Tartanka Bariga Iyo Bartamaha Afrika Oo Maanta Furmay Iyo Xulka Soomaaliya Oo Berri Ciyaaraya. | Laacib.net
Home » Africa » Tartanka Bariga Iyo Bartamaha Afrika Oo Maanta Furmay Iyo Xulka Soomaaliya Oo Berri Ciyaaraya.

Tartanka Bariga Iyo Bartamaha Afrika Oo Maanta Furmay Iyo Xulka Soomaaliya Oo Berri Ciyaaraya.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 24-11-12 6:08 PM

Xulka dalkeena Soomaaliya ayaa kulankooda ugu horeeya koobka bariga iyo bartmahada Afrika waxa ay ciyaari doonaan berrito marka ay geesaha isgeliyaan xulka Burundi oo ay kuwada jiraan Group B.

Somalia ayaa berrito ku qaabili doonta garoonka Namboole Stadium xulka Burundi iyadoo koobka bariga iyo bartamaha Afrika ay sannadkan martigelineyso wadanka Uganda.

Xulka Soomaaliya ayaa waxa ay sidoo kale Group B iskula jiraan xulalka Tanzania iyo Sudan kuwaasoo iyagana sidoo kale berri ciyaari doona.

Koobka bariga iyo bartamaha Afrika ayaa waxaa sannadkan ka qeybgalaya 12 wadan, iyadoo South Sudan ay tahay wadanka ku cusub tartankaan islamarkaana ciyaaraya tartankoodii caalami ee ugu horeeyay tan iyo intii ay ka go’een Sudan 2011.

South Sudan ayaana guuldarro ku furatay tartankaan ka dib markii guuldarro 1-0 ay ka soo gaartay xulka Ethopia oo ay kuwada jiraan Group A kulankii ay ciyaareen maanta.

Waxaana Group A kula wehliya Uganda oo martigelineysa koobkaan iyo xulka Kenya oo iyagana isla maanta ciyaaraya.

Group C ayaa iyagana waxaa kuwada jira Rwanda, Zanzibar, Eritrea iyo Malawi oo ah xulka lagu martiqaaday sannadkan koobkan, iyadoo bedeshay xulka Jabuuti oo ka baxday tartankaan ka dib markii ay ku micneeyeen inuu heysto arimo dhanka maamulka ah.

Tartankaan ayaa bilowday maanta oo 24ka November ah waxaana uu socon doonaa ila 8da bisha December ee soo socota.

Group-yada koobka Bariga Iyo Bartamaha Afrika:

Group A

Ethiopia, Uganda, Kenya iyo South Sudan

Group B

Somalia, Burundi, Sudan iyo Tanzania

Group C

Rwanda, Zanzibar Eritrea, Malawi.

50 Responses to Tartanka Bariga Iyo Bartamaha Afrika Oo Maanta Furmay Iyo Xulka Soomaaliya Oo Berri Ciyaaraya.

  1. yusuf Reply

    25-November-2012 at 1:04 am

    Masha allah waxaan urajay naa walal hayga iyo wadan keega ba waxaan ura jeeyna guuuuuuuuul for live !!

  2. maxamed Reply

    25-November-2012 at 1:00 am

    asc soomaaliya guul ayaan u rajeynaa [viva wadankeyga hooyo ee somalia]

  3. saaadaq omar Reply

    25-November-2012 at 12:42 am

    insha alaaah bari waxaan heli donaa guul aad u muhim ah ciyaartoyda waxaan le yahay dadala insha alaaah waad hanan dontaa insha alaaaah

  4. Axmad baraf Reply

    24-November-2012 at 11:31 pm

    Asc waxan karajena xulka qaranka somalia guul gushoo kuraceysa somalia.3. 1B INSHA.ALLAH

  5. waa loo dhashtaa wadani Reply

    24-November-2012 at 10:56 pm

    SOMALIA AYAA QAADI DOONTO CUP KA INSHA.ALLAH BERI NEH WAN KARAACI DOONA RUWANDA DAMIINOW WAX BARO

  6. farey farsamo Reply

    24-November-2012 at 10:48 pm

    asc somaliya waxaan u rajeynayaa guul ugu yaraan 2~1 ayaan ku adkaaneynaa insha~allah

  7. kaaraan cade Reply

    24-November-2012 at 10:39 pm

    as war wab dhmn soomaaliya guul wacan ayaan idiin rajeyn iinsha allaah wabilaahi towfiiq

  8. Cirro Reply

    24-November-2012 at 10:32 pm

    Somalia guul ayan urajenena bari insha allah

  9. Caaqil114 Reply

    24-November-2012 at 9:01 pm

    asc hadaan soomaali nahay dhiigga ayaaba nakacaayo markaan aragno magaca xulka somalia oo kubadda ciyaaraya inaan taageero mooyee maba joogi karo.. asxaabta waxaan leeyahay xulkaada qaranka adigoona kala saarin taageer ileeyn magaca soomaaliya ayey wataan haduu qalad jiro qolooyinka sportiga waa inaan u sheegnaa maahan inaan website caalami ah wax uga sheegno any way xulkeeyga soomalia sanadkaan guul taariikhi ah ayaan u rajeeynaa, eeyna kasii fiicnaan doonaan sidii hore inshaa allaah.. viva somalia guul guul guul..

