Ciyaaryahanada Reer Belgium Oo Ku Soo Badanaya Kana Dhex Muuqda Premier Laague | Laacib.net
Home » Maqaal » Ciyaaryahanada Reer Belgium Oo Ku Soo Badanaya Kana Dhex Muuqda Premier Laague

Ciyaaryahanada Reer Belgium Oo Ku Soo Badanaya Kana Dhex Muuqda Premier Laague

Waxaa Qoray: Mohamed Aseyr
Twitter: Taariikh: 22-08-12 6:12 PM

 

Horyaalka dalka Ingiriiska oo ka mid ah horyaalada kubbada cagta ee dunida sida weyn looga qiimeeyo ayaa waxaa ka ciyaara ciyaaryahano faro badan oo ka kala socda caalamka waxaana haatan si weyn ugu soo badanaya laacibiin da’ yar oo ka soo jeeda dalka yar ee Belgium.

Kulankii ugu horeeyey ee tartankan Premier League ayaa waxaa laga badiyey kooxda Man United iyadoo guuldaradaana uu lug weyn ku lahaa ciyaaryahan ka soo jeeda dalka Belgium Fellaini kaasoo uu tababaraha Man United uu kaga hadlay waxana uu yiri:

‘Waa qof cajiib ah, wuu dheer yahay,xoog ayuuna leeyahay. Kooxda Everton waxa ay kubbada la raadsanaysay wiilkan waxana uu ugu dambayntii helay waxa lala doonayay.’

Labada koox ee waaweyn ee Arsenal iyo Man City ayaa waxaa kabtano u ah labo ciyaaryahan oo ka soo jeeda wadanka Belgium oo kala ah Thomas Vermaelen iyo Vincent Kompany oo isagu u horkacay kooxda Man City inay ku guuleysatao horyaalka Premier League ee xilli ciyaaredkii la soo dhaafay.

Naadiga Chelsea oo ah kooxda haysata horyaalka Yurub ayaa waxa ay lacag dhan £32million waxa ay ku soo iibsatay Eden Hazard oo kulankii ugu dambeeyey si weyn ugaga dhex muuqday kooxda Chelsea waxana uu Hazard uu lug ku lahaa labadii gool ee kulankii ugu horeyey ay dhaliyeen kooxda Chelsea.

Kevin Mirallas ayaa ah ciyaaryahankii ugu dambeeyey ee ka socda dalka Belgium oo ku soo biira horyaalka Premier League waxana uu ka mid noqday kooxda Everton.

Mirallas oo ka hadlayay sida uu u arko ciyaaryahanada reer Belgium oo ku soo badanaysa Ingiriiska ayaa yiri:

‘Waa ay wanaagsan tahay in aan halkan joogno. Waxaan u ciyaaraynaa si wadajir ah amaba waan iska soo horjeedna, taasna waxa ay u wanaagsan tahay xulka qaranka dalkeena.

Romelu Lukaku oo kamid ah ciyaaryahanada reer Belgium ayaa waxa uu si amaah ah ugu soo biirey kooxda West Bromwich Albion isagoo ka soo tegey Chelsea uguna soo biirey si amaah ah waxana uu goolkiisii ugu horeeyey u dhaliyey West Bromwich isagoo dhaliyey goolkii saddexaad ee kooxdiisa cusub ay ka dhaliso  Liverpool Sabtidii.

Tottenham ayaa dhowaan la soo wareegtay daafaca dhexe ee reer Belgium una ciyaari jirey kooxda Ajax ee  Jan Vertonghen. Goolhayaha Sunderland Simon Mignolet ayaa ka soo jeeda dalka Belgiumka

Belgium ayaa taariiq hore ku lahaa ciyaarayaha kubbada cagta waxaana uu soo gaaray kaalinta semi finalka ciyaarihii adduunka ee 1986dii markaa oo uu reebay Diego Maradona oo horkacayay xulkii Argentina. Markii ugu dambaysay ee ay yimaadeen horyaalka Yurub waxa uu ahaa 2000 xilligaa oo ay wax ka martigeliyeen horyaalada Yurub oo lagu qabtay dalkooda iyo wadanka Holland.

