Nolasha Cajiibka Ah Iyo Waqtiyadii Xiddiga Sannadka Adduunka Lionel Messi. | Laacib.net
Home » Latin America » Nolasha Cajiibka Ah Iyo Waqtiyadii Xiddiga Sannadka Adduunka Lionel Messi.

Nolasha Cajiibka Ah Iyo Waqtiyadii Xiddiga Sannadka Adduunka Lionel Messi.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 8-01-13 8:06 AM

article-2258593-16CC046B000005DC-261_634x421

Xaqiiqooyinka xiddiga Argentian iyo Barcelona Lionel Messi kaasoo xalayto ku guuleystay markii afaraad oo isku xigta ciyaaryahanka sannadka adduunka.

Waxa uu dhashay 24kii June 1987dii, waxa uu ku dhashay Rosario, Sante Fe, Argentina.

BILOWGII MUSTAQBALKIISA:

* Waxa uu ku biiray Barcelona isagoo 13 jir ah sannadii 2000, waxaana uu ka soo dhex muuqday da’ yarta kooxda ka hor inta uusan tababarihii Barcelona Frank Rijkaard uusan kulankiisii ugu horeysay ee kooxda waa weyn ciyaarsiinin isagoo 16 jir ah ciyaar saaxiibtinimo oo 2003dii ay la ciyaareen FC Porto.

* Waxa uu ku hogaamiyay xulka Argentina 2005tii World Youth Championship oo ka dhacay Netherlands, isagoo dhaliyay labo rigoore oo ay finalkii 2-1 kaga badiyeen Nigeria.

* Waxa uu qaatay dhalashada dalka Spain 2005tii.

BARCELONA

* Muran la xiriiray in lagu tilmaami karo inuu ka mid yahay ciyaartoyda midowga Yurub ayaa keentay inuusan Barcelona u ciyaarin kulan tartan rasmi ah ilaa 2005tii. Waxa uu xilli ciyaareedkaas saftay 17 kulan isagoo dhaliyay lix gool iyadoo Barcelona ay qaaday La Liga markaas sannadkii labaad oo isku xiga.

* 2009kii waxa uu qeyb weyn ka qaatay kooxda Pep Guardiola ee hal sanno gudaheed ku guuleysatay lix koob oo ay ku jirto Champions League, La Liga, Club Word Cup, waxaana sidoo kale uu sannadkan ku guuleystay abaalmarinta laacibka sannadka adduunka.

* Mar kale ayay La Liga ku hogaamiyay Barcelona 2010kii, waxaana uu ka difaacday abaalmarinta laacibka sannadka adduunka ciyaartoyda xulka Spain koobka adduunka u qaatay Xavi iyo Andres Iniesta.

* Waxa uu Barcelona ku hogaamiyay guushii 3-1 ee ay ka gaareen Manchester United finalkii Champions League ee 2011, isagoo dhaliyay hal gool islamarkaana abuuray gool kale. Waxa uu isla sannadkan ku guuleystay laacibka sannadka adduunka markii seddexaad oo isku xigta.

* Waxa uu dhaliyay 53 gool xilli ciyaareedkii 2010-11. Waxa uu ka caawiyay Barca inay qaado koobkii seddexaad oo isku xiga oo La Liga ah, isagoo sidoo kale shabaqa soo taabtay kulankii ay 4-0 kaga qaadeen Santos koobka Club World Cup.

* Inkastoo uu ku guuldareystay inuu Barcelona la qaado La Liga ama Champions League, Messi ayaa 2012 uu u ahaa sannad cajiib ah isagoo dhaliyay 91 gool taasoo ah rikoor cusub. Waxaana uu xalay ku guuleystay markii afaraad oo isku xigta abaalmarinta FIFA Ballon d’Or.

ARGENTINA

* Kulankiisii ugu horeysay waxa uu xulka Argentina u saftay ciyaar saaxiibtinimo bishii August 2005, laakiin wax ka yar daqiiqad ayaa casaan lagu siiyay markii uu ciyaarta bedel ku soo galay isagoo xusul ku dhuftay ciyaaryahan funaanada ka jiiday.

*Waxa uu wajahay inuu tartan u galo inuu ka qeyb qaato koobkii adduunka ee 2006, waxaana uu ka ciyaaray qeyb yar. Argentina ayaa ku hartay wareega 8da oo ay rigoore ku reebtay xulkii martigelinayay koobka ee Germany.