  10. Kilaas Reply

    24-November-2012 at 8:59 pm

    Somalia guul viva somalia

  11. Yahu Reply

    24-November-2012 at 8:58 pm

    Viva purindi

  12. cabdul Reply

    24-November-2012 at 8:55 pm

    guul wey ayaan urejeynaa somalia berito insha allah viva somalia

  13. WADANI YARE Reply

    24-November-2012 at 8:49 pm

    I love somalia waxan ahay wadani wadankisa jcl waxan ahay xuma dhafaha wanag dhisaha wadankisa i am wadani somali guul waxan ilahey ubarya somalia gul waligey banoni ilahey uma tugin lkn hada watana

  14. basey cade Reply

    24-November-2012 at 8:46 pm

    asc somali guul guul waqtigeni aya lagaray waxan leyahay manta wa dhabtiye u dhaqaqnay guusha 5-1 viva sharkey iyo macalinka somalia

  15. Istiila from B/xuubey Reply

    24-November-2012 at 8:42 pm

    Wan ku qasbanahay inan taagero xulka muqdisho maxa yeelay wexey wataan magici somalia waxan aad u dhalilaya xiriirka k/cagta somaliyed iyo wasaarada sportska somalia oo wax walbo muqdisho ku koobey aaway goboladi kale ee somalia maxa xaqooda loo duudsiiyey anyway viva xulka muqdisho

  16. mukhtar Reply

    24-November-2012 at 8:39 pm

    asc dhaman umada somaliyed berito wa malinti gusha somalia waxan ku badineyna 3_0 insha.allah viva somalia

  17. Saciid yare Reply

    24-November-2012 at 8:35 pm

    Waxaan ilaahay kabaryayaa wadankeyga soomaaliya iney guleystaan bari iyo hadiyojeer guul wacan

  18. samiir dhiblaawe Reply

    24-November-2012 at 8:26 pm

    Somaliya melkasta aan ku dhonol nahay guuuul viva somaliya

  19. tagero chelsea Reply

    24-November-2012 at 8:23 pm

    inshalaha wadan keyga hooyo waxaan urajay nayaa in ay kobkan meel fican kagasho inshalah bari waan badi henaa viva somalia

  20. Abdifatah villa Reply

    24-November-2012 at 8:16 pm

    Somalia Guuuuuuuuul

  21. selman Reply

    24-November-2012 at 8:16 pm

    fikirkaygu wa ina ogado in la heli karo meel lagala socdo ciyarahahan bilabanaya ee bariga iyo bartamaha afrika

  22. musa alteso Reply

    24-November-2012 at 8:12 pm

    ilah waxan kabaryey naa guul daro lama filan ilah in uu nugu ridin kabtan sharkey iyo macalinka qaranka wali giina hani yajibina aqiyareey guul guul ilah hana gaar siiyo amin

  23. jalaqsane Reply

    24-November-2012 at 8:05 pm

    wax badan ayaa waxaa dhagahayga ku soo dhacay waxaa ciyaaraysa englan,italia, spain iyo wadamo kale oo faro badan lkn maanta waa waxa ciyaaraya wadan kaygi hooyo somaliya waxaan u rajeenayaa guul iyo koobka in la keeno somaliya,waxaan ka mid noqondoonaa dadka u yaar garoobaya daaashadaa inka dhalooyinka

  24. cumar Reply

    24-November-2012 at 8:02 pm

    ASC SOOMALIYA GUUL AYAN UU RAJEEYNA IN SHA ALAH DALKAYGA HOOYO KAMA MARMO

  25. Viva Ethiopia 1-0 ayan kuna badenay kubka waxa eska le ethiopia wayna eska cadahay

  26. Allan Reply

    24-November-2012 at 7:43 pm

    Somali waxaa urajeynaayaa guul somali 5 brundi 2

  27. chelsea girl Reply

    24-November-2012 at 7:41 pm

    insha alh our motherland waxan u rajeyneynaaa guuul guul guuuul

  28. Deeqow cade ilove wajid Reply

    24-November-2012 at 7:31 pm

    Waxan leenahay walalahena somaliya guul gaara isha alah walaalayal beri hadii ilaahey yirahdo guul guul viva somalia

  29. نورعلي Reply

    24-November-2012 at 7:25 pm

    Asc sharkada laacib hadaa ikirkega guul somalia

    somaalia 9 dhibcod
    sudaan 6 dhibcod
    tanzana 3 dhibcod
    burudi 0 oo dhibac laheni
    saa waxaa u sobaxayo wadamada
    somali iyo sudaan guul by

  30. Maxamed Reply

    24-November-2012 at 7:22 pm

    Asc. Salan kadib xulka muqdisho hadhihin xulka somaliya,xulka muqdisho waxaan urajenayaa guul.

