Raul Meireles Oo Ganaax Culus Dhabarka Loo Saariyay Ka Dib Markii Uu Ku Candhuufay Garsoore. | Laacib.net
Home » Europa League » Raul Meireles Oo Ganaax Culus Dhabarka Loo Saariyay Ka Dib Markii Uu Ku Candhuufay Garsoore.

Raul Meireles Oo Ganaax Culus Dhabarka Loo Saariyay Ka Dib Markii Uu Ku Candhuufay Garsoore.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Taariikh: 21-12-12 6:47 AM

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Fenerbahce Raul Meireles ayaa lagu ganaaxay 11 kulan oo uu garoomada ka maqnaanayo ka dib markii ay ganaaxaas dul dhigeen xiriirka kubada cagta Turkiga ee TFF.

Ciyaaryahankii hore ee Chelsea ayaa ganaaxaan ku muteystay ka dib markii lagu helay danbi ah inuu ku candhuufay garsoore markii loo taagay jaalihiisii labaad kulankii ay kooxdiisa guuldarro 2-1 ka soo gaartay Galatasaray.

Ciyaaryahanka reer Portugal ayaa markii hore beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay, waxaana uu ku sii doodayay in casaankii uu siiyay garsooraha inay aheyd markii horeba mid qalad ah.

Waxaa markii hore la qiyaasayay in Meireles la ganaaxayo todoba kulan, si kastaba, TFF ayaa go’aansatay inay ganaax intaas ka badan oo 11 kulan ah dushiisa dhigaan.

29 jirkaan ayaa u dhaqaaqay kooxda Turkiga xagaagii markii uu ka tagay Chelsea, isagoo boos joogta ah ka helay kooxda Fenerbahce.

11 Responses to Raul Meireles Oo Ganaax Culus Dhabarka Loo Saariyay Ka Dib Markii Uu Ku Candhuufay Garsoore.

  1. Khaliif Reply

    25-December-2012 at 1:43 pm

    Wuxuu ahaa ciyaartoy wanaagsan markii uu joogay chalsea markii uu katagayna wuxuu noqday sidaas taa macnaheeda waa chelsea in ay ciyaartoyda barto dhaqanka wanaagsan

  2. Mah'ed Abdi Yousuf Reply

    22-December-2012 at 11:54 am

    RUAL MEIRELES gortu koox kale ku bire ma lagaranayo haben ma la kala gata horta isaga wan la yabe

  3. saacid Reply

    21-December-2012 at 10:31 pm

    bastarka chelsea aya bartay iyadana wa la mid

  4. selcuk inan Reply

    21-December-2012 at 5:30 pm

    merelesna ganaax iyo casaan ayaa garoonka looga saaray fenerbahcena waa la tumay viva galatasaray’s selcuk inan and semih kaya

  5. sakariye Qanciye Reply

    21-December-2012 at 11:38 am

    ugu horayn salan bahda lacib iyo dhalinyarta marka xigta Meriles wxa lagu ganaxay inu calamada qanirnımada ah gacanta kasameyey wxa na laganaxay 12 ciyar iyo 15kun o dolar wana markisi ogu horeysay o u rooso qaato abid

  6. Adi wali kakuma Reply

    21-December-2012 at 10:01 am

    Wumuteys tay hala ganaxo madama wu nala dhafay aqlaq xumada

  7. M.BAROS Reply

    21-December-2012 at 9:25 am

    Akhlaq xumada chalsea ayu ka bartay

  8. Cabdisalan maxamud Reply

    21-December-2012 at 7:35 am

    Wu kusaxsanyahay in
    laganaxa itaa &inkabadan dhaqanbiiska xun

  9. Nasri Barca Reply

    21-December-2012 at 7:15 am

    11 kulan bisa. Aniga haddan garsoraha ahan lahay Dharbaxsho ayan ka kici lahay islamarkiba

  10. C/laahi xaji shuuriye Reply

    21-December-2012 at 7:04 am

    Ganaxa galka galku dhalay wa yahuud sow ma aragtan waxa korkisa shabat ah ku qoran

  11. Abdifatah villa Reply

    21-December-2012 at 6:58 am

    Wu mudan yahay in la ganaxo Garsoore candhuf lagu tufay wax yar ma,han

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>