* Waxa uu ku hogaamiyay xulka Argentina bilada dahabka ee ciyaarihii Olimbikada ee 2008dii lagu qabtay Beijing.

* Waxa uu qeyb ka ahaa xulka Argentina ee uu macalin u ahaa Diego Maradona kuwaasoo mar kale ku haray wareega 8da ee 2010 World Cup islamarkaana ku baxay gacmaha Germany oo kaga badisay 4-0. Messi ayaa ku guuldareystay koobkaas inuu gool dhaliyo islamarkaana uu South Afrika kula soo baxo qaab ciyaareedkiisii fiicnaa.

* Waxa uu u dhaliyay Argentina seddexleydiisii ugu horeysay ciyaar saaxiibtinimo oo ay ka badiyeen Switzerland bishii Febraayo ee sannadkii hore, seddex gool kale ayuu ka dhaliyay xulka Brazil oo ay 4-3 kaga badiyeen bishii June. Waxa uu sidoo kale dhaliyay shan gool ciyaaraha isbreerbreebka koobka adduunka, isagoo meesha ka saaray eedeymaha ah inuu shaqo fiican u qabto uun Barcelona.

50 Responses to Nolasha Cajiibka Ah Iyo Waqtiyadii Xiddiga Sannadka Adduunka Lionel Messi.

  1. jamaaal Reply

    15-January-2013 at 7:41 pm

    runtii mesi waa uu uqalmaaa laacibtinimada aduunka ilaaa 8sano

  2. Abdifatah Reply

    11-January-2013 at 6:14 am

    Misse wa uqalmaa wax walbo o dunidan yala oo football ah misse ilaa 7sano kale ayu ku guleysan kara viva misse

  3. cabdiaweys Reply

    10-January-2013 at 10:14 pm

    dadow hada miyaa layaabdeen fifa balsooxasuusda 2010 wixii dhacay waxaan kawar haynaa xaqdaro dhacday halyaygii intermilan 2010 wixii koob lagadhigay italy inuu jiibka kuriday chambionkane lugdiisa kureebay barcelona chambionkane qaaday koobkii aduunkane final dagay shangoolne gadhaliye messi koobkii aduunka 1gool xitaa kadhili waaye markaase fifa dhahda laacibka sanadka waa messi kkkkkkkkkkkkkk machel balaatiine waa taageere messi sanadkaane wixii dhacay waad aragdeen yaana lagu daalin xaqa shaqeeyo intuu balaatiini joogo.

  4. Maxamed adan Reply

    10-January-2013 at 9:24 am

    Marka hore halkan wxn salan kal iyo laaba umarinaya shabakada laacib.net iyo shaqaalaheda iyo inta lasocota hadan uso noqdo dhinaca kale kubadin maayo hadalka inamada murugaysan waxan leyahay o qudha laysma waalo wax waliba way cadyihin

  5. cabdimaalik ali mohammed Reply

    10-January-2013 at 12:26 am

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  6. zaki Reply

    09-January-2013 at 4:50 pm

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk sidaas marka hore maxaad isaga aamusina tageeraha runaldo waa adinka dhahayay runaaldo aya wax walba uqalma ha idiinku taagnato len apka aduunka
    Chek
    ivavovich pique lueuz andariano
    Xavi iniesta hazarad
    Falcao ba messi

  7. C r 7 Reply

    09-January-2013 at 11:43 am

    Xirirka wa ay six ran yihin c r 7 wa xididg labada lagu ku xamashta marka ronaldo ficilkisey raban iney magaca ku yeshanc misana wa naag ma gaceda

  8. Aweys Reply

    09-January-2013 at 11:03 am

    Miise waa laacib u qalma in uu ku guuleysto Xidiga aduunka waayo waa nin deeqsi ku ah kubad Xirfad fiicana u leh sida shabaqa loo taabto isgoo intaan la eg haduu rikoorkaan dhigay waxa aan leenahay waxa uu wili sii heystaa fursado kale oo uu ku dhigi karo rikooro cusub

  9. jaki band hussien Reply

    08-January-2013 at 7:27 pm

    i very pleasent b/c my dreams is true the best player i get fifa waxy samysay wax lagu farxo leo messi wuxuu ahaan doonaa xidiga sanad walba every body dont for get yehhhhh