17 Responses to Ciyaaryahanada Reer Belgium Oo Ku Soo Badanaya Kana Dhex Muuqda Premier Laague

  1. Kabtanka Reply

    23-August-2012 at 10:34 am

    Marka hore wad salamantahin bahda laacib.net iyo tagerayasha chelesa teda kale xaley waad aragten wacdaradi hazad chelsea hanolato

  2. city man Reply

    23-August-2012 at 8:40 am

    sidoo kale waxaa ka ciyara premier league ciyaaryahanka xirfadda badan dembele viva kompany

  3. Ismaaciil Ibnu Axmed Reply

    23-August-2012 at 4:49 am

    Chelsea 4-2 Reading goolasha chelsea lampard(pen)18, cahill 69, torres 81, ivanovic 90+5

  4. (tiigare) (ciyar) (jecel) Reply

    23-August-2012 at 2:32 am

    KkkkkkkkkkkkkkkkkkkkKkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk guul wacan chalsea fc & dhamn ciyar toydoda he seda jhon trre and cahil and cole and devid luiz an d ivanavic ana lampard and remeles and eden her sed and martn and mekiel and torres and juan ma ta) war sanadgan kox bdan war wasuga he hadi an lkla dhima nin he aqayarta chalsea tagero mel gast o ad adunka dacala disa ad kajogtan guul wcn yaq y) qoray sare diyeshe ama tiigare haaji ama deeq jacelow lgahelo south africo waliba cepton qasatan retreat tele von kisana wa +27782649156. Hade waxi dherad ah telkas. Kawac kapo

  5. yomiyano mohalvin Reply

    23-August-2012 at 1:09 am

    This season is the season of chelsea and yomi_x

  6. C/lahi ole Reply

    23-August-2012 at 12:38 am

    Run ahanti eden hazard ayaugufican laacibindas odhan viva hazard

  7. fowz Reply

    23-August-2012 at 12:33 am

    chelsea o horyal ka engaland ku hogaaminaysa 6dhibcood iyo xidiga da’da yar re pilgim o kacsan si fcna u ga muqdo koxdisa chelsea

  8. daadir ahmed sanka Reply

    23-August-2012 at 12:18 am

    e.hazard waxu u qalma best player viva hazardand CHELSEA
    sanadkan wa kacsannahay team na celin karo ma jiro waa la isku gooooooooogaaaaaaaaaaaa

  9. mustafe liverpoolfc, luis suarez Reply

    22-August-2012 at 8:37 pm

    ciyaartoyda reer belgium waa rag tayo leh mid mid ka dhaca male

  10. deeqcali Reply

    22-August-2012 at 8:01 pm

    marwaan fellaini waa marookaan ku dhashay bilgimka aabihiisna wuxuu ahaan jiray goolhayaha raja casabalanca waa xidig ka dhex muuqda qaranka iyo naadigisiiba

  11. u Goooy inta an taGerin chelsea Reply

    22-August-2012 at 7:51 pm

    My opinion on Chelsea FC 2012/13
    Marin will come on for Oscar and then switch positions with Ramires.

  12. Dahir/kalaay Reply

    22-August-2012 at 7:41 pm

    Thomas varmalen aya ku leh sanadkan cub ayow u horkici dona takerayasha iyo ciyartowda arsenal vivi varmaelen and matasaker and arteta s.cazarola Nuri sahin vivi All blayrs Arsenal

  13. mohamed Reply

    22-August-2012 at 6:56 pm

    Hazard wuxuu u muuqdaa cayaar yahay taariiq dhigi doono insha allah only kaliya waxaa noo haray hadaan nahay reer chelsea Cavani isagana wuxuu imaanayaa insha allah . maanta ayaa ugu danbayntii wu=axaa loo soo ban dhigaya 35 milyan
    ivoniv luiz cahil cole
    hazard remiras lampard oscar
    torres cavani

  14. fuaad Reply

    22-August-2012 at 6:49 pm

    asc aqyaarey runtii dhamaantood waa ciyaaryahano waa weyn lakiin waan kaxumahay man u maxaa udiiday in ay soo iibsadaan ciyaaryahay reer bilgium ah waad aragtaan company vermalein fileini iyo hazaad awoodooda

  15. ugaas Reply

    22-August-2012 at 6:48 pm

    bahda lacib waxa ay ka tagen ciyar yahan muhim ah kan wax so qoray uma firsan maqlkan sxb waxad katagtay Mousa Dembélé fulham aqon daro ma ku gesay mise wad hagree xidigas kubada qur xon ku dila koxaha ka soo horjeda sxb asna ku dar hilman hadal kuma jire inu yahay biljim

  16. Cabdinuur ismacil digeed Reply

    22-August-2012 at 6:47 pm

    Sanadkan waxa si wayn uga so dhex muqandona horyalkan edan hazerd o ah lacib ad u firfircon ahna kubad sameye waxana umutaysan dona bilado lagu donsiyo iyo cupab isaga gar u ah iyo kuwa u koxda laqadi dono

  17. ugaska xamar jadiid Reply

    22-August-2012 at 6:33 pm

    kk.k

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>