Sneijder Oo Loo Magacaabay Kabtanka Netherland Kulanka Saaxibtinimo Ee Belgium La Yeelanayo | Laacib.net
Home » Horyaalada » Holland » Sneijder Oo Loo Magacaabay Kabtanka Netherland Kulanka Saaxibtinimo Ee Belgium La Yeelanayo

Sneijder Oo Loo Magacaabay Kabtanka Netherland Kulanka Saaxibtinimo Ee Belgium La Yeelanayo

Waxaa Qoray: Mohamed Aseyr
Twitter: Taariikh: 15-08-12 2:10 AM

Wesley Sneijder ayaa markii ugu horeysey  hogaamin doono oo u noqonaya kabtan xulka qaranka Netherland kadib markii tababare Louis Van Gaal uu magacaabay ciyaartoyda marka hore garoonka ku bilaabanaysa kulanka Belgium.

Tababarihii hore ee Bayern Munich oo loo magacaabay inuu leyliyo xulka Netherland kadib markii uu Bert van Marwijk oo tababare u ahaa Orange tartanki Euro 2012 ay ka soo gudbi waayeen wareegii hore.

Kabtankii hore Mark van Bommel ayaa ku dhowaaqay dhamaadki tartanka Euro 2012 inuu gebi ahaanba ka fariistey tartanada heer caalamid, waxana uu ciyaaryahanka qadka dhexe ee Inter hore u sheegay inuu soo dhoweynayo hadii loo oggolaado in uu ku xirto gacanta calaamada tilmaamaysa kabtanimada.

Xulka Netherland ee la ciyaari doona kulanka saaxibtinimo Belgium ayaa waxaa lagu soo daray  Klaas-Jan Huntelaar ciyaartoyda ugu horeysa isagoo markii hore keyd u ahaan jirey  Robin Van Persie xilligii uu tababaraha u ahaa Orange  Van Marwijk balse kulankan isaga ayaa garoonka ku bilaabanaya.

Sidoo kale wiilka da’ada yare e Ajax Ricardo van Rhinjn ayaa daafaca midigta ku bilaaban doona isagoo uu dhinaca bidixdana ka ciyaari doono Jetro Willems oo kulamadii Euro 2012 aad loo dhaliilay.

John Heitinga iyo Joris Mathijsen ayaa boosaskoodii loo dhaafay halka uu Rafael van der Vaart kulankan uu unoqon doono kiisii boqolaad ee uu ciyaaro caalami ah u safto.

Xulka Netherland: Stekelenburg; Van Rhijn, Heitinga, Mathijsen, Willems; De Jong; Sneijder, Van der Vaart; Narsingh, Huntelaar, Robben

5 Responses to Sneijder Oo Loo Magacaabay Kabtanka Netherland Kulanka Saaxibtinimo Ee Belgium La Yeelanayo

  1. tortres Reply

    15-August-2012 at 5:56 pm

    waaw wa wax wangsan inuu sneijder noqdo kaptainka oranje. kam op nederland

  2. Mahamed somali Reply

    15-August-2012 at 2:51 pm

    Welcom coptain Sneijder to open hands!

  3. C/najiib daahir{shiine holac} Reply

    15-August-2012 at 11:06 am

    Waxan filayaa inow yahay nin qaba kara xilka loo dhiibay ciyaryahanka ay sida wayn u doondonaysay koxda man utd waxan urajayna xulka qaranka holland inay guulaystaan bye bye

  4. chouib Reply

    15-August-2012 at 10:16 am

    van persie wa khalad inu galo kursiga kaydka wayo lama agdhigi karo hanteler

  5. Maxamed subane Reply

    15-August-2012 at 6:27 am

    Wuu uqalma waayo waa ninka ugu fcn mida kale heitinga mesha malahan waxa iska leh de vrij ama vergiever no matter wxn sugnaba waa caawa iyo kubadi lanagu ogaa good luck orange and captain sneijder 4ever

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>