Ciyaaryahanka qadka dhexe uga ciyaara Real Madrid Xabi Alonso ayaa ka dhaadhiciyey Nuri Sahin in uu si amaah ah ugu biiro Real Madrid halkii uu u wareegi lahaa kooxda Arsenal.
Ciyaaryahanka qadka dhexe ee Turkiga ayaa heshiiskii uu ugu wareegayay Anfiel muddo 12 bilood ah la soo dhamaystirey iyadoo markii hore ay jireen warar la xiriirinayay kooxda Arsenal.
Si kasta ahaatee ciyaaryahankan reer Turki ayaa shaaca ka qaaday in ciyaaryahankii hore ee qadka dhexe uga ciyaaru jirey Liverpool Alonso uu kala hadlay sidii uu ugu biiri lahaa kooxdiisii hore.
“Xabi waa qof si weyn u jecel kubbada cagta,anigana sidaa oo kale ayaan ahay,taasina waa sababta aan mar walba u wada sheekeysano,”ayuu u sheegay Sahin shabakadda warbaahinta Liverpool.
“ Markii uu maqlay in Liverpool ay i dooneyso waxa uu bilaabay in uu iigaga sheekeeyo Liverpool. Weli wuu jecel yahay kooxda sidaan u malaynayo. Waxayna ahayd mid waali oo kale ah qaabka uu iigu sharxay Anfield.
“Waxa uu igu yiri, ‘Aad halkaa waad jecleysan doontaa, taageerayaasha ayaa ku daryeeli doona wayna ku jeclaanayaan iyo waxyaabo kale oo sidaa oo kale ah. Waxana uu ku tilmaamay in garoonka Anfield uu yahay garoonka dunida ugu fiican.
“Xabi koobab badan ayuu la qaaday Liverpool sidaa ayaan anigana aan rajaynayaa.”ayuu yiri Sahin.
Ciyaaryahankan ka ciyaara qadka dhexe ayaa sidoo kale ka hadlay rajada uu ka qabo xilli ciyaareedka uu la joogi doono kooxda ka dhisan England.
“Sanadkii hore xilli ciyaareed adag ayaa is oo maray dhaawacyo awgeed. Saddex jeer ayaan dhaawacmay sanadkii hore.
Kooxda si fiican ayay u ciyaartay, balse aniga ma ciyaarin kulamo badan. Taasina waa sababta aan ula hadlay Real Madrid oo aan u sheegay in aan doonayo inaan hal sano ka maqnaado.
“Waxaan doonayaa in aan ciyaaro kubbad, waxayna ii tahay muhiim in aan u tago koox tababaraheeda uu i doonayo. Waxana aan doonayay in aan u ciyaaro koox la heer ah Dortmund iyo Madrid taasina waa sababta aan u doortay Liverpool.
“Sanadkan waxa uu ii yahay muhiim inaan ciyaaro, waan inaan ciyaaro si aan u hormariyo ciyaarteyda una caawiyo kooxda. Haddii ay xaaladeydu wanaagsanaato, waan hubaa inaan caawin karo kooxda Liverpool Football Club, iyo Brendan Rodgers, ciyaartoyda aan isku kooxda nahay way i caawin karaan.
“Waxaan wax badan ka bartay Real Madrid, ma aha kubbad kaliya, dabcan oo waxaan wabadan ka bartay kooxda Real Madrid.”
“Qof ahaan, waan koray sanadkii hore sanadkii hore wiil ayaa ii dhashay hadana waxa uu jiraa 11 bilood. Sanadkii hore waxa uu ii ahaa mid la yaab leh, waayo waan dhaawacmay, hadana dhinaca kale wiil ayaa ii dhashay, hadana aabe ayaa noqday waxana aan horyaalka Bundesligaha la qaaday Borussia Dortmund isla sanadkaana waxaan ku biirey Real Madrid.