  31. maxmuud ciise Reply

    24-November-2012 at 7:20 pm

    waxaan tagareya dalkayga hooyo ee soomalia waxaan urajaynaya guul in ay kagaraan 11 dal ee latartamaysa koobkabana uu aado xagaa dalka hodanka ah ee ALLE nimcada ku manaystay ee soomaaliya
    100% waan aa misanahay in ay koobka qaadayaan

  32. Mahamad Reply

    24-November-2012 at 7:17 pm

    Waxaan ilaahaya kabaryaynaa inaan koobkan qaado hadaan nahay somalia

  33. Bashal~boy Reply

    24-November-2012 at 7:08 pm

    Waxan kuhan waye nahaye inaan Gul Kagarno Burindi insha Allah guuuuuul somaliya

  34. Bashal~boy Reply

    24-November-2012 at 7:05 pm

    Waxan urjenaya Gul wadankeyga somaaliya insha Allah

  35. Buullo mareer Reply

    24-November-2012 at 7:05 pm

    Xulka qarka somali hadey rabaan guul. haka daayan afaaro qawiilnimada ee laacibta hala soo wado

  36. saaid Reply

    24-November-2012 at 7:05 pm

    Somali muqdisho viva

  37. sharif Reply

    24-November-2012 at 7:04 pm

    somalia guul insha,alaah waligen aan ahayn wadan awood leh

  38. dzeko Reply

    24-November-2012 at 7:04 pm

    Wali somalia o ciyareso ma arag , lkn hadii an arki laha wan iska fiirsan laha , somalia haiska nolaato as a magac

  39. Juuju Reply

    24-November-2012 at 6:56 pm

    Guul weynu rabnaa lkn in tiro ah oo qabiil loo fiiriyo miyeynu ku guuleysaneeyna billa caleyk war soomaliya oo dhan halaga sok xulo ciyaartoiyda qaranka xalanka hana ceebeynine waxaan daawanayay itoobiyo markii aay shanta nagu kudhifatay oo soomalia ay dhalisay hal gool oo kaliye ciil iyo oo hin baan garoonka kalabaxay maalintaas anoo faraxsan ayaana soo galay si aan u taageere xulka qaranka oo aan u jabino xabashada

  40. muha100 Reply

    24-November-2012 at 6:54 pm

    waxan rajaynaya xulka wadankeena in uu guul fcn kakeeni doono inshalah

  41. Nuur Reply

    24-November-2012 at 6:52 pm

    Soomaaliya waxaan u rajeya nayaa guul iyo musataqabal fiican marka umada soomaliyeed hasoo duceeyaan in uu illaahay meela wanagasan uu geeyo amiin amiin waan ku rajo qabaa in ey gaadhi

  42. dangarad Reply

    24-November-2012 at 6:47 pm

    MAXAA GUUL SOOMAALIYA GAARTAA WAXAA HAREYEY MUSUQ MAASUQ DHAN KASTA AH ILA SPORTSKII AYAA ADEER ADEER LAYSKU WADAA MARKA TAAS GUUL KAMA SUGAYNO CEEBTEENII INOOSOO QAADA

  43. k'naan Reply

    24-November-2012 at 6:47 pm

    guul ayan u rajeynaya my wadankeena hooyo viva somalia

  44. Dhuhulow Reply

    24-November-2012 at 6:46 pm

    Insha,allaah umada somaliyed mel kasta e dunida ka jogaan waanun ka farxi donnaa kobkaan by ciyaryahanka xulka ocean stars c.risaaq maxmed cusman oo u balan qatay tagerayaasisa somaliyed guul

  45. Mahdi blues Reply

    24-November-2012 at 6:44 pm

    Xulka Somalia??? Xulka gobolada koonfurta Somalia. gaar ahana Muqdisho. waligeed Somalia guul gaari mayso inta ay qolyo gaara ay afduubayan umada.

  46. Mazacar Reply

    24-November-2012 at 6:35 pm

    Somali guuuuuuuuuuuuuuuuuul

  47. yasurvic Reply

    24-November-2012 at 6:34 pm

    wan ku faraxsanahay guul ayan rajenena madama an ahay wiil somaliyed guul ayan rabna smalia

  48. Nasri Barca Reply

    24-November-2012 at 6:15 pm

    Somalia guul

    • prince arsenal for ever Reply

      24-November-2012 at 8:50 pm

      ADEERO WAX ISKA CELIYA HA INA CEEBAYNINA GUUUUUUUUUUUUUUUUUUL

    • Gurey Reply

      24-November-2012 at 9:05 pm

      Somaliya lagama xulkan Mogdisho ayaa isu taqaan somali Anagu waxaan unaqaan Hiraab team waana laga badinayaa Weligoodna Guulaysan maayaan Sababtoo ah waa dad qabyaalad lagu xulay

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>