  10. macalin ismail Stjørdal Reply

    08-January-2013 at 7:26 pm

    Waxaad arkeysaa haddii aad suuqa martid taageerayaasha Ronaldo oo caaytamaayo marka kubbadda cagta maaha caay ee waa barasho iyo shaqo meesha ma show ayaa ladhigayaa laacibka adduunka Mesi waa u qalmaa 10 sanno oo soo socoto in uu qado cr Ronaldo anaa ka calool xumaaday xaklayto markaan arkay indhahiisa ma tacsi ayaa u tiilay
    viva Messi and Barca

  11. Maxamed cismaan cadaawe Reply

    08-January-2013 at 6:24 pm

    Waxan isleyahy mse inuqato biladan wax sabab u ah nadiga barcilona waxaa hubal ah hadi uu nadi kale uciyari laha inisan qadan lehn

  12. maxamed Reply

    08-January-2013 at 6:06 pm

    sandka kale waa vanpersie inshallah

  13. faysal hirsi Reply

    08-January-2013 at 4:45 pm

    runti sanadkaanw axa modaa inay FIFA samaysay cadaalad daro marka loo eego dhanka XI ama 11 ciyaar yahan ee aduunka ugu fiican sanadkii lasoo dhafay ALVES,PIQUE maxay qabteen mesha waxaan umalaynaa spain aya loo danaynaa ee doorasho kama dhicin

  14. Hernandes 6 Reply

    08-January-2013 at 3:35 pm

    K.k.k.k.k ronaldo xalay af qalocis ayu ka bixiwayey marka mesi marku 10 qaato le heleysa inta kale ma urineysid xita.viva xavi and nasri and pirlo

  15. حمزة علي محمد Reply

    08-January-2013 at 2:56 pm

    Sanada danbe hadii lagaarana waxaad un dhihi doontaa kan kuxigo waligiin saan leed urajeyneysaan sanadkaan 2013ka waxaa lagu qiimeen doona laligaha hada socdee ronaldo intuu wax kahelidoonaa maadaama aad looga dhibco sareeyo copa delroyna ey kudhawdahay kaharid war niman yahaw iska quusta ronaldana tala ahaan hadii uu lacibnimo rajo kaqabo man utd haku laabto laliga dadbaa xoog kuheystee kkkk

  16. Qadar c r 7 Reply

    08-January-2013 at 2:22 pm

    Wlh qof walbo oo caqli leh wuuw dareemi kara in ey is kudhawey mida kale ani wan taageera wiligey ilaa aan kadhinto by all supporting ronaldo welcome cr7

  17. hoodo dagan Reply

    08-January-2013 at 1:59 pm

    kkkkkkkkkkkkkkk waxaa saa kaa xidiga ronaldo iska ooooow messi xidig iga dheh viva messi

  18. Faysal wilshare Reply

    08-January-2013 at 1:52 pm

    Asc dhamaan aqayarta waxaan leeyahay ronaldo iyo tagerihisa intu jooga aabaha ku bada cagta lion messi waxad ku qasban tihin inad hoos timaadin bye

  19. Hassenmilan Reply

    08-January-2013 at 1:35 pm

    Lionel messi waa xidiga xidigadoda lakinse waan kaaxumaday runti messi xaadu kaabaxo barcelona waxbamaqabanayo wanaaku aragnay xulka argentina

  20. bashiir buuxe Reply

    08-January-2013 at 11:34 am

    walee 4sano oo isku xigta messi ayaa qaday hadi uu sanad dambe naga qado waanu ka hadhi sababto ah xalay waxaan u arki lahaa in nala dulmiyey marka sanadka dambe ayan ronaldo u rajaynayaa rajo warta

  21. bashiir buuxe Reply

    08-January-2013 at 11:22 am

    walee ad ayaan uga xumahay in laga qado xidiga real madrid ee christiano ronaldo lakin dhib male wuu qadi doonaa

  22. Nasiib Reply

    08-January-2013 at 11:17 am

    Asc dhaman bahda laacib.net sln kadib waxan leeyahay laacibka dunida leo misse xaqiiqdii wuu uqalma inuu ku guuleysto abaal marinta sanadka lkn ronaldo waa laacib lkn waxaa meesha jooga laacibka laacibintooda oo ah misse marka iska sug markuu misse dhaho waa iga bes wan daalay ee halagu qanciyo ronaldo waana mahadsantihiin ok