Garoorshe
27-August-2012 at 8:27 am
Hodan seey kaa naqotay cunug kasta oo dhasha waxu ku dhashaa fidrada ama diinta ilaa labadiisa waalid waxey ku xariirshaan maahine n.saahin waa muslim cunugane waa muslim marka ha dhihin ka dhiga muslim wiilkaada ani waxn jec ciyaartoyda muslimiinta ah they played every team or club saahin cfmd ayn ku rajeyna iyo cibaado suuban iyo xili wacn aad ku qaadato kubada cagta
Mowlid
26-August-2012 at 11:58 pm
Sahin sxb walal sodhawow ayan leenahay if we r reds u will enjoy the rest of ur fotbal career
Mahmoud owen reds
26-August-2012 at 10:29 pm
Masha allah bes sahin intaan iigu ekeey wn sugaayey qof adiga cml ah mudo bdn ayn ku riyoonayny aniga iyo taageerayaasheena liverpool waana guul noo timaadey caawa wn ku aragney tarbuunka ayd fuushey si fcna wa lagu so dhaweeyay wsna aragtaa sida aan u galney man city lkn nasiibka ayaa na saacidi waayey sorry lkn wxn hubaa adiga iyo gerrard suarez borini oo garoon isla galay in aan markale koox aan naga badinineynn asbuuca soo socda reer arsenal meeshi aad geli rabteen aya la idinka rabaaa hayeey sahinkii aad dooneysen aya idinka badinaayo kkkkkkk
xudeyfa syl
26-August-2012 at 10:17 pm
wa sax reds wa mel la xasusto lona xiso anfield liverpol
Abdifataah vila
26-August-2012 at 5:41 pm
Xabi alonso wax fiican bad sameysay adiga xita wad jeceshay inad reds ku so laabato nuri sahin wax weyn ayu team ka kuso kordhina you will never walk alone viva reds
mustafe liverpoolfc, luis suarez
26-August-2012 at 4:20 pm
ninba marbaa loo aayaa waligiiba hakaa tagee sida xavi olanso oo kale
Abdi
26-August-2012 at 4:15 pm
Waxan jclan laha inan koxda chelsea laqado cup champions leaga marka 2bad anigo ah david luiz
M.wekow
26-August-2012 at 4:13 pm
Sahin welcome to liverpool (you will never walk aloan
Cabdullahi
26-August-2012 at 4:02 pm
Sahin soodhawow qofkastaa wuukutaageeridoonaa qaas ahaan taageerada somalida ah ootaageerta liverpool waayo waxaatahay muslim hadana turki ah qofkastaa wuusoo buufsandoonaa funaanadaada imaanshahaaga waan kufaraxsanaha saaid laacibnimadaadana waana,anficidoontaa
Hodan sh.cumar
26-August-2012 at 3:30 pm
Kk saas alobahanya welcome xayta arsenal ma waxjiraa inagaaa madixii ugu sareeryay kala wareegnee waa robin van p viiva united tankale nuri sahin waa nin muslima sodhawaaaw dheh hampalyo wiilkaadana muslim kadhig
Mahamed wali
26-August-2012 at 3:29 pm
Viva liverpool ciyaryahan walba o dunida jooga waxu jcl yahey in u anfield marun ku ciyaaro sanadka danbana waxa imadayo aloso iyo messi viva liverpol 4-0 mancity suarez hat-trick borini 1
May
26-August-2012 at 3:25 pm
Wan jaclahay shahin wa qof muslim ah hadana wuxu yimid nadiga aan tagero gul ban ku rajeynaya sxb shoqo wacan
Mr america
26-August-2012 at 3:20 pm
Ma sha allah saas aan ka rabaa waana ku farax sanahy waxaan u malayha in aad lvp jclan doonto
Gunner
26-August-2012 at 3:15 pm
Alonso Cunugan waxa liverpool ugu dirtay si uusan sanadka danbe u noqn nin qatar ah oo uusan real ugu so laban waad garaneysa nin arsenal 1 malin la so aalamiteyay sida u yahay hahhaha
zuheyb
26-August-2012 at 3:14 pm
welcome to anfield walalken sahin wad idin salaamay dhamaan taageerayasha lfc
Yaaaaaaaaaaabka
26-August-2012 at 3:13 pm
Kkkkkkkk shalayna wuxu dhahayay koox ucl ciyareso ayan raba mantana sidanu uhadlaya viiva arsenal arsenal wayku nacday liverpool wax uqabo
king of macQulsome [ hurwa boy ]
26-August-2012 at 3:12 pm
Alonso caadi mahan his heart is still Red. Ynwa Xabi !!