckham ha aado paris.snt germain si uu uga garab ciyaro zlatan ibrahimovic lacag ne xisab maleh
mahamed yusuf
09-January-2013 at 6:40 pm
dorogba ka garab ciyaar
waaw
09-January-2013 at 6:29 pm
waxan dhihi lahay hagafarisdo ciyaraha