  23. somalilander Reply

    08-January-2013 at 11:11 am

    HADAL BADAN HAAN MA BUUXSHO AYAA HORE LOO YIDHIYE
    WAXBA KU TAAGSAN MAYNO MISKIINKAN MESSI CUNAHA QABTAY
    EE RONALDO VIVA ARGENTINA MAN AND CATALONIA IINABA CAADI MAAHA MESSI SHAQO FICAN AYAAD QABATAY MAR HADII AAD INANTII MEEL ISKA MARISAY XATAA XALAY XAGGA STYLEKA AYAA LAGA QADAY KKKKKKKKKKKKKKKKKK VIVA BARCELONA VIVA ARGENTINA VIVA GOURDIOLA

  24. ahmed Reply

    08-January-2013 at 11:00 am

    best blyer ind world lion misse

  25. aazaa Reply

    08-January-2013 at 10:56 am

    ASC . Aaway dadkii dhihi jiray messi wadankiisa maxuu u qabtay ?
    waa u jeedaan maanta in uu wadankiisa wax u qabtay , waxuu u qaaday

    Olympic Gold Medal: 2008
    FIFA U-20 World Cup: 2005

    waxaa suaal ah C.ronaldo wadankiisa maxuu u qaaday ? waligiisa koob caalami uma qaadin .
    dadka qaar waxaan ku waanin lahaa in iska hadal u hadlin ee xaqiiqda haka hadlaan .

  26. asad yare Reply

    08-January-2013 at 10:24 am

    runtii wuu u qalmaa abaalmarintaas
    Ronaldo isagaa is waalay isagoo man utd kula guulaystay wax walba oo player of the year ah ayuu Real Madrid aaday oo ah halka ay xidiguhu ku baaba.aan sidaas ayeyna ugu dhamaatay xalay ayaana ugu dambaysay tartan danbe in uu ugalo fifa ballon d.or

  27. sakariye camir Reply

    08-January-2013 at 9:56 am

    waaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaw waxaasaa xidig aduun ah ronaldo iskaga tag dhe meesha waad ku waalatay sidaad inan kan yar ee cagaha dahabkaa leh ugu daba xiiqaysay naftii ilaahay ayuu kuu keenay waar iskaga carar waxba meesha kuuma yaalaaane waad garan laadahay lakiin isagaa ku tusaya

  28. Rashkaa from capetown Reply

    08-January-2013 at 9:45 am

    Waxan lenahay welcom to old trofot c.ronaldo laliga magac kama racin reeb ma.ahane u imow walaha man unitee viva manu

  29. waa waqii yare Reply

    08-January-2013 at 9:30 am

    waxaan ku faraxsanahay markii 4aad is ku xigtay ee ku guulaysta abaamarinta xiddiga adduunka lion messi

  30. Ba Reply

    08-January-2013 at 9:28 am

    Kkkkklllllkkkkkkkkkk meel rag kala tegey waa u taagnaa kkkkkkkkkkkkk war yarki ronaldo dib u tartamimayo intu legaha joogo

  31. ABDI-HAKIIN Reply

    08-January-2013 at 9:27 am

    MESSI MESSI MESSI MESSI……… way socotaa wuu karaa ilaa 2022 inuu si wado guulaha viva BARCA

  32. Spurs fan Reply

    08-January-2013 at 9:25 am

    Qof kasto wuu ogaa mana jirto cid messi latar tami karto dunida leo messi

  33. C/casis haaji Reply

    08-January-2013 at 9:20 am

    Messi waa laacib an marnaba caadi eheen asiga iyo asxaabtiisa viv all barca and man.cty and liverpool viva messi suares kun aguero

  34. Muscab Reply

    08-January-2013 at 9:17 am

    Best player of all time
    Lionel Andress Messi ..bakhtiga dhahayo wax cup ma qadin war meqa dhibcod a laga sareya ma iswaydisay .. Mase meqa gul daro ayu gaynaldo so xarestay xili ciyaredkan. Muxu koxdisa u badbaadin waye marka.. Nacas nrmada nagala kor tag bye..

  35. Deekow yare Reply

    08-January-2013 at 9:12 am

    Waryaa hee uryankan hanoo hayeysinina uf uf

  36. don victor elcapilero Reply

    08-January-2013 at 9:11 am

    Leo Messi in 2012 – By Numbers:
    DISTANCE
    Average distance he scored from: 14.8 yards (or13.5 metres)
    TIME OF DAY
    Day: 16 goals scored, 571 minutes played, 36 minutes per goal
    Night: 75 goals scored, 5,402 minutes played, 72 minutes per goal
    MESSI BINGO
    There were 37 minutes of the 90 in a match that Messi didn’t score in this season. These are the minutes Messi DIDN’T score in during 2012:
    1, 2, 3, 4, 5, 6, 7, 8, 9, 10, 13, 14, 15, 19, 21, 23, 24,
    26, 30, 32, 36, 37, 38, 40, 46, 50, 53, 54, 55, 62, 66, 68, 69, 75, 82, 83, 87.

  37. mr.4k Reply

    08-January-2013 at 9:09 am

    salaamaat min kuli aaafaat waan yaabnaye ma yaabten waa mucjisada kubada cagta sanadki afarad ayuu la hoyday kubada dahabka ka hara messi idinka diiden waa kan ronaldo isago fara maran ka yimid zurich mida kale cr7 xalay fashionka xita wa laga qaaday kkkkkk xaflada xalay wuu ku raaxeystay lionel andres messi viva andres messi viva andres iniesta and xavi harnandez

  38. deqo man united for ever Reply

    08-January-2013 at 9:03 am

    waaaaaaaaaaaaaaaw lionel messi caadi ma aha viva messi viva man united

  39. Ahmed borama Reply

    08-January-2013 at 9:02 am

    Ah ah ah wawax ay xaga danbe qiiq ka sidayaan reer ronaldo tageerayasha ronaldo niyada xaar u shega messi ayaan u hanbalyaynaynaa hadaan nahay reer barca kkkkkkkkkkkk.

  40. maxamed Reply

    08-January-2013 at 8:51 am

    meesi wuu u qalmaa inuu qaado sababta oo ah waa hal yay inkastoo aan la jeclayn inesta balse roonaldo calool xumo ayay u tahay ….

  41. Ducaysane Reply

    08-January-2013 at 8:41 am

    Hambalyo Hambalyo Hambalyo Leo Messi Guuuuuuuul weligaaaaaa

  42. Kabtanka kooshin Reply

    08-January-2013 at 8:40 am

    K.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k. Lacibka adunka leion messi oo is kor cusub dhigay ka dib fifa bolon dior oo 4 mar ku guleystay dhoocishii xumed ronaldo la dhahaye way xanaqday wayna carotay marki is kor cusub dhigay ninkii oo iska dawa qoray oo dhigay marka ha isku faceysan dhocilki ronaldo ina la tartantid lacibka adunka kana xisho mar walba ad dheleysid inaa faceysatid waa abahaa oo kale messi the best messi

  43. cabdi holland Reply

    08-January-2013 at 8:37 am

    messi ciyaalka dhama suaal hal cup mu qadin hadan waa la siyey rolando waxa uu qaday laliga cup deri waxa uu istagay euro afarta nasiib ayaa lagu reebay lkn hadana lama sin ronaldo best player all over the world byyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyy

  44. Max,ed max,ud Reply

    08-January-2013 at 8:36 am

    Messi waa laacib waa ciyaryahan degan aqlaq leh wuu mudanyahy baloni di oro ronaldo haku taagnaato

  45. Lilmuu_citizens_ Reply

    08-January-2013 at 8:35 am

    Yaap Waaye Fifa Maba Daawato Malaha EPL.
    world XI
    Barca Iyo Real..!!!
    Mecello Maa Ka Fcn Cole?
    Mee Toure?
    Mee pirlo?
    Mee Zalatan?
    Mee Kompany?
    Dats Iznt Fear….

  46. kabi taano Reply

    08-January-2013 at 8:33 am

    hanbalyo mesi

  47. Lilmuu_citizens_ Reply

    08-January-2013 at 8:31 am

    MESSI MESSI MESSI
    Haa Kadaa Yaquuluun Jamaahiru Barca Wa anaa lastu cushaaq barca walakin Uxibbu MESSI.

  48. shariifka Reply

    08-January-2013 at 8:24 am

    viva raonaldo

  49. c/raxmaan sheekh 10 Reply

    08-January-2013 at 8:23 am

    waaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaw waxaaasaaa laacib laga dhahaaa leo messi waa ciyaaryahanka aduunka gabartii ronaldo aheed xalay ma hurdin ooyin & ciil ayuu la hoyday fifa leo fifa barca

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>